HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 23-4-2024

0
Tuesday April 23, 2024 - 09:34:32 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 23-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf ku maamuusay Orod-yahan Cabdullaahi oo ku guulaystay billada Qalinka ee Ciyaaraha Orodks Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirigalinaya Halyeey Cab dullaahi Jaamac Maxamed oo ku guul eystay Billadda Qalinka ah ee tartanka oro dka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qar amada Afrika ayaa ku maamuusay Bil ladda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu us oo hooyay dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Orodyahan Cabdullaahi sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

"Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid ya hay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kal sooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdu llaahi gaaridoono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacs atada iyo guud ahaan bulshada Soomaal iyeed in ay ka qayb qaataan dhiirigalinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaa mac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.

Wasiir Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudah a, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoos h) ayaa shalay caasimadda Muqdisho kulammo salaan iyo isxogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed.

Wasiir Xoosha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedy ada; Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxa med iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xu seen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koon fur Galbeed

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo madaxda Dowlad Goba leed yada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hir shabeelle daarnaa wadashaqeynta labada dhinac, hortabinnada iyo qaar kale.

Ra’isal wasaare kuxigeenka XFS oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare KuXigeenka Xukuum adda Jamhuuriyadda Federaalka Sooma aliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay dhagax-dhigay dhismaha xar unta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laga hirgaliyey Muqdi sho.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa til maamay in xaruntan ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muh iim ah oo ay kamid yihiin dhinacyada wa cyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hor tga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Dhagax dhigan ayaa waxa Ra’iisul Wa saare ku Xigeenka ku wehelinaayey Wasi irka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka isgaarsiinta XFS oo kulan la qaatay hoggaanka Hay’adda isgaarsiinta Qaranka

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa shalay xarunta Wasaaradda kulan Isbarasho iyo xog-wareysi kula yeeshay Hoggaanka Hay’adda Isgaarsiinta Qaran ka.

Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaa raiinta Qaranka iyo Maareeye ku-xigeenka Md. ayaa Wasiirka Warbixin guud ka siiyey howlaha shaqo ee ka socda Hey’adda.

Maareeye ayaa sheegay in ay qabtay Sha qooyin Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xee r-nidaamiyaha Xaqiiqjinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaar siinta, Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah, hirgalinta Xaru nta Howlaha Kormeerka Hirarka iyo adeeg ga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta dal ka iyo shaqooyin kale oo badan.

ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hoggaanka Hey’adda dadaalka shaqo ay wadaan, waxa uuna ku dhiirigaliyey in ay sii labo jibaaraan Shaqada ay u hayaan Qaranka.

mareyaha�� markii uu xilka la wareegay Shaqada Wasaaradda waxa uu dardar galin ku bilaabay Shaqooyinka socda, iyada oo laga duulay Tayenta iyo habsami usocoshada Howlaha Wasaaradda iyo Hey’adaha hoosyimaada.

hoostimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay Mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta, maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta Dalka.

Baaq nabadeed oo lagasoo saaray colaadda ka taagan beelo kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug

Baaq nabadeed ayaa lagasoo saaray colaadda ka jirta gobolka Mudug, taasoo u dhaxeysa labo beelood oo kasoo kala jeeda koonfurta Mudug (Galmudug) iyo degmada Galdogob (Puntland)

Masuuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo isugu jira xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa ka qeyb galay gunaanadka shir lagu xoojinayo xabbad joojinta labada beelood.

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Ma calin Fiqi iyo wasiirka gaadiidka iyo duul ista hawada, Fardowso Cusmaan Cigaal oo kala matalayay labada beelood ayaa qeyb ka ahaa dadaalada nabadeed ee lagu xoojinayo in colaadda lasoo afjaro.

Bayaanka kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay, in la xoojiyo xabbad joojintii hor ey loogu dhawaaqay. Waxaana la isku raacay in la isugu yimaado gogol naba deed asbuuc gudihiis, taasoo ay marti galinayso beesha Sacad ee uu kasoo jeeda wasiir Fiqi.

Si kastaba, Labada beelood ayaa waxaa ka dhex taagan colaad salka ku haysa lahaanshiyaha deegaanka, waana mid soo noqnoqotay oo uu dhiig badan ku da atay, welina xal rasmi ah lagama gaarin.

Sanadkii 2020 ayaa gogol nabadeed oo la dhigay degmada Galdogob waxaa lagu gaaray heshiis nabadeed oo lagu kala qaatay magaha qaar kamid ah dadkii loo dilay aanooyinka qabiil ee ka dhashay co laadda ka dhex tagaan labadan ee deriska ah.

Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sooma aliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ku sugan dalka Kenya ayaa Booqasho ku tagay xarumaha Wasaaradda Gaashaa ndhiga iyo Taliska Ciidanka Difaaca Ken ya.

Taliye ibraahim Sheikh Muxudiin waxaa booqashada uu ku tegay Wasaaradda Difaaca Kenya iyo xarunta Taliska Ciidan ka ee dalkaas ku wehlinayay safiirka Soo maaliya u jooga dalka kenya Amb. Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed S/Gaas ibraahim Sh eekh muxudiin waxaa Xarunta Gaashand higga ee dalka Kenya kusoo dhaweeyay Wasiirka Difaaca kenya Aadan Barre Du caale, waxaana labada masuul ay ka wad a hadleen sidii iskaashi buuxa looga wad a-yeelan lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Milate riga Soomaaliya ayaa Booqday xarunta Taliska Ciidanka Difaaca kenya waxaana Halkaasi kusoo dhaweeyay Taliye Ku-Xige enka Ciidanka Kenya ahna Ku-Simaha Taliyaha Ciidanka Kenya S/Guuto Charles Kaharir. Wuxuuna saxiixey Buugga Tacs ida ee Taliyihii Difaaca Ciidanka kenya Gen. Francis ogolla asigoo u gudbiyay dhambaal tacsi ah oo la xariirta geerida Taliyahii Ciidamada Qaranka Kenya oo shil diyaaradeed ku geeryooday.

Catriona Laing oo laga qaaday xilkii Soomaaliya iyo farriin ay u dirtay Soomaalida

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoo bay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catrio na Laing ayaa lasoo gaabiyay howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magaca abay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka.



Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taa si oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doo nto, islamarkaana ay sii wadi doonto taage erada Soomaaliya.

"Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamig a ah ay sii wadi doonaan doorka muhiimka ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda wadada nabadda iyo xasillo onida,” ayey tiri Ms. Laing.

Waxay intaas kusii dartay "Waan sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soom aaliya meel kasta oo aan joogo.”

Catriona ayaa lasoo gaabiyay muddada howl-galkeeda Soomaaliya, mana cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee ka dam beysa arrinkaan, maadaama aysan dham eysan muddo xileedkeeda.

Balse waxay imaaneysa xilli uu sii xoog eystay khilaafka dowladda dhexe iyo maa mulka Puntland, oo ay Catriona safar ku tegtay markii uu maamulka sheegay inuu si gaar ah ula macaamilayo caalamka.

Puntland ayaa dhawaan aqoonsigii iyo ka lsoonidiiba kala laabtay hay’addaha dowla dda federaalka, ayada oo maamulka uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey ee heshiiska lagu ahaa, uuna jeebkiisa kala soo baxay mid cusub.

Uganda oo sheegtay inay ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya howlgalka ATMIS kadib

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in cii damadeeda ay sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya, xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Nathan Mugisha, oo ah ku xigeenka mada xa howlgallada ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, ayaa sheegay, in ciid amada Uganda ay sii wadi doonaan in ay ka howlgallaan Soomaaliya, taas oo uu xu say in ay qeyb ka tahay soo jeedinta howl galka ATMIS ka dib.

"Uganda waxay halkan ku sugnaan doon taa qaab kasta oo ay tahay," sidaas ayuu u sheegay saxafiyiinta, isagoo raaciyay in Golaha Ammaanka ay weydiisteen inay sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay aqbaleen.

Sarkaalkan waxa uua sheegay dhimista tirada ciidamada ATMIS in Al-Shabaab ay ka faaidaysteen oo ay geysteen weeraro ay ku qaadeen saldhigyada Atmis, isagoo sheegay in ay dib u soo ceshadeen dhulkii laga qabsaday.

Taliyaha Uganda ayaa sidoo kale u shee gay Sunday Monitor in xitaa haddii ay dha cdo in UPDF laga saaro ciidamada cusub, ay sii wadi doonto joogitaankeeda Soom aaliya si ay u sugaan agabkooda iyo qalab kooda.

Diblomaasiyiinta ku sugan Itoobiya oo walaac ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee gobolka Tigray

Ka dib markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata, ee ku taal Koonfurta Tigray, ayaa waxaa soo ifbaxaya cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo col aad cusub.

Colaaddaan soo noqnoqotay ayaa muuji neysa sida uu Abiy Axmed ugu fashilmay hogaanka dalka Itoobiya, waxaana iska soo daba baxaya baaqyada ka imaanaya qaar ka mid ah safiiradda ku sugan Addis Ababa kuwaas oo walaac xoogan ka qaba colaadda kusii baaheysa deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya.

Safiiradda dalalka Canada, France, Ger many, Italy, Japan, UK iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xukuumaado gudato waajibka kaga aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saa reen safiiradaan ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay dh ibaatadu ka dhacday. Safiirada waxa ay tilmaameen in wada-hadal loo dhan yahay oo ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay khusayso inuu yahay hannaanka kaliy a ee looga hortagi karo colaadaha kusii fidiya gobolada Itoobiya.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabi lsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in dad ku dhaw 29,000 oo qof ay ka barakaceen degmada Raya Ala mata kuwaas oo u qaxay magaalada Kob o ee Woqooyiga Wollo iyo magaalada Sekota ee Wag Xamra ee gobolka Amxaa rada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tiradan ay sii kordhi karto maa daama colaaddu kusii fideyso deegaano hor leh.

Maamulka Abiy Axmed oo qaatay siyaa sad ku dhisan cabsi gelin iyo handadaad ayaa ka dhigay mustaqbalka Itoobiya mid aan la isku halleyn karin, waxaana sii bad anaya dadka ka cararaya colaadda si ay u helaan meel ay ugu noolaadaan nabad.

Khubarada gobolka ayaa ka digaya nati ijada ka dhalan karta colaadda ka taagan gudaha Itoobiya oo ah mid saameyn ku yeelan doonta deganaanshaha iyo nabad da Geeska Afrika.

Amni darrada ka jirta gobolada Itoobiya ayaa sababtay in ay adkaato in loo gur mado dadka ay dhibaato soo gaaraty kuw aas oo u baahan gargaar cunto iyo biyo, si da ay sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.


Faahfaahino kasoo baxaya dil shirqool ahaa oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dil habeen hore loogu geystay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay ayaa qoyskiisa waxay sheegeen in loo dilay qaab shirqool ah oo uu ka dambeeyay wiil kale oo ay sheegeen iney horay saaxiibo u ahaan jireen, hayeshee waayihii dambe uu ka dhaxeeyay dagaal.

"Wiilkeyga meydkiisa waxaa la isoo shee gay habeen hore labadii saac isagoo yaalo xaafa da Albiri isaga iyo wiil kale oo ay xaafada iska raaceen oo ay horay u dagaalsanay een, wiilka kalana dhaawicisii goobta laga qaaday, dilka wiilkeygana wuxu ahaa shir qool uu ka dambeeyay ninkaas" ayuu yiri Aabaha dhalay wiilka la dilay.

Aabaha dhalay wiilka la dilay ayaa dow ladda Fedaraalka Soomaaliya ka dalbaday inuu cadaalad u helo dilka shirqoolka ah ee loo geystay wiilkiisa.

Hadalkaan kasoo yeeray qoyska wiilka dhintay ayaa kusoo aadaya, iyadoo markii hore warar soo baxay ay sheegayeen in dilka iyo dhaawaca labada wiil ay geyst een koox ciyaal weero ah, waxaana taasi ka biyo diidan qoyska wiilka dhintay oo aaminsan in shirqool lagu dilay wiilkooda.

Wararka waxay intaas ku darayaan in wiilka dhaawaca ahaa ee la sheegay inuu ka dambeeyo shirqoolka in ciidanka Naba dsugida ka wateen wiilka dhaawaca ahaa Isbitaalka Albiri, si ay su'aalo uga weydiiy aan qaabka uu falka u dhacay.

Dilkaan shirqoolka lala xariirinaayo ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gudaha dalka ay kusoo badanayeen dilal naxdin badan.

Ciyaal weeradii Muqdisho oo mar kale soo rogaal celiyay

Magaalada Muqdisho waxaa mar kale soo rogaal celiyay kooxaha ciyaal weera da ee dhibaatada ku haaya shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, kuwaas oo bil aabay falal ay ku qalqal-gelinayaan amnig a, kuna dhibaateynayaan shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahan ay dib uga soo cusboonaadeen xaafadaha qa ar, waxayna bilaabeyn weeraro ay ku qaa daan dadka rayidka ah.

Falkii ugu dambeeyay oo sababay dhi masho iyo dhaawac ayay ciyaal weeradu habeen hore ka gaysteen degmada Kaxda ee gob olka Banaadir, sida ay innoo xaqijiyeen dadka deegaanka.

Weerar ay qaadeen ciyaal weerada aya a waxaa lagu beegsaday shacab ku sugn aa waaxda 5-aad ee Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Albiri, waxayna gays teen dil iyo dhaawac.

Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay weerarkaas oo ay toorey u adeegsadeen ciyaal weeradu, waxaana ku dhaawacmay mid kale, sida aanu kasoo xiganay ilo wa reedyo xilkas ah.

Kooxaha falka gaysatay ayaa lasoo wari yay inay goobta isaga baxsadeen, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay sara akiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Dib usoo laabashada ciyaal weerada ayaa ah xaalad kale oo soo korortay, isla mar kaana dhibaato ku ah reer Muqdisho, wax aase laga war sugayaan tallaabada xigta ee dowladda.

Horay ciidamada ammaanka ayaa ugu guuleystay inay Muqdisho ka sifeeyaan ko oxaha ciyaal weerada oo dhibaato xoog leh ka gaysanayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Komishanka doorashooyinka Somaliland oo soo saaray liiska dadka codbiyayaasha ah

Komishanka doorashooyinka jamhuuriy adda iskeed ugu dhawaaqday madaxba nnaanida ee Somaliland ayaa manta soo saaray liiska dadka codbiyayaasha ah ee la filayo in ay ka qayb galaan labada doorasho ee ta madaxtooyada iyo midda ururarda oo la filayo in ay isku maalin ka dhacaan 13ka November ee Sannadkan Somaliland.

Doorashadan oo in la isla fahmo habka loo qabanayo ay qaadatay muran dhowr sannadood ah, ayaa markii ugu horraysay u muuqata mid kasoo gudubtay muran sharci iyo madmadow laga dayriyo.

Komishanka doorashooyinka ayaa darra ad si rasmi ah ugu dhawaaqay in maalinta doorashada madaxtooyada iyo midda urur ada la gelayaa ay noqonaysp 13 ka bisha November.

Shalayna, madaxweynaha Somaliland ayaa isna saxeexay nuqulkaas doorasha da lagu cayimayo oo komisanku usoo gud biyeen.

shalayna liiska codbixiyayaasha door ashada soo socota ayaa ay soosaareen komishankii, iyaga oo la socodsiiyay xisb iyada iyo ururada tartamayaasha ah.

Waa tallaabooyin si degdeg ah oo ka duwan sidii hore, loogu qaadayo dhanka qabsoomidda labo doorasho.

Bal se waxa xusid mudan in dhaqaalihii lagu qaban lahaa aanu wali komishanku gacanta ku haynin, inkasta oo ay niyad wanaag ku qabaan in ay wakhti dhow ka helaan dawladda iyo deeqbixiyayaasha oo midba qayb bixiyo.

Boqol qof oo lagu afduubtay Mali

Wararka ka imaanaya dalka Maali oo sheegaya in ugu yaraan 100 qof oo rayid ah ay gacanta ku hayaan kooxo looga shakisan yahay inay jihaad doon yihiin ka dib markii la afduubtay todobaadkii hore.

Dadka deegaanka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ay ku safrayeen saddex bas markii ay kooxda weerarka geysatay ay ku qasbeen in ay u kaxeeyaan dhanka kaynta u dhaxaysa Bandiagara iyo Bankass.

Lix maalmood ka dib, ma jiraan wax calaamad ah oo muujinaya meel ay jaan iyo cirib dhigen. Deegaankan oo ka tirsan gobolka Mopti ee dalka Maali ayaa waxaa ka dhacay weeraro joogto ah oo ay geysanayaan dagaalyahannada Islaamiyiinta ah.

Gaza:in ka badan labo boqol oo meyd oo laga soo saaray xabaal wadareedyo ku yaalla barxadda cisbitaalka Nassir

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in in ka badan laba boqol oo meyd ah hadda laga soo saaray xabaal wadareedyo ku yaalla barxadda cisbita alka Naasir ee Khan Younis.

Hay'adda - oo ay maamusho Xamaas - ayaa sheegtay in meydadka ay ku hoos jireen isbitaalka. Waxa ay sheegtay in qaarkood si kooban loo dilay – halka qaar kalena la qoday oo dib loogu aasay qabuuro la oggolaaday oo la sameeyay intii ay Israa’iil go’doomisay.

Israa'iil waxay sheegtay inay eegayso warbixinnada laxiriiro xabaal wadaredyada. Ciidamada Israel ayaa ka baxay Khan Younis labo todobaad ka hor ka dib dagaal xoogan oo ka dhacay agagaarka xarunta caafimaadka.

Iyadoo ka hadlayay Geneva, ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xaaladda caafimaadka ee Gaza --Tlaleng Mofokeng -- ayaa sheegay in aan weli la helin maydad badan tan iyo markii uu bilawday iskahorimaadka Gaza.

Jarmalka oo xiray Saddex qof oo looga shakisan yahay inay u basaasayen Shiinaha

Dacwad oogayaasha federaalka ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in saddex muwaa din oo Jarmal ah la xiray, kuwaas oo looga shakisan yahay inay u basa asayeen Shii naha. Laba ka mid ah tuhm anayaasha ay aa ah lamaane is qaba oo shirkad ku leh Dusseldorf.

Midka saddexaad waxa lagu tilmaamay shaqaale ka tirsan Wasaaradda Amniga Dawladda Shiinaha. Waxaa lagu eedee yay inuu helay macluumaadka ku saabsan tignoolajiyada cusub ee loo isticmaali karo farsamada milatari.

Dadkan la tuhunsanyahay ayaa sidoo kal e lagu eedeeyay in ay Jarmalka ka iibsa deen laser gaar iyadoo lacagta lagu iibiyay na ay bixisay dowladda Shiinaha. Waxa la sheegay inay u dhoofiyeen Shiinaha fasax la'aan.

 

 

Narendra Modi oo jeediyay hadal Islaam nacayb

Xisbiyada mucaaradka ee India ayaa ku eedeeyay ra'iisul wasaaraha, Narendra Modi, inuu hadal Islaam nacayb ah ka jeediyay isu soo bax doorasho.

Khudbadiisa, Mr Modi waxa uu ku eedeeyay in haddii xisbiga mucaaradka ah ee Congress-ka la doorto uu hantida qaranka u qaybin doono kuwa dadka aan daacad u ahayn dalka iyo kuwa haysta carruur badan - faallooyinka loo arko inay ula jeedaan bulshada laga tirada badan yahay ee Muslimiinta.Hogaamiyaha xisbiga Congress-ka (Mallikarjun Kharge) ayaa hadalka Mr Modi ku tilmaamay hadal naceyb oo argagax leh.

Xisbiga ra'iisul wasaaraha Hinduuga ee BJP ayaa rajeynaya inuu ku guuleysto mar saddexaad oo xiriir ah.Doorashada hindiya ayaa socon doonta muddo lix isbuuc ah. Ilaa iyo hadda wax jawaab ah xisbiga BJP kama soo saarin dhaleceynta mucaaradka.

Shir ku saabsan la dagaalanka argagixisada oo ka furmay Abuja

Shir madaxeed ku saabsan la dagaalanka argagixisada ayaa hadda ka socda caasimadda Nigeria ee Abuja. Kulanka ayaa ah isku day cusub oo lagu doonayo in wax looga qabanayo argagixisada guud ahaan Afrika.

Shir madaxeedkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo waddamo badan oo Afrika ku yaalla ay weli ka jiraan dhibaatooyin baahsan oo ay ku hayaan kooxaha jihaad doonka ah iyo burcadda, gaar ahaan guud ahaan gobolka Saaxil.

Madaxda khudbado ka jeedin doonto shirkan waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, Madaxweynaha ECOWAS Cumar Touray iyo Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu, oo dowladdiisu ay la daalaa dhacayso ammaan darro baahsan.

Shir madaxeedka ay Nigeria martigelisay oo ay taageerto xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka argagixisada (UNOCT) ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada dalkaasi ay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonaan ka dib markii lix askari lagu dilay weerar gaadmo ah xilli ay ka jawaabayeen baaq ka soo yeedhay gobolka Waqooyi-dhexe ee Niger.

Ciidamada ayaa sheegay in argagixisadu ay mas’uul ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday ciidamadooda gobolka Niger habeenkii Jimcaha. Dalka waxaa sidoo kale ka jira rabshado baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah geysta afduubyo madax furasho ah.

Madaxweynayaasha Ghana iyo Togo ayaa iyaguna shirka ka qayb galayo.Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galaya saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa gobolka ee ka socda Midowga Yurub iyo wadamada kale ee Afrika.

Madaxii sirdoonka Israa'iil oo is casilay

Taliyaha Sirdoonka milatariga Isra’iil, Aharon Haliva, ayaa is casilay. Mr Haliva ayaa ah sarkaalkii ugu horeyay ee xilka ka dego sababo la xiriira weeradii xamas ee bishi oktobar.

Sarkaalka ayaa sheegay in u uku guldareystay shaqadii uu Isra’iil islamarkaana ay arrintaasi sababtay in weerada ay dhacan.

Ku dhawaad kun iyo labo boqol oo qof ayaa dhintay halka boqolaal kalena ay qafasheen xamaas iyo kooxaha taabacsan.

Bayaan ka soo baxay militariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in JananHaliva uu ka tagi doono xilkaasi marka sarkal kale lasoo magacaabo.

Falanqeeyayaasha ammaanka ayaa sheegaya in iscasilaadisu ay dhabaha u xaari karto in saraakiil sare oo dhanka ammaanka ah ay is casilaan.

Maraykanka oo Ciidankiisa kala baxaya dalka Niger

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times.

Kun askari oo Mareykan ah ayaa ku sugnaa dalka Niger oo ay Mareykanku ku lahaayeen laba saldhig oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha drones-ka ee loo yaqaan Air Base 201 ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.

Boqolaal qof ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Agadez ee waqooyiga Niger, iyagoo dalbanaya in 1,000 askari oo Mareykan ah ay ka baxaan dalkaas oo u joogay si ay ula dagaalamaanKooxaha ka dagaalama dalkaas.

Labo maalmood ka hor Washington ayaa sheegtay inay aqbashay ka bixitaankooda.

Dalka Niger ayaa ka mid ah dhowr wadan oo galbeedka Afrika ah oo hogaamiyayaasha militarigu ay xiriirka u jareen xulafadooda soo jireenka ah ee reer galbeedka, islamarkaana ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Ruushka.

Taliyayaasha militariga Niger ayaa xukunka hayay wax ka yar sagaal bilood balse mar hore ayaa ciidamada Faransiiska lagu qasbay inay ka baxaan dalkaas , ciidamada Mareykanka ayaa dhawaan ku xigi doona.

Boliiska gobolka Banaaddir oo qabtay shabakad si sharci darra ah ku buufisa Mootooyinka Bijaajka

Boliiska Gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysanayaal lagu qabtay ayagoo si sharci darra ah ku buufinayo Mootooyinka Bijaajka ee ku shaqaysta magaca A iyo B.

Ciidanka saldhigga Xamar jajab ee gobolka Banaadir oo ku guda jiray howl maalmeedkooda ayaa helay xogta shabakaddan xili ay ku guda jireen buufinta Mootooyin cusub.

Eedeysanayaashan ayaa waxaa hadda ku socda baaritaan ku aaddan muddadii ay ku guda jireen howshan, inta mooto ee ay buufiyeen iyo taargooyinka ay sida sharci darrada ah ku bixiyeen.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horay ugu soo saaray sharci mabnuucaya buufinta Mootooyinka Bijaajka habka qarsoodiga ah, iyagoo sheegay in ciddii lagu helo ku qaraabashada magaca dowladda hoose ee Xamar lala tiigsan doono caddaalada.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo saartay digniinno hor leh

Xarunta ka Dagista Halis Wadareedka ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay digniinno hor leh oo ku aadan fatahaado laga cabsi qabo in ay wadanka ka dhacaan todobaadkan.

Hay’adda ayaa sheegaysa in usbuuca ugu dambeeya bishan ay jirto suurtagalnimada in ay dhacaan fatahaado isugu jira, kuwa ka yimaada webiyada iyo togagga oo soo rogmada, si gaara degmooyinka Jowhar, Beledweyn, Buulaburde, Luuq, Doolow, iyo magaalooyin kale oo aanu webigu marin oo ku yaala gobollada Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada Hoose.

Degmooyinka la magac dhabay ayaa wajihi kara khatarro ka imaan kara fatahaadda webiyada iyo daaddadka togaggu soo rogaan.

Waxa jira sare u kac heerka biyaha webiyada Shabeelle iyo Juba, waxana loo aaneynayaa roobbabka xooggan ee ka da’aya qaybo kamid ah Soomaaliya iyo buurraha Itoobiya.

Meelaha qaar ayaaba la soo weriyay in webigu ku fatahay, waxana kamid ah tuulooyin ku dhawdhaw magaalada Jowhar.


Dhaqtar ah oo lagu eedeeyay inuu cudur halis ah ku weerari rabay Kenya oo xukun lagu riday


Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ayaa 12 sano oo xarig ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqaan Abu Fidaa oo maxkamaddu sheegtay in lagu helay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish.

Garsooraha Maxkamadda Martha Mutuku, oo xukunka ku ridday Fidaa, ayaa sheegtay in ay tixgalisay muddadii siddeedda sano ee horey xabsiga uu ugu jiray eedaysanuhu.

Ninkan bartay caafimaadka ayaa lagu helay dambi ah in uu xiriir la lahaa dhalinyarada kale ee ka dagaallanta dalka Liibiya ee Daacish.

Waxaa kale oo dacwad ooguhu sheegay in shabakadda Maxamed Cali, ay ka caawisay dhalinyaro Kenyan ah inay ka tagaan dalka si ay ugu biiraan kooxaha dalalka Liibiya iyo Siiriya.

Dacwadaha lagu soo oogay Maxamed, waxaa ka mid ahaa in shabakaddiisu uu ku ballaariyey gobolka Xeebta, Rift Valley iyo gobollada galbeedka dalka Kenya iyo sidoo kale dal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Liibiya.

Dhaqtarkan Kenyan ah ayaa lala xiriirinay kooxda Daacish, isagoo lagu eedeeyey inuu qorsheynayay weerar bayooloji ah siddeed sano ka hor.

Maxamed ayay maxakamaddu sheegtay inuu qorsheynayay inuu weerarka u adeegsado fayraska kudka, balse waa la qabtay ka dib markii ay booliska xog ka heleen xubno ka tirsan dadweynaha.

Cali waxaa sidoo kale lagu eedeeyey dambi ah in uu dhalinyarada ku xiriiriyay dagaalyahanada kale ee Daacish ee Liibiya. Waxaa lala xidhay laba qof oo kale oo lagu waayay wax caddayn ah.

Waxaa lagu helay in uu qorsheynayay in Kenya iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika uu ka aas aaso ururka Daacish sanadkii 2016-kii.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Kenya ‘ODPP’ ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa arrimo la xiriira falal argagixiso.

Xaaskiisa Ummu Fidaa, ayaa iyada la sii daayey markii lagu waayey caddaymo ku filan.

Waa maxay saddexda calaamadood ee kudka?

Kudka wuxuu dadka ama xoolaha ugu dhacaa saddex qaab, sida ay sheegtay WHO:

Kudka maqaarka: caabuqa ayaa gala halka dhaawaca ka ah xoolaha - waa nooca ugu badan uguna halista yar. Wuxuu ku billowdaa nabro jirka kaoso baxa, xanuun la'aan ah oo bar madow yeesha. Dadka qaar ayaa kadib waxay la kulmaan madax xanuun, murqo xanuun, qandho iyo mantag

Kudka caloosha: Noocan ayaa sababa calaamado hore oo la mid ah sumowga cuntada, balse wuxuu keeni karaa xanuun ba'an oo caloosha ah, mantag dhiig ah amaba shuban daranKudka limooniyada: Kani waa nooca ugu khatarsan wuxuuna marka hore u ekyahay sida hargabka, balse wuxuu keeni karaa dhibaatooyin ba'an oo neefsashada ah

 

Sidee kudka loogu beddeli karaa hub?

Waa suurtogal in kudka loo bedd elo hub iyadoo bakteeriyada kudka si fudud looga heli karo dhulka, lagu sameyn karo sheybaar, uuna muddo dheer kusii jiri karo deegaanka.

Waxayna u baahan tahay qalab casri ah, iyo bakteeriyo asal ahaan ka timid kudka oo howsha lagu sii bilaabo.

Waxaa la sii deyn karaa iyadoo cidna aysan ka war helin. Bakteeriyada il ma qabatada ah ayaa lagu dari karaa budo, waxyaabaha la buufiyo, cunnada iyo biyaha, waana adag tahay in la arko, la uriyo ama la dhadhamiyo.

Waxaa xusid mudan weerarkii 2001, markaas oo kudka lagu weeraray siyaasiyiin Mareykan ah iyo xafiisyo warbaahin maalmo yar kadib weerarradii 11 September.

Tilmaam gaar ah: Warbixintan waa la cusbooneysiiyay iyada oo lagu kordhiyay xog cusub, lagana saxay xog iyo faahfaahin dheeraad ah oo horey ugu jirtay markii uu cinwaankeedu ahaa: Muxuu yahay xanuunka halista ah ee xoolaha Soomaalida looga baqayo inuu kusoo laabto



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip