Maraykanka oo Ciidankiisa kala baxaya dalka Niger

0
Monday April 22, 2024 - 22:45:49 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo Ciidankiisa kala baxaya dalka Niger

    Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times. Kun askari oo Mareykan ah ayaa ku sugnaa dalka Niger oo ay Mareykanku ku lahaayeen laba saldhig oo uu ku jiro saldhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala bixi doona Niger, sida ay tebinayaan wakaaladda wararka ee Reuters iyo wargeyska New York Times. Kun askari oo Mareykan ah ayaa ku sugnaa dalka Niger oo ay Mareykanku ku lahaayeen laba saldhig oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha drones-ka ee loo yaqaan Air Base 201 ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan. Boqolaal qof ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Agadez ee waqooyiga Niger, iyagoo dalbanaya in 1,000 askari oo Mareykan ah ay ka baxaan dalkaas oo u joogay si ay ula dagaalamaanKooxaha ka dagaalama dalkaas. Labo maalmood ka hor Washington ayaa sheegtay inay aqbashay ka bixitaankooda. Dalka Niger ayaa ka mid ah dhowr wadan oo galbeedka Afrika ah oo hogaamiyayaasha militarigu ay xiriirka u jareen xulafadooda soo jireenka ah ee reer galbeedka, islamarkaana ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Ruushka. Taliyayaasha militariga Niger ayaa xukunka hayay wax ka yar sagaal bilood balse mar hore ayaa ciidamada Faransiiska lagu qasbay inay ka baxaan dalkaas , ciidamada Mareykanka ayaa dhawaan ku xigi doona.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip