Wasiir Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

0
Monday April 22, 2024 - 13:32:38 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta caasimadda Muqdisho kulammo salaan iyo isxogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta caasimadda Muqdisho kulammo salaan iyo isxogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed. Wasiir Xoosha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada; Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen. Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo madaxda Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle daarnaa wadashaqeynta labada dhinac, hortabinnada iyo qaar kale. Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada muqdisho soo gaaray maalmo ka hor, inta caasimadda ku sugan yihiin waxaa lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dalka.

May be an image of 2 people, dais and newsroom


May be an image of 2 people and newsroom



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip