Diblomaasiyiinta ku sugan Itoobiya oo walaac ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee gobolka Tigray

0
Monday April 22, 2024 - 11:30:27 in Wararka by Khaliif Hussein
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diblomaasiyiinta ku sugan Itoobiya oo walaac ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee gobolka Tigray

    Ka dib markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata, ee ku taal Koonfurta Tigray, ayaa waxaa soo ifbaxaya cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo colaad cusub. Colaaddaan soo noqnoqotay ayaa muujineysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata, ee ku taal Koonfurta Tigray, ayaa waxaa soo ifbaxaya cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo colaad cusub. Colaaddaan soo noqnoqotay ayaa muujineysa sida uu Abiy Axmed ugu fashilmay hogaanka dalka Itoobiya, waxaana iska soo daba baxaya baaqyada ka imaanaya qaar ka mid ah safiiradda ku sugan Addis Ababa kuwaas oo walaac xoogan ka qaba colaadda kusii baaheysa deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya. Safiiradda dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xukuumaado gudato waajibka kaga aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka. War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen safiiradaan ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday. Safiirada waxa ay tilmaameen in wada-hadal loo dhan yahay oo ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay khusayso inuu yahay hannaanka kaliya ee looga hortagi karo colaadaha kusii fidiya gobolada Itoobiya. Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini'aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in dad ku dhaw 29,000 oo qof ay ka barakaceen degmada Raya Alamata kuwaas oo u qaxay magaalada Kobo ee Woqooyiga Wollo iyo magaalada Sekota ee Wag Xamra ee gobolka Amxaarada. Hay'adda Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tiradan ay sii kordhi karto maadaama colaaddu kusii fideyso deegaano hor leh. Maamulka Abiy Axmed oo qaatay siyaasad ku dhisan cabsi gelin iyo handadaad ayaa ka dhigay mustaqbalka Itoobiya mid aan la isku halleyn karin, waxaana sii badanaya dadka ka cararaya colaadda si ay u helaan meel ay ugu noolaadaan nabad. Khubarada gobolka ayaa ka digaya natiijada ka dhalan karta colaadda ka taagan gudaha Itoobiya oo ah mid saameyn ku yeelan doonta deganaanshaha iyo nabadda Geeska Afrika. Amni darrada ka jirta gobolada Itoobiya ayaa sababtay in ay adkaato in loo gurmado dadka ay dhibaato soo gaaraty kuwaas oo u baahan gargaar cunto iyo biyo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hay'adaha samafalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip