HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 21-4-2024

0
Sunday April 21, 2024 - 08:59:20 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 21-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Soomaaliya oo mar kale caalamka u sheegtay in aysan diyaar u ahayn inay wada hadal la gasho Ethiopia

Dowladda Federaalka Soomaaliya a yaa soo dhaweysay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrima ha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasii radda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April.

Dowladda ayaa boggaadisday diirad saarida shirka ee Geeska Afrika iyo So omaaliya, iyagoona ammaanay sida ay uga go’an tahay dalalka G7 horumarin ta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka.

Dowladda Somalia ayaa qirtay da daalkooda dalalka G7 wax ka qabasha da cunno-yarida, saboolnimada , loola nka hubaysan, cimilada daran iyo bara kaca, waxa aan qiimaynaynaa howla ha gargaarka bani’aadannimo iyo iska ashiga caalamiga ee wax looga qaba nayo caqabadahaasi.

"Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobo lka, waxa ayna ku howlantahay xoojin ta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqii jiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’a haan laasha is-afgaradkii sharci-darr ada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmay nayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaan ayn in dal uu farageliyo arrimaha guda ha dal kale” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha diba dda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay qi ridda horumarka ay ka samaysay ha nnaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga.

"Waxaa naga go’an inaan dardarge linno dagaalka ka dhanka ah Al-Shaba ab, sidoo kalena xoojinno hey’adahee na. Sida habsamida leh ee mas’uuliya dda amniga looga wareejinayo Howlga lka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid mu hiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caa lamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoo daha amni ee dalka iyadoo taageero la ga helayo beesha caalamka” ayaa la gu soo gaba-gabeeyay Qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa war sa xaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada ha dal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliya iyo ATMIS oo ka wada hadlay Xoojinta la dagaalanka Alshabaab

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuum adda Federaalka Soomaaliya Cabdul laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soo maaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa wada ha dlay wada-shaqeynta dhinacyada Am niga iyo la dagaallanka Alshabaab , iya da oo isla qaatay muhiimadda ay leeda hay in la sii xoojiyo iskaashiga Amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala war qaadan doonaan hey’ adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Alshabaab.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howl galka ATMIS doorka ay ka qaataan si dii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa arg agixisada diiddan horumarka iyo amni ga Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo Shir uga qayb galay Talyaaniga

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabd ullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaa no ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaa radda Waxbarashada Hiddaha iyo tac liinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqan ka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soo maaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikh da dhaqanka ee Muqdisho,Dhaqaa laha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,

Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulsha da.

Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah

Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomi yaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cil mi

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xa riga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taarii kheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaa niga iyo Dowladda Soomaaliya ay lee yahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisam aadkii hore, xarig Jarkaan bandhig saw ireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soo maaliya;

Ugu danbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaali yadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaali yeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.

Khasaare ka dhashay shil baabuur oo ka dhacay Muqdisho

Faah Faahino ayaa ka soo baxay Kha saare ka dhashay shil Baabuur oo maa nta ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Shilka ayaa dhacay ka dib Baabuur nuuca xamuulka qaada ah oo ku Fariin goostay wadada laamiga ah ee Afisiyo oni, waxaana shilka ka dhashay khasa are isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaariga Xamuul ayaa dul maray gaari Surf iyo sidoo kale mooto bajaaj waddada mareysay, waxaana dhima sho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa gaariga iyo mootada.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhin tay shilkan ka dhacay magaalada Mu qdisho , waxaa sidoo kale ku dhaawac may dad kale oo ka agdhawaa goobta uu shilka ka dhacay ,kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdishgo sia loogu soo daweeyo.

Ciidamada Ilaalada waddooyinka ee booliska ayaa u gurmaday dadka uu waxyeelada kasoo gaaray shilka.

 

Shir lagu xoojinayo Amniga Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimadda iyo kor u qaadida bilicda caasimadda Muqdisho.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Gu ddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen Jim caale (Madaale), Taliyaha Ciidanka Bo liiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Hay’ad da NISA C/llaahi Maxamed Cali (San baloolshe).

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa oo warbixino laga dhageystay Taliyaasha Boliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha Dagmoo yinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyaasha Qeybaha Boliiska iyo Nabad-sugidda iyo Taliyaasha Saldhigyada Gobolka Banaadir.

U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajin ta amniga Caasimadda iyo nawaaxige eda iyo sidii loo bilaabi lahaa islaxisaa btan dhab ah oo la xiriira amniga guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta hey’adda NIRA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xo osh) oo ay wehliyaan wasiir ku xigeen ka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim As hkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin iyo masuuli yiin kale oo Wasaaradda ka tirsan aya a kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo dii waan galinta Qaranka (NIRA)

Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-wara ysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka sha qada diiwaangelinta Dadweynaha.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) muda ne Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacad de) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Ha y’addu jirtay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Ari maha Gudaha Fadaraalka iyo dib u he shiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali ay aa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan gu ud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dar dar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si Muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaran ka.

Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadgudu yada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi.

"Waxaa ka walaacsan nahay xadgud ubyada ka dhanka xuquuqda aadana ha ee ku baahaya qeybo kamid ah dal ka sidoo kale waxaa jira dhibaato dha qaale oo adag oo keentay in cuni yaro bahsan ka dilaacdo Ethiopia” ayaa la gu yiri bayaanka.

Sidoo kale, Wadamada G7 waxay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda rayidka isla markaana la sa meeyo wada xaajood siyaasadeed si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Ethiopia.

Ugu dambeyn Dalalka G7 ayaa Wa xay xuseen muhiimadda ay leedahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku bara kacay dagaalada ka dhacaya Ethiopia, kuwaas oo halis ugu jiro inay u dhintaa n maacluusha ka jirta dalkaas colaada ha ka socdaan.

Meydka Nin iyo haweeney laga dhex helay Gaari nooca aan xabada karin

Meydka Wiil iyo Gabar dhalin yara ah ayaa laga helay meel u dhaw God ka Jilicow gaar ahaan Xaafad ku taala dhabarka danbe ee Hotelka Xaawa Taako ee Dagmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.

Meydka labadan qof oo la la’aa sadd exdii maalin ee lasoo dhaaay, una ku dhex jiray Baabur nuuca aan Xabadu karin ayaa lagu soo baraarugay markii Urta kasoo baxeysa goobta ay daree meen dadka Xaafada.

Labada marxuum ayaa lagu kala ma gacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelladooda oo la hadl ay warbaahinta.

Sidoo kale Abuukar Yuusuf ayaa aha a darawalka Maxamed Zubeer oo ah aa xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’ iisul wasaaraha, mana cadda sababta keentay geerida labada qof.

Aabe Cabdulqaadir Cabdulle oo dha lay marxuumadda ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhii sa, haddana loo soo sheegay maydke eda, wuxuuna tilmaamay in ninka ay is la geeriyoodeen uu ahaa saygeedii ho re oo ay kala tageen laba sano kahor.

Lama oga sababta dhabta ah ee gee rida labadan qof, waxaana goobta te gay ciidamada denbi baarista Booliska oo kiiska la wareegay.

Turkiga oo si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu Soomaaliya shidaal baaris ka sameynayo sanadka 2025

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Da biiciga ah ee Turkiga Alparslan Bayra ktar ayaa ku dhawaaqay in sanadka 20 25 uu Turkiga ka bilaabayo xeebaha Soomaaliya howlo shidaal baaris ah.

Hindisahani ayaa daba socda heshiis laba geesood ah oo lagu xoojinayo isk aashiga labada oo ay kala saxiixeen Soomaaliya iyo Turkiga. Golaha wasiir rada Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay heshiiskaas

" Turkiga iyo Soomaaliya ayaa hadda diyaar u ah inay horumariyaan kaydka shidaalka ee Soomaaliya. Heshiiska waxaa ka mid ah baarista, ka faa'ii day siga, horumarinta iyo soo saarista shi daalka xeebaha Soomaaliya." Ayuu yiri Bayraktar.

Marka laga soo tago qorshayaasha uu turkigu ka leeyahay Soomaaliya, Turkiye wuxuu sii wadaa ballaarinta awooddiisa tamarta gudaha. Sanad kan wuxuu qorsheynayaa inuu 140 ceel ka qodo meelaha ay ka mid yihiin Hakkari iyo Van.

Turkiga ayaa saaxiib muhiim ah la ah Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, markaasoo Ra'iisul Wasaarihii xilligaas Recep Tayyip Erdogan uu booqday xilli ay ka jirtay abaaro dad badan ay ku dhinteen.

Wixii intaas ka dambeeyay, Turkigu waxa uu Soomaaliya u fidiyay gargaar bini’aadantinimo iyo kaalmo miisaaniya deed.

RW Xamse oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaa liya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya u qaa bilsan Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga ay aa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaal iya iyo Jamhuuriyadda Seerbiya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre oo Erge yga ka guddoomay dhambaal uu ka waday Madaxweynaha Seerbiya Muda ne Aleksandar Vučić, ayaa uga mahad celiyay Dowladda Seerbiya garab istaa gga iyo taageerada ay u muujisay Soo maaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska ciida nka Qaranka oo xilligaan muhiim u ah dalka.

Dhankiisana, Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya ee Geeska Afrika ayaa ku bogaadiyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guulaha ay ka gaareen dowlad-dhiska iyo hor umarinta Soomaaliya, waxa uuna xu say miro-dhalka dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab iyo deegaa nnada laga xoreeyey.

Wasiirka wasaaradda beeraha dowladda FS oo Marroco uga qaybgalay shirka wasiirada beeraha Afrika

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS mudane Maxa med Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dal ka Marroco uga qaybgalay shirka meer tada 33-aad ee wasiirada beeraha qaaradda Afrika, kaas oo looga hadlay kobcinta wax soo saarka beeraha.

Wasiir maareeye ayaa shirar gaar gaar ah la qaatay wasiiradda beeraha ayaan shalay kulan gaar la qaatay wasiirka beeraha noqortooyadda Mor occo mudane Maxamed Sadiiqi

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soo maaliya iyo Morocco, iyagoo isku raa cay in la wadaago Cilmiga, Qibradda iyo farsamadda Beeraha iyo Waraabka.

"Si gaar ah waxaanu isula qaadanay in Soomaaliya lagu caawiyo waxkasta oo Morocco kaga horeyso sida aqoon ta beeraha, waxbarashada machadya da iyo Jaamacadaha Beeraha oo Scho larship laga siiyo, tababarada, farsama dda, qalabka Beeraha iyo Waraabka” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS mudane Maxa med Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si doo kale la kulmay madaxda hay’adda FOA iyo wakiilada kala duwan ee hay’adaha caalamiga ee shirka ka soo qayb galay.

WASIIR BIIXI oo shaaciyey xogta arrimo uu kala hadlay dowladaha ugu weyn caalamka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dal ka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduu nka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soo maaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarin ta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soo maaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Was iirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Bea the Tvinnereim oo qeyb ka aheyd waf diga ka soo qayb galay shirka xili-dha xaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduun ka iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay han nanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qeyb qaateen dib-u-habeynta Maaliyad da Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa.

dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ay aa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeen ka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer.

Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqa ynta ku saleysan sare u qaadidda dak hliga iyo maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn ku leh gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageera deeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawa an ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaa liya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boq ol kiiba Boqol ah.

Saraakiil Reer Galbeed ah oo shaaci yey laba xog oo xasaasi ah oo ay oge yd Ikraan - Caasimada Online

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasi maha Guud ee Hay’adda Lacagta Ad duunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Ji had Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaa sha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegi sta Maaliyadda iyo Horumarinta Dha qaalaha Sideeda Sano ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay han naanka Dowliga ah ee dalka.

Jabuuti iyo Itoobiya oo ku heshiiyay isdhaafsiga xogta socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha

Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay kordhiyaan iskaashi gooda ku aaddan isdhaafsiga macluu maadka socdaalka iyo ilaalinta xuduu daha labada dhinaac.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Soc daalka iyo Jinsiyadda Itoobiya Salama wit Dawit ayaa kulan la qaadatay wasi irka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ja buuti, saciid Nuux Hassan, waxayna kawada hadleen arrimo ay ka mid yi hiin horu-marinta iskaashiga la xiriira xakameynta xuduudaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Labada hay’adood ayaa is waydaars aday fikrado ku saabsan muwaadiniin ta aan sharciga haysan ee ku sugan Jabuuti, isdhaafsiga xogta socdaalka, ilaalinta xuduudaha, adeegyada dhala shada iyo muwaadiniinta sharci doon ka ah ee Jabuuti, waxayna ku heshii yeen in la sii xoojiyo wada shaqaynta lagu ogaanayo daldaloolada la xiriira arrintan.

Dawladda Ethiopia ayaa Saraakiil Sare oo waaxda Socdaalka ah u soo di rtay Djibouti si ay wax uga qabtaan dhi baato ka taagan muwaadiniin tiro ba dan oo Ethiopian ah kuwaasi si sharci darro ah ku jooga dalka Djibouti.

Dalka jabuuti ayaa qayb ka ah wad damada ay muwaadiniin badan oo Itoo biyaan ay sharci darro ku joogaan.

Dhawaan ayay ahayd marki doon si dday 66 qof oo tahriibayaal ah Itoobi yaan ah kula qallibantay xeebaha dal ka jabuuti.


Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ku dhawaaqday xiliga la qabanayo doorashada madaxtooyada

Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in doorashooyi nka isa saaran ee madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadu ay qabsoomi doo naan 13, November, 2024.

Guddoomiyaha Guddida Doorashoo yinka Muuse Xasan Yuusuf, oo ay ha reero fadhiyaan xubnaha kale ee guddi da ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay gu ddidu go'aamisay in doorashooyinka la qabto.

"Koomiishanku wuxuu go'aansaday in doorashada madaxweynaha, madax weyne ku xigeenka iyo doorashada ax saabta qaranba la wada qabto 13 No vember 2024" ayuu yidhi guddoomiy uhu.

Waxa uu sheegay in doorashada mad axtooyada ay ku tartami doonaan kali ah saddexdii xisbi ee hore u jiray "In doorashada madaxwaynaha iyo mad axweyne ku xigeenka kali ah ay ku tar tamaan musharixiinta xisbiga UCID, Kulmiye iyo Waddani".

Waxa uu sheegay in doorashada ax saabta siyaasada ay ku tartami doo naan saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo Waddani iyo 10 ka urur siyaasade ed ee cusub.

Waxa uu inta ku daray in Sabtida shalay ah uu koomiishanka doora sho oyinku madaxweynaha u gudiyay war qada cayimaada xiliga ay doorashoo yinku dhacayaan si madaxweynuhu uu si rasmi ah ugu dhawaaqo.

Dhex dhexaadin laga dhex bilaabay Maleeshiyo Beeleed ku dagaalamy degmada Diinsoor

Mas’uuliyiin katirsan dowlad Gobolee dka Koonfur Galbeed oo uu ugu horree yo Wasiirka wasaaradda amniga Maa mulkaas ayaa kormeer ku tegay Goob aha ay isku hor-fadhiyaan labadii ma leeshiyo Beeleed ee dhawaan ku daga alamay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Mas’uuliyiintaan ayaa ujeedka kor meerkooda uu ahaa sidii loo dhaqan gelin lahaa xabad joojinta la kala dhex dhigay labada maleeshiyo Beeleed ee dagaalamay, kuwaas oo weli ku wada sugan degmada Diinsoor.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Koon fur Galbeed ayaa sheegay in dagaal uusan u wanaagsaneyn Bulshada deg mada, isla markaana labada dhinac looga baahan yahay inay nabad ku wa da noolaadaan.

Hase ‘ahaatee ‘ Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay kami d tahay degmnooyinkii dhawaan cola ad beeleedyada ay ka dhaceen wallow madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ay ku baxeen.

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay degaan duleedka ka ah Cape Town

Burcad hubeysan oo Koonfur Afri kaan ah ayaa xalay gudaha dalkaasi Koonfur Afrika ku dishay mid ka mid ah Ganacsatada ku nool dalkaas, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno dalkaasi.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa la gu magacaabi jiray Cartan Nuur Muu de, waxaana dilkiisa uu xalay ka dha cay deegaan lagu magacaabo Strand ee duleedka Magaalada Cape Town.

Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Af rika, kuwaasi oo baaritaanno samee yay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loos oo qabtay dilkaasi.

Waa Muwaadin 5-aad ee Soomaali ah oo bishaan April lagu dilay Koonfur Afrika, waxaana dalkaasi ku soo badan aya dilalka loo geysto Ganacsatada Soomaaliyeed iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilalka loo geysto Soomaalida.

Dad farabadan oo ku geeriyooday Doon ay saarnaayeen oo la qalibantay

Ugu yaraan 15 qof ayaa la soo weri yey inay ku geeriyoodeen Dooni sha lay oo Jimco ahayd ku degtay Webiga Mpoko River oo dhex mara Caasimad da dalka Afrikada Dhexe (The Central African Republic) ee Bangui.

Goobjoogayaal la hadlay Wakaalla da Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa sheegay inay degtay Dooni ay la soc deen in ka badan 300 oo qof, kuwaasi oo ku sii jeeday Aas loo samaynayey Hoggaamiye Beeleed.

Dadka ku dhintay Shilkaasi waxaa ka mid ahaa Carruur iyo Haween.

Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa ku hawlan Baadi-goobka dhowr dhibane oo la la’ yahay.

Haweeney Caruur ay dhashay ku gowracday Duleedka Muqdisho

Dhacdo naxdin iyo Argagax leh ayaa xalay fiidkii ka dhacday xaafad ka tir san deegaanka Tareedisho ee dulee dka magaalada Muqdisho, kadib markii Haweeney ay tooreey ku gowracday la ba carruur ah oo ay dhashay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafada uu falka ka dhacay oo la had lay warbaahinta ayaa u sheegay in ha weeneyda ay tooreey ku gowracday wiil iyo gabar yar oo dhashay, kuwaasi oo ahaa caruur yaryar, oo la joogay gu riga ay ka deganaayeen Tareedisho.

Dadka ka argagaxay dhacdada ayaa ku warramay in haweeneyda dishay ca ruurteed ay qabtay xanuunka dhimirka, isla markaana mar qura laga war helay wiilka iyo gabadha oo meyd ah. Da’da wiilka ayaa lagu sheegay laba sanno jir, halka gabadha ay iyaguna aheyd 4 sanno jir.

Dhacdooyinka aadka looga argaga xo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soo maaliyeed ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadaan ka dhacday Tareedisho aad uga naxay da dka deegaanka.

Iiraan oo ka digtay in ay jawaab degdeg ah bixin doonto haddii ay Israel soo weerarto

Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan ay aa ka digay in dalkiisa uu "jawaab deg deg ah ka bixin doono" haddii Israa'iil ay qaado weerar xooggan.

Laakin Hossein Amirabdollahian aya a sii wada in uu hoos u dhigo oo aanu waxba kasoo qaadin duqeymo loo ma leynayo in ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil, kuwaas oo ay ku qaadeen Isfahan oo ah barta maha Iiran.

Waxa uu sheegay in ay ahaayeen diyaaradaha yar-yar oo darooniska oo la mid ah alaabta carruurtu ay ku ciyaa raan .

Labada dhinac ayaa u muuqda in ay san dooneeyn colaad ballaaran, kadib markii ay la jeediyay baaqyo isdaba joog ah oo ka imaanaya madaxda caal amka kuwaas oo ku baaqayey in labad adhinac ay is xakameeyaan.


Howlgalo qorsheyn oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Jamaame ayaa lagu dilay 50 Al-shabaab

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay jiinka wabiga Jubba ka wadeen Ciidamada Kala duwan Jubbaland gaar ahaan kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ee Guutada gurmad Qaran ayaa Al-shabaab ugu daatay godod ay ku dhuumaalaysanayeen kadib hawlgallo aan kala joogsi lahayn oo ay ciidamadu maalmihii u dambeeyey ka samaynayeen deegaanno dhaca jiinka wabiga Jubba, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa Al-shabaab laga dilay in Ka badan 50 Al-shabaab halka intaas in Ka badana lagu dhaawacay, waxaa kaloo howlgalkan lagu qabtay tiro maxaabiis ah, ciidama ayaana fashiliyay tiro minoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Howlgalkaan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamadda dowladdu waxaa ay ku qaarajiyeen horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada, waxaana ka mid ah, Horjooge Caana-Nuug, Sheeq Nuur oo Al-shabaab u qaabilsanaa miinada iyo Horjoogaha kale ee lagu magacaabo Sheeq Xuseen, wayna dhammaantood Al-shabaab u qaabilsanaayeen dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Nin Walaalkiis ku dilay Magaalada Beledweyne

Allaha u naxariistee waxaa Magaalada Beledweyne lagu dilay Sharmaarke Muuse Saxan-diid oo kamid ahaa Dhalinyarada Xaafada Howl-wadaag.

Dilkiisa waxaa geeystay Walaalkiis ka weyn oo lagu Magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxan-diid. Labada wiil ayaa isku Khilaafay Suuli ama Musqul laga dhisayay Guriga qeeyb kamid ah waxaana ugu dambeyn Sababtay in Sharmaarke Goobta lagu dilo. Dilkiisa waxaa u Adeeg saday Birtii Musqusha lagu qodayay.

Ciidamo katirsan Laamaha amniga Magaalada Beledweyne ayaa Gacanta ku dhigay oo xiray Cabdisalaan Muuse Saxan-diid oo walaalkiis dilay.

Kongares-ka Maraykanka oo ku dhow ansaxinta balaayiin dollar oo Ukraine ah

Kadib muddo bilo ah oo dib u dhac u ku imid ayaa lagu wadaa in Aqalka Congress-ka uu u codeeyo tobanaan balaayiin dollar oo ah kaalmo militari oo Mareykanka siinayo Ukraine iyo Israel.

Labada tillaababa waxa kasoo hor jeeda mucaarad aad u weyn oo ka tirsan Congress-ka, rajadooda ansixinta waxay ku tiirsan tahay isbahaysiga jilicsan ee laba geesoodka ah si ay uga gudbaan caqabadaha sharci-dejinta.

Codeynta habraaca ee Khamiista ayaa muujisay tilmaan xooggan in codadka ay gudbi doonaan.

Waxaa lagu wadaa in doodda ay bilaabato, waxaana la filayaa in codeynta la dhiibto gelinka dambe ee shalayy oo Sabti ah.

Afhayeenka aqalka, Mike Johnson ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku riixo tallaabooyinka, xitaa haddii ay halis gelineyso booskiisa.

Codbixinta Ukraine ayaa si dhow isha loogu hayn doonaa magaalada Kyiv, taasoo ka digtay baahida degdegga ah ee taageero cusub oo ka timaada xulafadeeda, iyadoo Ruushku uu si joogto ah guulo uga gaarayo goobaha dagaalka.

Haddii Goluhu meel mariyo sharcigan, guurtidu waxa laga yaabaa inay ansixiso kaalmada sida ugu dhakhsaha badan usbuucan. Madaxweyne Joe Biden ayaa ballan qaaday inuu saxiixi doono si uu sharci u noqdo.

Dadka reer Gaza oo kala shaandheynaya burburka kadib weerarradii xalay dhacay

ciidamada Israel ayaa xalay duqeymo ka waday qeybo kamid ah marinka Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho ayaa sheegtay in ugu yaraan sagaal qof ay ku dhinteen weerarro ka dhacay dhismo dabaqyo ah oo ku yaalla magaalada koonfurta ku taal ee Rafah.

Waa kuwan qaar ka mid ah sawiradii ugu dambeeyay ee magaalada.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo dib loo dhigay

Dolwadda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay shirkii Golaha Wadatshiga Qaran ee lagu waday in uu shalay ka furmo magaalada Muqdisho .

Hadal qoraal ah oo lagasoo saaray xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya dib loo dhigay, sabatuna ay tahay arimo farsamo darteed.

Hadalkaasi qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in "Shirkan oo muhiim u ah dowladnimada gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab , dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo masiiri ah aya adib loo dhigay muddo kooban”

Lama sheegin waqtiga uu shirku dib u furmayo.

Dowlad Goboleedka Puntlanda ayaa hore u sheegtay in aanay ka qeybgaleyn shirka Wadatahsiga Golaha Qara, taas oo ay ku saleysan khilaafka dhanka dastuurka ee u dhaxeeyo Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya .

Wax badan ka ogow xogta ku saabsan saldhigga ciidamada cirka Iiraan ee xalay la weerarray

Saldhigga Hashtam ShikariImage caption: Saldhigga Hashtam Shikari

Saldhigga Hashtam Shikari ama "Shikaari Cabaas Baaba” waa mid kamid ah 17 saldhig ee ay leeyihiin ciidamada cirka ee Iiraan.

Ninka loogu magac daray saldhiggan Cabaas Shikaari ayaa ahaa duuliye ciidamada cirka ka tirsan, wuxuna horey u soo noqday taliye kuxigeenka saldhiggan, muddadii u dhaxaysay Noofeembar 1983 kii illaa Ogosto 1987 kii kahor inta aan lagu dilin dagaal kii Ciraaq iyo Iiraan.

Saldhiggan ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah kuwa ugu muhiimsan ee ciidamada cirka ee Iiraan.

Sanad kii 1979 kii waxa daganaa labo guuto oo ciidamada cirka ah, kuwaas oo isticmaalayay diyaaraddaha F-14A, oo loo yaqaano "Tomacats”.

Sanad kii 1980 kii Iiraan waxay isku dayaysay in saldhiggan uu hoy u noqdo diyaaraddaha dagaalka F-16 iyo F-5B.

Hadda saldhiggan waxa uu hoy u yahay guutooyinka ku hubeysan diyaaraddaha F-14 iyo F7, iyo guutada ku tababarata diyaaraddaha FT-7.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip