Soomaaliya oo mar kale caalamka u sheegtay in aysan diyaar u ahayn inay wada hadal la gasho Ethiopia

0
Saturday April 20, 2024 - 13:41:56 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya oo mar kale caalamka u sheegtay in aysan diyaar u ahayn inay wada hadal la gasho Ethiopia

    Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada hadal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celisay wad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay mar kale ku caddaysay in aysan wada hadal la geli doonin Ethiopia, ilaa ay ka noqoto heshiiska arrimaha badda oo ay la gashay Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celisay waddamada G7, kuwaas oo walaac ka muujiyay heshiiska ay Ethiopia la gashay Somaliland, kuna baaqay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed, sida ku qoran axdiga Qaramada Midoobay. Soomaaliya waxay sheegtay inay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka, islamarkaana ay u dooneyso inay xoojiso wadashaqeynteeda G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. "Wada-hadallada lala yeelanayo Itoobiya waa mid aan la gaari karin ilaa ay ka noqoto is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), oo ayna muujiyaan ixtiraamka buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida iyo mabda'a faragelin la'aanta Soomaaliya." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Soomaaliya kasoo baxay. Soomaaliya waxay G7 u sheegtay inay ka ga go'an tahay inay sii xoojiso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab iyo inay diyaar u tahay inay masuuliyadda amniga kala wareegto howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

 

 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip