Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

0
Saturday April 20, 2024 - 12:15:50 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalalka G7 oo walaac xooggan ka muujiyey Rabshadaha ka socda Ethiopia

    Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadguduyada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi. "Waxaa ka w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka toddobada dal ee dunida ugu hodansan G7 ayaa laga soo saaray war murtiyeed, kaas oo walaac laga muujiyay sii socoshada rabshadaha ka dhacaya Ethiopia gaar ahaan xadguduyada la xiriira xuquuqda aadanaha ee ka socda dalkaasi. "Waxaa ka walaacsan nahay xadgudubyada ka dhanka xuquuqda aadanaha ee ku baahaya qeybo kamid ah dalka sidoo kale waxaa jira dhibaato dhaqaale oo adag oo keentay in cuni yaro bahsan ka dilaacdo Ethiopia" ayaa lagu yiri bayaanka. Sidoo kale, Wadamada G7 waxay sheegeen in loo baahan yahay ilaalinta xuquuqda rayidka isla markaana la sameeyo wada xaajood siyaasadeed si loo xaliyo dhibaatada ka jirta Ethiopia. Ugu dambeyn Dalalka G7 ayaa Waxay xuseen muhiimadda ay leedahay in gargaar la gaarsiiyo dadka ku barakacay dagaalada ka dhacaya Ethiopia, kuwaas oo halis ugu jiro inay u dhintaan maacluusha ka jirta dalkaas colaadaha ka socdaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip