Faah faahin: Haweeney Caruur ay dhashay ku gowracday Duleedka Muqdisho

0
Saturday April 20, 2024 - 13:07:02 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin: Haweeney Caruur ay dhashay ku gowracday Duleedka Muqdisho

    Dhacdo naxdin iyo Argagax leh ayaa xalay fiidkii ka dhacday xaafad ka tirsan deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii Haweeney ay tooreey ku gowracday laba carruur ah oo ay dhashay. Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafada uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhacdo naxdin iyo Argagax leh ayaa xalay fiidkii ka dhacday xaafad ka tirsan deegaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii Haweeney ay tooreey ku gowracday laba carruur ah oo ay dhashay. Qaar kamid ah dadka deegaanka xaafada uu falka ka dhacay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in haweeneyda ay tooreey ku gowracday wiil iyo gabar yar oo dhashay, kuwaasi oo ahaa caruur yaryar, oo la joogay guriga ay ka deganaayeen Tareedisho. Dadka ka argagaxay dhacdada ayaa ku warramay in haweeneyda dishay caruurteed ay qabtay xanuunka dhimirka, isla markaana mar qura laga war helay wiilka iyo gabadha oo meyd ah. Da'da wiilka ayaa lagu sheegay laba sanno jir, halka gabadha ay iyaguna aheyd 4 sanno jir. Dhacdooyinka aadka looga argagaxo ee ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dhacdadaan ka dhacday Tareedisho aad uga naxay dadka deegaanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip