Dowladda Somalia oo soo dhaweysay War-murtiyeedkii Shirka Dalalka G7

0
Saturday April 20, 2024 - 11:03:41 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia oo soo dhaweysay War-murtiyeedkii Shirka Dalalka G7

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Dowladda ayaa boggaadisday diirad saari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Dowladda ayaa boggaadisday diirad saarida shirka ee Geeska Afrika iyo Soomaaliya, iyagoona ammaanay sida ay uga go'an tahay dalalka G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Dowladda Somalia ayaa qirtay dadaalkooda dalalka G7 wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani'aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi. "Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi'ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda'a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale" ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay qiridda horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. "Waxaa naga go'an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey'adaheena. Sida habsamida leh ee mas'uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka" ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Qoraalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip