Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta hey'adda NIRA

0
Saturday April 20, 2024 - 12:55:07 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 62
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta hey'adda NIRA

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta dhexe ee Hay'adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA) Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha. Maareeyaha Hay'adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay'addu jirtay. Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali ayaa Maamulka Hay'adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si Muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip