Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo Shir uga qayb galay Talyaaniga

0
Saturday April 20, 2024 - 12:13:45 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo Shir uga qayb galay Talyaaniga

    Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda I

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya, Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada. Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari' in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya; Ugu danbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip