Sawirro: Xasan Sheekh oo 3 saldhig militeri isku maray, qorshe dagaalna iclaamiyey

0
Monday April 15, 2024 - 10:32:32 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 73
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xasan Sheekh oo 3 saldhig militeri isku maray, qorshe dagaalna iclaamiyey

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa'uud. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saldhigy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa'uud. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saldhigyadaas ay ka amba-baxayaan cutubyo ciidan ah oo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada. Xasan Sheekh ayaa ciidamada uga warbixiyey filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in gacan lagu ciribtirayo argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go'an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda. Madaxweynaha ayaa qiray in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ay soo bandhigeen nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip