HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 15-4-2024

0
Monday April 15, 2024 - 08:47:00 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 15-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wasiirada cusub ee DF oo shalay la dhaariyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir gud doomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay shalay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhawaan uu soo maga caabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim oo ka tirsan maxkamadda sare ee dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto uguna adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirrada cusub ee shalay la dhaariyay ayaa waxaa lagu magacaabay wareegto toddobaad kahor kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wareegtadaas ayaa sidoo kale waxaa markaas lagu soo dhammeystiray wasaarado waa wayn oo in muddo ah bannaana, sida wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan amniga gudaha.

Si kastaba, magacaabista xubnahan ayaa timid xilli ay Villa Soomaaliya ku guuleysatay wax ka beddelka dastuurka, ayna sidoo kale taagan tahay xiisad u dhaxeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo ka hadlay cabashooyin ka timid beeralayda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),ayaa ka jawaa bay cabashooyin ay beeralaydu ku qa been ciidamada jooga baraha lagu baa ro baabuurta sida khudaarta soo gasha Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid yihin dadka ugu qiimaha badan shacabka soomaaliyeed madama ay soo saraan waxyabihii bulshada nolosheda ay ku tiirsaneyd, kaalin weyn ku leeyihin waxsoo saarka dalka,wasaaradana ay kala sheqeeyn doonto wax walbo oo u fududeeynayo in dalagyadooda ay gaarsiiyaan suuqayada Caasimadda.

"Beeraleyda soomaaliyeed waxaan u Sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahy in ay caawiso beeraleyda ,in ay u sameeyso wax kasto oo dhiirigalin u noqonayo sidii waxsoo saarkoodu u fiicnaan lahaa,masuuliyadaa ayaana u taaganahnay” sidaa ayu yiri wasiir Mareeye

Sidoo kale wasiir Mareeye ayaa ganacsatada iyo beeraleyda dhankooda in ay u dulqataan ciidanka har iyo Habeen u taagan sugidda amniga Caasimadda,si looga hortago dhagaraha argagixisada,ciidanka amniga ayuu sidoo kale ka codsaday in iyadoo la Eegay dalagyada ay sidaan qaarkood oo aan mudda badan ooli kKaren bannaanka in loo fududeeyo iyadoo aan lagu xad gudbeen habka sugidda amniga.

Dhawaan ayay ahayad markii Beeraley da Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiy een ciidanka ku sugan baraha lagu baa ro gadiidka,taa oo ay shegeen in mudda lagu hayo halkaa islamarkana ay inta ba dan ka halabaan dalgyadii ay beeraha kasoo gureen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Finland ee geeska Afrika xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaa shiga Caalamiga, Danjire Axmed Maca llin Fiqi, ayaa shalay oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Ergey ga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabad da Geeska Afrika ee Wasaarad da Arri maha Dibadda Finland, Mudane Sul daan Saciid Axmed, isaga oo kala had lay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda gaarka ah u leh, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha nabadda iyo xasilloonida.

Shir looga hadlaayey sidii siyaasad Qaran looga yeelan lahaa arrimaha tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madax weynah JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta, Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta, loogana hadlayay in siyaasad Qaran laga yeesho yareynta Tahriibka iyo sidii dib loogu soo celi lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada Caalamka ee doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha ay quseyso iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka.

Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa masuuliyiinta sharka ka qeybgashay uga warbixisay waxyaabihii u soo qabsoomay Xafiiska iyo xog uruurintii uu sameeyay intii uu jiray ee ku aadan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Caalamka.

Intaasi kadib masuuliyiinta Wasiirada ah ee ka qeybgalay shirka ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in la helo goobo Caafimaad oo lagu baxnaaniyo dadka qaar ee dhibaatooyinku ka soo gaareen tahriibta iyo in la helo qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkaasi.

Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qorshe Qaran laga yeesho Tahriibka madaama uu yahay dhibaatada ugu badan ee heysta dadka Soomaaliyeed.

Orodyahan Soomaali ah oo ku guuleysaty tartanka Rotterdam

Orodyahan Cabdi Nageeye ayaa ku guuleystay tartanka Marathon-ka ee Rotterdam, waana markii labaad ee uu ku guuleysto.

Nageeye oo 35 sano jir ah ayaa orodkan ku dhammeeyey 42.195 Kiilo mitir, isagoo ku orday 2 saacadood, 4 daqiiqo iyo 43 ilbiriqsi.

Kiilo mitirkii u dambeeyay ayuu Nageeye ka guuleystay orodyahanka Itoobiya ee Amedework Walelegn.

Tartanka Rotterdam,

1-Abdi Nageeye | 2:04:45

2-Birhanu Legese | 2:05:16

3-Viola Kibiwott | 2:20:57Selly

4- Chepyego | 2:22:46

Dab khasaare geystay oo ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee gobolka Nugaal

Dab xoogan ayaa shalay ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degma da Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.



Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow degmada Dangorayo.

Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Dangorayo Mudane Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa Sheegay in Maamulka degmada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, islamarkaana la baarayo waxa sababay.

Abshir Gaarane oo geeriyooday iyo hadalkiisii saameynta lahaa ee ugu dambeeyey

Allaha u naxariisto Abshir Gaarane Ax med oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Go bolka Banaadir, galabta ayuu ku geeri yooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen Balcad.

Abshir Gaarane ayaa galabta inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo "Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.”

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaas, wiilkaan waxaa adduunka ku dulmiyey rajiimkii Farmaajo oo muddo sanad ah jir-dil ugu geysanayey xabsiga Jilicow ee Muqdisho.

Waa Fanaankii ay muuqaalka qasabka ah ka duubeen isagoo dhahaya "Waxaan ahay AS, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” muuqaalkaas oo dadka Soomaaliyeed aad uga nixiyey Gaarane wuxuu sheegay in lagu qasbay.

Abshir ayaa sanadihii lasoo dhaafay wuxuu dalbanayey cadaalad, dowladii Farmaajo ay xabsi iyo jir-dil isugu dartay, mana helin magdhow ama cid uga garaabta wixii gaaray.

Sida ay Caasiamda Online u sheegeen dhalinyaradii ka badbaaday shilkaas Abshir Gaarane waxaa isbitaal ku yaalla Muqdisho la keenay isagoo dhaawac ah oo caadi u hadlaya.

Ugu dambeyntii Naqaska ayaa ku dhegay sidaas ayuuna ku geeriyooday, Abshir wuxuu mudooyinkii dambe ka howlgelayey mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in Abshir Gaarane uu gal ka furtay maxkamadaha dalka, si uu cadaalad ugu raadiyo tacadiyadii awooda dowladda loogu geystay.

Xigasho; Caasimada Online

Danab cusub oo tababar adag loo soo xiray iyo waajibaad culus oo la siiyey

Dufcadii 10-aad ee ciidanka kumaan dooska Danab ee xoogga dalka Soo maaliyeed ayaa shalay tababar loogu soo xiray dugsiga tababarrada ciidanka Dana bee Xasan Tuure oo ku yaalla saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo taliyaha kumaandooska Danab ayaa ka soo qeyb galay xafladda lagu soo xiray tababarka ay qaateen ciidamadaas.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka oo tababara ciidamada Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa goobjoog ahaa xafladii tababarka loogu soo xiray ciidankaan cusub ee Danab loo tababaray.

Wasiirka Difaaca Qaranka Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbad ka jeediyey xaladda tababarka loogu soo xiray ciidanka cusub ee Danab ayaa ku war-geliyey askartaan cusub inay isku diyaariyaan furimaha dagaalka oo dhawaan loo daabuli doono, si ay ula dagaalamaan argagixisada.

Wasiirka ayaa ciidankaan u sheegay in rajo weyn laga qabo inay wax badan ka bedelaan furimaha dagaalka, sidoo kale wasiirka ayaa u mahad celiyey dowladda Mareykanka oo kaalin weyn ka qaadatay dhismaha ciidanka Danab oo ah qeybta ugu awooda badan xoogga dalka.

"Walaalkeen Xasan Tuure oo dugsigaan loogu magac daray hadafkiisii inaad ka dhabeysaan ayaan rabnaa oo dalkaan aad cadowga ka xoreysaan, waxaad ka howlgeli doontaan dhul aadnaan waligiin tegin, waxaa la idinka doonayaa inaad si wanaagsan ula dhaqantaan dadka aad cadwoga ka xoreyneysaan,” ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey in dalkaan aysan nololi ka jirin inta Khawaarij ay joogto, isagoo ciidankaan ku dhiirigeliyey inay la yimaadaan dardar cusub, si wax weyn looga bedelo furimaha dagaalka.

Sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa goobjoog ahaa xafladaan, hadal kooban ayuu halkaas ka jeediyey wuxuuna ciidankaan ku dhiirigeliyey inay u diyaar garoobaan dagaalka ay ku jiraan dufcadihii iyaga ka horeeyey ee ka baxay dugsigaan Xasan Tuure ee Balidoogle ku yaalla.

Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka gestay gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay duqeymo diy aaradeed ay ka dhaceen deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoo staga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Duqeynta ayaa la sheegay iney geysteen diyaaradaha dagaalka saaxiibada Caalamka oo kaashanaya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, taasoo la beegsaday goobo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Weerarkaan duqeynta ah ayaa la ogeyn ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka iyo saaxiibada caalamka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeynta Xalay ka dhacday Jiciboow.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay weerar cir iyo dhul ahaa ka geysteen deegaanada kala ah Jiciboow iyo Helabanaan oo degmada Buula burte qiyaas ahaan u jira 25 KM, waxaana la tilmaamay in weerarkaas lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada ay sida wayn uga dhacaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, waxaana xusid mudan in gobolka Hiiraan uu yahay gobolkii ugu horeeyay ee uu kasoo biloowday kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee haatan ka socda inta badan gobolada dalka.

 

Muxuu salka ku hayaa dagaalka ka dhacay Baraawe, khasaare intee la'eg ayaase ka dhahsay?

Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Baraawe ee gobolka Sha beelaha Hoose, iyadoo u dhex maray ciidamo ka tirsan millitariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa ka billowday qaad la sheegay "in qayb kamida ciidamada ay dheceen halka kuwa kalana ay ka fal celiyeen", taas oo keentay in ilaa gudaha magaalada la isla galo, sida ay noo sheegeen goobjoogayaal ku sugnaa goobta.

Xaafadaha magaalada ayaa si weyn looga maqlayay hubka ay ciidamadu isku adeegsanayeen iyadoo ay jiraan dad shacab ah oo wax ku noqday.

Qaadka la sheegay in ay dhaceen mid kamida labada garab ee ciidamada ee uu dagaalku dhex maray ayaa sida aan wararka ku heleyno waxaa lahaa ganacsato Soomaaliyeed oo uu usoo degay.

Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Baraawe. Ismaaciil Cabdullahai Jaadane, oo ku sugan magaalada oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xaalku haatan degan yahay.

"Magaalada Baraawe waxaa ka dhacday shaqaaqo, hase yeeshee hadda waa ay xasilloontahay, waxaa jiray ciidamo ku dhaqaaqay fal burcadnimo iyagiina hadda waala xiray", ayuu BBC da u sheegay gudoomiyuhu.

Israa'iil ma weerar jawaab ah ayay qorsheyneysaa kadib gantaalihii Iran ee xalay hurdada u diiday?

"Waxa ay isku dayeen in ay dhac u geystaan qaad uu lahaa ganacsade Soomaaliyeed, waxaa ku baxay ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta oo wada shaqeynaya, haddana waa lasoo qabtay raggii falka ku kacay oo wey xiranyihiin”, ayuu yiri Gudoomiye Ismaaciil Jaadane.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uusan jirin isku dhac kala qabiyay ciidamada millitariga ah iyo kuwa Daraawiishta, hase yeeshee ciidamada ka tirsan daraawiishta ee falkan ku kacay awgeed ay si guud uga wada hortageen qaybaha kale ee ciidamada millitariga iyo daraawiishtaba.

Guddoomiyuhu waxa uu xaqiijiyay in ay jiraan dad shacab ah iyo ciidamada labada dhinacba oo wax ku noqday isku dhaca, balse uusan xaqiijin karin tiradu inta ay la egtahay.

Baraawe ayey dhowr mar horay uga soo dheceen iska hor imaadyo hubaysan oo ciidamada dhexmaray. Mar walaba ayaa waxaa kala duwanaa waxa salka u ahaa gacan qaadka.

"Waa run in ay Baraawe badanaa ka dhacaan shaqaaqooyin laakiin muhiimaddu waa kahor tagga - waa guul in aan xallinay waliba xilli hore”, ayuu raaciyay hadalkiisa Ismaaciil.

Dagaal degmada ka dhacay bartamihii bishii June ee sanadkii tagay - 2023-kii, oo dhex-maray ciidamada millitariga ah iyo kuwa daraawiishta ayaa ahaa mid khasaare sababay oo maalmo socday.

Dagaalkaas ayaa u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada lixaad iyo ciidmada daraawiishta dawlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Inta aan ka warhayno, ilaa dhawr iyo toban ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday, wixii intaa ka dambeeyayna waxaa jirtay hadal heyn iyo xiisad u dhaxaysa ciidamadaan.

Hadaba Maxay yihiin ciidmadaan isku haya Baraawe?

Ciidmada milatariga Soomaaliya oo ku sugan magaalada Baraawe ayaa ah kuwii kala wareegay Al-Shabaab magaalada Baraawe sanadkii 2014 kii, tan iyo xilligaas waxay ku sugnaayeen magaalada, iyagoo amniga guud gacanta ku hayay. Waxay hoostagaan qaybta lixdanaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed.

Ciidamada daraawiishta ee Koonfur-Galbeed, ayaa ah kuwa billowgii qayb kamid ah lagu aasaasay gudaha magaalada, balse markii dabme ayay ballaarteen oo ciidamo xoojiya looga keenay magalaada Baydhabo. Ku dhawaad horin ciidamadaas ah ayaa waxaa magaalada keenay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen. Saddex duulimaad ayay ku yimaadaan ciidamadaas gudaha baraawe sanadkii 2021-kii.

Sidoo kale safarkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Koonfur-galbeed iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Soomaaliya ay ku tageen Baraawe, dhawr unug oo ciidamo ah oo la socday wafdiga ayaa magaalada la gaaray iyagoo aan dib loosoo celin.

Baraawe waxay leedahay mamamul dagmo oo ka kooban gudoomiye, kuxigeen iyo gole deegaan. Balse waxaa ku sugan magaalada oo inta badan maamulkeeda gacan wayn ku leh ciidamada milatariga Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ku sugan ciidamada daraawiishta ee ka Koonfur Galbeed oo labada u muuqda in ay ku loollamayaan gacan ku heynta degmada.

Diyaarada hakiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Israa'iil

Iyadoo Israa'iil ay dib u furtay hawad eeda horraantii shalay, duullimaadyadii aadayay Tel Aviv waxaa hakiyay dhowr shirkadood oo diyaaradeed oo Yurub ah.

EasyJet ayaa hakad galisay duullim aadyadii ay ku tagi jirtay kana iman jir tay Tel Aviv maalmaha Axadda iyo Isni inta.

Macaamiisha ku jira duullimaadyada ay saamaysay waa in si toos ah loola xiriiro oo ay xaq u yeeshaan lacag celin, foojar, ama wareejin bilaash ah oo ay kuhelaan duulimaad cusub.

Israa’iil oo hal arrin darted cadaadis ku saareysa Dalka Masar

Israa’iil ayaa ku cadaadinaysa Masar inay hoggaamiso codka waddamada Carabta , si ay u cambaareeyaan weer arkii xalay ay Iran ku qaaday Israa’iil iyo inay caddeeyaan xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil ayaa goor dhow u sheegay warbaahinta inuu la xiriiray dhiggiisa Masar , oo uu u sheegay xaqa ay Israa’iil u leedahay inay is difaacdo.

Saacado ka hor safaaradaha Israa’iil ayaa loo diray inay dadaal ku bixiyaan sidii loo heli lahaa codka caalamka ee cambaareynta weerarkii xalay.

Hadalkan ayaa sidoo kale ku soo aaday waxyar kaddib markii Wasiirka difaaci iyo Wasiirka dagaalka Israa’iil ay labaduba sheegeen inay dhisayaan xulufo bariga dhexe oo heegan u noqota ka hortagga khataraha Iran, tan oo u muuqata tallaabo go’doon lagu galinayo Iran.

Sunak oo xaqiijiyay in diyaaradaha UK ay soo rideen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran

Waxaan hadda maqlaynaa Ra'iisul Wasaare Rishi Sunak. Waxa uu cam baareeyay weerarkii Iran ay xalay ku qaadday Israa’iil, wuxuuna caddeeyay in diyaaradaha UK ay soo rideen tiro ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha laha yn ee Iiraan.

Boqortooyada Midowday (UK) waxay ka qayb qaadatay "dadaal isku dubarid caalami ah" oo lagu joojinayo gantaala da iyo diyaaradaha aan duuliyaha laha yn ee Iran ay ridday, ayuu yiri. "RAF wa xay u dirtay diyaarado dheeraad ah go bolka," ayuu raaciyay.

Sunak ayaa sheegay in weerarka Iran uu ahaa "kordhin khatar ah oo aan loo baahnayn taasoo aan si adag u cambaa reeyey".


DF Soomaaliya oo mowqif lama filaan ah ka qaadatay xiisadda IRAN iyo ISRAEL

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dow ladda federaalka Soomaaliya ayaa qo raal ka soo saartay xiisadda Iran iyo Israa’iil, iyadoo ugu baaqday dhinacya da imay joojiyaan xiisadda.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay xaaladaha ka soo kordhay Bariga Dhexe, waxayna si adag ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay si deg deg ah u joojiyaan. Xasiloonida iyo xiisadahan kor u kacaya waxay khatar ku yihiin xasiloonida gobolka, nabadda iyo amniga caalamka oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay dhex-dhaxaadnimo, waxayna inta badan meel dhexe ka istaagtaa xiisadaha bariga dhexe, balse Iran iyo Israa’iil midna xiriir lama lahan dowladda Soomaaliya.

Hogaamiyayaasha G7 oo dib u xaqiijiyay taageerada buuxda ee ay u hayaan ee Israel

Hogaamiyayaasha G7 ayaa cambaa reeyay weerarka Iran ay ku qaaday Israa’iil, waxayna dib u xaqiijiyeen inay si buuxda u taageersan yihiin Tel Aviv, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen.

y kaloo sheegeen inay ka shaqayn doonaan sidii loo dejin lahaa xaaladda Bariga Dhexe.

" Iran ficilkeeda, waxa ay sii kordhisay xasilooni darada gobolka, waxayna halis ugu jirtaa in ay kiciso xiisad goboleed oo aan la xakamayn karin. Tani waa in laga fogaadaa," ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweynaha G7.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sheegay in uu rajaynayo in Israa’iil ay muujin doonto inay isxakameyso.

Israa'iil ma weerar jawaab ah ayay qorsheyneysaa kadib gantaalihii Iran ee xalay hurdada u diiday?

Inkasta oo milatariga Israa'iil ay shee geen in 99% gantaalihii lagu soo tuuray iyo diyaaradihii aan duuliyaha lahayn ee Iran la qabtay iyaga oo aan gaarin halkii loola dan lahaa. Iran ayaa waxay sheegtay in weerarkaan uu jawaab u ahaa weerar lagu qaaday dhisme diblumaasiyadeed oo Iran ku leedahay Siiriya laba todobaad ka hor.

Hadaba halka xaaladdu ku dambayn doonto ayaa waxa ay ku xiran tahay go'aanka ay Israel ka qaadato sidii ay uga jawaabi lahayd weerarkii xalay.

Wadamada gobolka iyo meelo kalaba ku yaalla ee ay ka mid yihiin kuwa aan jeclayn nidaamka ka taliya Iran ayaa waxa ay ku booriyeen Iran in ay is xakameyso.

Mawqifka Iran ee hadda ayaa ah: "Xaalku waa dagan yahay, hawshiina intaas ayay ku dhamaatay, waxna hasoo tuurinina hadii kale mid tan ka sii daran oo aadnan ka waaqsan ayaa idinku dhici doonta."

Balse Israa'iil mar hore ayay wacad ku martay "In ay jawaab adag bixi doonto" dawladda haatan ka talisana waxaa loogu yeeraa tii ugu go'aanka adkayd ee soo marta taariikhda Israa'iil.

Markabkii MV Abdallah,oo la sii daayey iyo burcad baddeedii oo aan la ogayn halka ay ku sugan yihiin

Waxay jawaab ka bixisay weerarkii Xamaas ee & dii October iyada oo weerartay koonfurta Gaza saacado gudahood, kadib waxay lixdii bilood ee xigtay waxay duqayn ka waday Marin Gaza.

Golaha dagaalka ee Israa'iil ayaa waxay u badan tahay in jawaab la'aan aysan uga harin weerarka tooska ah ee Iran, hasa yeeshee waxaa xadidmay waxyeeladii uu ka gaysan lahaa dhulka.

Muxuu yahay mawqifka Israa'iil?

Waxaa laga yaabaa in ay dhagaysato waxay u sheegayaan dariskeeda gobolka oo ay sameyso waxa loo yaqaano "dulqaadka istaraatiijiga ah", oo ay iska deyso in ay jawaab bixiso, balse taas badalkeeda ay beegsato kooxaha gobolka ee xulufada la ah Iran sida ururka Xizbullah ee Lubanaan ama xarumaha ay hubka u dhigto ee ku yaalla Siiriya, taas oo ay muddo dheerba sameyneysay.

Sidoo kale Israa'iil ayaa waxaa laga yaabaa in ay qaado weeraro aargudasho ah oo xiriir ah, kuwaas oo si taxadar leh loo qorsheeyay, lana isticmaalayo gantaalada ridada dheer, kuwaas oo lala beegsanyo oo kaliya, saldhigyada xalay laga soo tuuray madaafiicda.

Taasu wali axay Iran ula muuqan doontaa xiisadda oo la sii kicinayo, maadaama ay noqon doontomarkii ugu horeysay oo Israa'iil ay si toos ah u weerareyso Iran, sida ay ku sameyso kooxaha ay taageerto ee gobolka.

Ama waxaa laga yaabaa Israa'iil in ay hal talaabo sii korto jaranjarada xiisadda sii kacaysa, iyada oo sii balaarineysa jawaabteeda suuragalka ah iyada oo beegsan karta, saldhigyo, xerooyin tababar iyo xarumo talis iyo hagis oo ay iska leeyihiin ciidamada awoodda badan ee Ilaalada Kacaanka Iran - IRGC.

Labada khiyaar ee ugu dambeeya kii ay doorataba waxa uu halis galin karaa in xaalku sii xumaado oo Iran mar kale aargudasho sameyso.

Su'aasho waxay tahay in hadii waxaas dhacaan uu Maraykanku ku soo biiro karo, taasina ay sababto dagaal toos ah oo dhexmara Iran iyo ciidamada Maraykanka ka jooga gobolka.

Maraykanku wuxuu saldhigyo milatari ku leeyahay dhamaan lixda waddan ee ku yaalla Gacanka Carbeed iyo sidoo kale Siiriya, Ciraaq iyo Jordan.

Ciidmadaas oo dhan ayaa waxaa beegsan kara gantaalada culus ee kaydsan ee balaastigga ah iyo kuwa kale ee mudada ay sameysaneysay Iran iyada oo aan u joojin xayiraadaha caalamiga ah ee la saarayay.

Iran ayaa sidoo kale waxay sameyn doontaa arrin ay muddo dheerba ku hanjabeysay: Waxay isku dayi kartaa in ay xirto gacanka istaraatiijiga ah ee Strait of Hormuz, iyada oo isticmaaleysa miinooyin , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo doomaha dheereeya ee dagaalka, iyada oo cunaha qaban doonta kuwa dhawaad rubuc shidaalka adduunka laga isticmaalo.

Taasi waa filansho aad mugdi u ah, taas oo dagaal balaaran isugu keeni karta Maraykanka iyo wadamada Khaliijka ee gobolka, taas oo ay waqti xaadirkaan isku dayayaan wadamo badani in ay baajiyaan.

Dad tiro badan oo isugu soo baxay Iran

Ka dib markii ciidamada ilaalada ka caanka Iran (IRGC) ay weerar gantaalo ah ku qaadeen Israa’iil, taageereyaal badan oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u dhashay oo sita astaanta Falastiin, ayaa isugu soo baxay waddooyinka Tehran iyagoo mujinaya sida ay ugu faraxsan yihiin.

Weerarka ayaa loo arkayay mid muhiim u ah IRGC si ay u ilaaliso kalsoonida ay ku dhex leeyihiin xulafada gobolka iyo taageerayaasheeda gudaha.

Taliyaha guud ee ciidamada Iran Maj Gen Mohammad Bagheri, ayaa sheegay in bartilmaameedyada gudaha Israa'iil ay ka mid tahay saldhigga ciidamada cirka ee Israa'iil ee Notam, halkaas oo diyaaradaha F35 ee Israa'iil ay ka soo duuleen laba toddobaad ka hor, taasoo keentay dhimashada toddobo taliye oo IRGC ah oo ku sugnaa qunsuliyadda Iran ee Dimishiq.


Siduu u shaqeeyaa hannaanka Iron Dome ee Israa'iil ay uga hortagto gantaalaha?


Israa'iil ayaa sheegtay in hannaankeeda iska caabbinta gantaalaha ee Iron Dome ay ka caawisay inay dalkeeda uga difaacdo gantaalaha ay Gaza kasoo rideen dagaal-yahannada Gaza.

Militariga Israa'iil ayaa sheegay in la'aanta hannaankaas, uu khasaaruhu aad u badan lahaa intii uu dagaalku socday. Si kastaba, qaar ka mid ah gantaalaha lasoo riday ayaa ku dul dhacay meelo ka deggan yahay.

Iron Dome ayaa loo nashqadeeyay si uu uga hortago gantaallada riddada dhow ee khatarta ku ah Israa'iil.

Waxaa qorshaha hannaankan uu bilowday kadib dagaalkii ay Israa'iil la gashay Xisbullah sanadkii 2006, xilligaas oo gantaallada uga soo dhacay Lubnaan ay khasaare badan oo isugu jirta naf iyo mal ka geysteen gudaha dalkaas.

Israa'iil ayaa dagaalka kadib shaacisay inay sameysan doonto hannaan cusub oo ka hortagga gantaallada lagu soo gano.

Israa'iil oo heegan gashay kaddib weerarka aan hore loo arag ee Iiraan ay soo qaadday

Sidee ayuu u shaqeeyaa?

Goormee ahayd markii ugu horreysay ee la adeegsado hannaankan?

Hannaanka Iron Dome oo ay wadajir u dhiseen shirkadaha Rafael Advanced Defense Systems iyo Israel Aerospace Industries ayaa la hawlgeliyay sanadkii 2011.

Qalabkan oo la rumaysan yahay inuu kamid yahay kuwa ugu horumarsan caalamka ayaa isticmaala raadaar si uu u aqoonsado isla markaana u burburiyo gantaallada ku socda Israa'iil ka hor inta aanay khasaare geysan.

Hannaankan oo ku shaqeeya jawi kasta ayaa si gaar ah loogu qaabeeyay in uu ka hortago hubka ridada gaaban, gaar ahaan gantaallada laga soo gano Gaza.

Kharash badan ayaa ku baxay sameynta Iron Dome, balse shirkadaha dhisay ayaa sheegay in faa'iidadiisa ugu weyn ay tahay in uu kala sooci karo gantaallada ku dhici kara deegaannada ay dadka ku badan yihiin iyo kuwa kale. Hannaanka ayaa beegsada oo keliya gantaallada loo arko inay khatartayihiin.

Toban sano kadib markii la hawlgeliyay Iron Dome, Israa'iil ayaa hadda haysata toban xabo oo hannaankaas difaaca gantaallada ah, kuwaas oo la dhigay qeybo kala duwan oo dalkaas ah. Mid kasta oo kamid ah waxaa ku xiran saddex ama afar gane oo midkiiba uu ridi karo 20 gantaal oo ka hortag sameeya.

"Tirada Israa'iiliyiinta dhintay ama dhaawacmay ayaa aad u badan lahayd haddii uusan jirin Iron Dome, kaasoo badbaayiyay nafteena," ayuu yiri Gaashaanle dhexe onathan Conricus oo ah afhayeenka milateriga Israa'iil.

Hase yeeshee khubarada qaar ayaa sheegay in tirada badan ee gantaalka ay Gaza ka soo ridayaan xooggaga Falastiiniyiinta uu yahay isku-day ay ku daalinayaan hannaanka Iron Dome, taasoo dhalisay walaac ah caqabadaha uu wajihi karo qalabka.

Sidee ayuu waxtar u leeyahay hannaankan?

Militariga Israa'iil ayaa sheegay in guulo ilaa 90% laga gaaray hannaankan Iron Dome.

Xamaas ayaa sheegtay in maalintii ugu horreysay ee ay weerarka soo qaadday ay ridday ilaa 5,000 oo gantaallo ah, inkastoo Israa'iil ay sheegtay in gantaaluhu ay ahaayeen kala bar intaas.

Gantaalaha ayaa muddo gaaban gudahood la ganay si looga dhigo hannaanka Iron Dome mid aan degdeg intaasoo dhan waxba uga qaban karin.

Qaar kale ayaa laga soo ganay Lubnaan oo ay soo ganeen Xisbullah.

Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa sheegay in in ka badan 8,000 gantaal lagu ganay Israa'iil tan iyo 7 October.

Qaar ka mid ah gantaalaha ayaa garab maray hannaanka Iron Dome kuna dhacay meelo la deggan yahay waxayna sababeen dhowr dhimasho iyo dhaawac, sida ay baahisay warbaahinta Israa'iil.

Taariikhdu markii ay ahayd 27 October, afar qof ayaa la dhaawacay markii gantaal uu ku dhacay dhisme laga dhisayay Talaabiib.

Si kastaba, afhayeen u hadlay militariga Israa'iil Lt Col Jonathan Conricus ayaa yiri: "Tirada Israa'iiliyiinta lagu dilay laguna dhaawacay ay intaa ka badan lahayd haddii uusan jiri lahayn hannaanka Iron Dome, kaasoo ahaa mid naf-badbaadiye ah."

Xigasho BBC.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip