Taliska Ciidanka Booliska oo Amray dadka degan Xaafada Dab damiska in ay guuraan

0
Sunday April 14, 2024 - 10:21:25 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 130
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Ciidanka Booliska oo Amray dadka degan Xaafada Dab damiska in ay guuraan

    Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale Amray in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, dhinaca degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay diideen inay ka guuraan. Qoraal ogeysiin ah oo ka soo baxay Taliska Cii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale Amray in laga guuro dhulka Dabdamiska ee ku yaalla xaafadda Seybiyaano, dhinaca degmada Wadajir, halkaas qoysaska degan ay diideen inay ka guuraan. Qoraal ogeysiin ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Boolisla Soomaaliyeed ayaa u qornaa sidaan : "Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuu mar saddexaad ku wargelinayaa dadka degan xerada dabdamiska booliska, inuu dhamaaday waqtigii loo qabtay, waa inay ka guuraan," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed. "Qof kasta oo degan xeradaas waxaan ku wargelineynaa inay muqadas tahay baneynta xerada dabdemiska ciidanka booliska Soomaaliyeed, ugu dambeyn 20-ka Abriil, si loo dhiso xarunta dabdemiska booliska oo bulshadu baahi weyn u qabto," ayaa lagu yiri qoraalkaan. Qoraalka booliska Soomaaliya ka soo baxay waa kii 3-aad, waxana Qoysaska degan xeradaas ay diideen inay ka guuraan dhulkaas ay ku noolaayeen in ka badan 30 sano. hhhhhh


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip