DEG DEG: IRAN oo weerar baaxad leh ku qaaday ISRAEL

0
Sunday April 14, 2024 - 09:58:07 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: IRAN oo weerar baaxad leh ku qaaday ISRAEL

    Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iran ayaa weerar isugu jira diyaarado drone ah iyo gantaallo ku qaaday Israel, ayada oo ka aargudaneysa weerarkii Israel ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, halkaas oo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah. Militariga Israel ayaa sheegay in, in ka badan 100 oo drone ah illaa hadda lasoo diray. Sidoo kale saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay inay rumeysan yihiin in diyaaradaha ay gaarayaan 400-500. Diyaaradahaas ayaa saacado qaadan doona inay soo gaaraan Israel. Si kastaba, gantaallada ballistic-ga iyo kuruuska ayaa la filayaa inay deg deg kusoo gaaraan Israel. Sidoo kale, kooxda Xizbullah ee Lubnaan, oo ah koox ku xiran Iran, ayaa sheegtay inay gantaallo ku weerartay buuraha Golan Heights ee dalka Syria oo ay xoog ku haysato Israel. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay "in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono." Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya diyaaradaha drone-ka ismiidaaminta ee loo yaqaan Shahad oo dul maraya Ciraq. Militariga Israel ayaa sheegay in difaacooda hawada ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan diyaaradaha. Dalalka Lubnaan iyo Ciraq ayaa xiray hawadooda. Sidoo kale dhammaan howlgalladii garoomada diyaaradaha Israel ayaa la joojiyey. Ilo-wareedyo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Boqortooyada Jordan ay soo ridi doonto diyaarad kasta oo drone ah oo kusoo xadgudubta hawadeeda. Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho. Tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza horraantii October, xulufada Iran ee gobolka – sida kooxda Xizbullah ee Lubnaan iyo dhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen- ayaa qaaday weeraro ay ku garab istaagayaan Xamas oo ka dhan ah Israel.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip