HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 13-4-2024

0
Saturday April 13, 2024 - 08:23:30 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 13-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sanad guurada 64-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraa kiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dab leyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannad guurada 64-aad ee ka soo wareeg tay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soo maaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cu naqabataynta hubka oo dowladdu ay da daal ku bixisay ay horseedi doonto qalabay nta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawa cii ka soo gaaray burburkii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shee gay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo ca dowgu ay soo maleegaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay ku xo reeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soom aaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ugu hambalyeeye ciidanka xoogga dalka sanad guurada 64-aad

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidan ka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guu rada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in cii dan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumadda DanQaran qaad day tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u- habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaali yeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhi baatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

"Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaa liyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Al-shabaab cad awga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaa ruhu in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaali yeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, isla markaana ay Xukuumadda ka go’an ta hay sidii dib loogu soo celin lahaa libaax yadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo didaacaya Qarankooda.

12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalma ha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taa sina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aasaaskii ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoo gga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaa na ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoog ga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qa bo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xu duudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaa dashada howlaha lagu sugayo amniga guu d ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta taya da iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa la gu guuleystay in la sameeyo hogaanno ba dan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,haddeey ahaan lahaayeen dhan ka maamulka maaliyadda iwm.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hoo yay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baa digoob u galeen soo celinta dhulalkii ka ma qnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaasha naya dowladda iyo shacanka oo ka qeybga lay diyaarinta ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka & soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada, haddana,waxaa labaatankii sano ee u dam beeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo cii damada, isla markaana la howlgaliyo qeybi hii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay dhallinyaro cusub oo dhiirri geli yay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fu liyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay ka ga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xa qiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qa ran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiya da iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan adage e la mara yo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciida mada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xilligaan adage e lagu jiro waxaa ciidama da Xoogga la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaali yeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuq daan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii xuska sanadkaan ee sana dguurada 64-aad ,Ciidanka Xoogga waxa an u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Dadka deegaanka Ceel-Baraf oo soo dhoweeyay furitaanka ceel-biyood iyo deeq raashin oo la gaarsiiyay

Boqolaal qoys oo ku dhaqan tuulada gana weyne oo hoostagta deegaanka Ceel-Baraf ayaa helay deeq raashin ah oo ay soo gud biyeen Hey’adda Sitra oo wakiil ka ah Dow ladda Imaraadka Carabta.

Bixinta deeqdaasi rashinka ah waxaa goo bjoog ka ahaa Wasiirka maaliyadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle C/Raxiin Ciise caddoow iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jiray kuwa deegaanka.

Illaa laba boqol oo qoys ayaa helay deeq raashin ah oo fudud,waxaana sidoo kale munaasabaddii guddoonsiinta kaalmadaasi barbar socday furitaanka ceel-biyood laga hirgaliyay tuulada ganaweyne ee deegaan ka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Sh/ Dhexe.

Qaar kamid ah qoysaska ku sugan hal kaasi ayaa codsaday in si bini’aadanimo ah looga warqabo dadkaasi,isla markaana lala soo gaaro kaalmooyin ntaa ka badan.

Tuuladaasi ayaa la sheegay in ay soo buu xdhaafiyeen dad barakacayaal ah oo ka ka la yimid deegaanada gobolkaasi,kuwaas oo la ildaran dhibaatooyin xagga nolosha ah.

MW Xasan Sheekh oo dhiggiisa dalka Kenya kala hadlay amniga xuduudaha labada dal

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal ka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Ma xamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo sa far shaqo oo hal maalin ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Willi am Ruto

Labada Madaxweyne ayaa ka wada had lay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaali ya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argag ixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Go bolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah arga gixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimad da ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo sha cabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaa liya iyo Kenya oo shalay ay tahay in la xoo jiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alsha baab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Soomaaliya oo ku gacan sayrtay heshiis dhinaca badda ah oo ay soo jeedisay Kenya

Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay hadal ka soo yeeray xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Korir Sing'oei, kaasoo ah aa soo jeedinta heshiis dhanka badda ah oo ay wada gaareen dalalka IGAD, si loogu xaliyo xiisada kala dhexeysa Itoobiya.

Cali Cumar Balcad, Wasiiru dowlaha wasa aradda arrimaha dibadda, ayaa sheegay qorshaha la sheegay inuu yahay mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona la hayn, isagoo carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ku adkeysaneyso midnima da dhulkeeda.

"Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midn imada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka.” Ayuu yiri wasiir Balcad.

Diidmadan ayaa timid ka dib markii xogha yaha arrimaha dibadda ee Kenya, Korir Sing'oei, uu u sheegay wakaaladda Reute rs in Kenya ay heshiiskaas la wadaagtay Soomaaliya, si loo qaboojiyo xiisadda.

Heshiiska la soo jeediyay ayaa ujeedkiisu ahaa in Itoobiya ay hesho kheyraadka bad da iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaani da Soomaaliya.

Sing'oei ayaa ku andacootay in heshiisku uu u ogolaanayo dawladaha aan badda lah ayn in ay galaangal u yeelan karaan deke do ganacsi iyaga oo la wadaagaya kheyraa dka badda waddamada xubnaha ka ah IGAD ee leh xeebaha.

Todobo cishe kadib go'aankii dowladda ku amartay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee Garowe iyo Hargeysa oo aan shaqayn

Waqtigii ay dowladda federaalka Sooma aliya u qabatay in lagu xiro qunsuliyadaha Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Ga rowe (Puntland) iyo Hargeysa (Somaliland) ayaa ku ekaa khamiistii shalay.

Sida aan xogta ku helayno, labada qunsuli yadood ayaa si caadi u shaqeynaya haatan, mana jiraan wax saamayn ah oo ku yee shay go’aankii kasoo baxay xukuumadda fe deaalka Soomaaliya.

Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa horey u diiday go’aanka Muqdisho kasoo ye eray, iyagoo sheegay in go’aannada dowla dda federaalka aanu ka shaqaynayn degaa nadooda.

Labada maamul ayaa mid walba gaarkiisa u sheegay inay Itoobiya laleeyihiin xiriiro saaxiibtinimo iyo mid ganacsi.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Itoobiya inay xad gudub qaawan ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Go’aankii todobaadkii hore kasoo baxay go laha wasiirrada Soomaaliya ayay dowladdu sheegtay haddii uu dhaqan gali waayo inay qaadayso tallaabo kaste oo ay ku ilaalinay so madax banaanideeda dhuleed.

Warar aanu kasoo xiganay ilo diblumaasi yadeed waxay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay diyaarinayso dacwad ay u gudbinayso Qaramada Midoobay, taasoo ah eedayn ka dhan ah faragalinta Ethiopia.

Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida oo walaac weyn ku abuuray qulqulka badeecadaha xorta ah

Guud ahaan 33 dhacdo oo burcad bade ed oo loo geystay maraakiibta ganacsiga, a yaa laga diiwaan galiyay caalamka sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2024, taa soo ka badan 27 dhacdo oo isku mid ah isla mudadaas 2023, sida uu sheegay xafiiska badaha caalamiga ah (ICC).

Xoghayaha guud ee ICC John Denton aya a yiri,” Dib u soo noqoshada dhaq-dhaqaa qa burcad-badeedda Soomaalida waa mid welwel leh. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo ganacsiga, la ilaaliyo waddooyinka, iyo bad qab ka badmaaxiinta. Waa in la qaado dha mmaan tillaabooyinka lagu hubinayo qulqul ka xorta ah ee badeecadaha.

Soo laabashada burcad badeedda Sooma alida ayaa ku soo aadeysa xilli Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale rasaas ku furaan ma raakiibta ganacsiga, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay la bartilmaameedsaday ku dhawaad 80 markab.

Sidoo kale, qiimaha ilaalada gaarka ah ee maraakiibta, ayaa kor u kacay sanadkan, si da laga soo xigtay rugta caalamiga ah ee ganacsiga isaga kala goosha badaha adduunka.

Khubarada ku taqasusay amniga ee fadhi goodu yahay magaalada London ee la yiraa hdo Subrosa Group, ayaa bilaabay qayb cu sub oo amniga badda ah, si looga jawaabo baahida muhiimka ah ee ilaalinta maraakiib ta waaweyn ee mara biyaha khatarta ah ee adduunka oo dhan.

Nabaddoon Caan ahaa oo lagu dilay degaan katirsan Gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degaan katir san Gobolka Galgaduud ee Maamulka Gal mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in ma leeshiyaad hubeysan ay kudileen nin Naba ddoon Caan ka ahaa degaankaas.

Alle ha u naxariistee Nabaddoonka oo la gu Magacaabi jiray Cabdi Daahir Daa’uud ayaa xilliga la dilayay waxaa uu ku sugnaa Gurigiisa oo kuyaalla degaanka laanqeylo, isla markaana maleeshiyaadkii dilka geys tay ay Goobta ka baxsadeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Nabaddoonka la dilay uu kamid ahaa Xo olo Dhaqatada degaanka laanqeylo, isla markaana dilkiisa uu salka ku haayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil oo waayahaan ka taagan degaano katirsan Galmudug.

Ciidamo katirsan laamaha Amniag degaan ka laanqeylo ee Gobolka Galgaduud ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, kuwaas oo wada howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilka Cabdi Daahir Daa’uud.

Saraakiisha laamaha Amniga degaanka laanqeylo ee Gobolka Galgaduud weli wax faah faahin ah kama bixin dilka nabad doonka, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer degaannada Galmudug ay ka dhaceen dilal iyo dagaal beeleedyo.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaannada Maamulak Galmudug ku batay colaad beeleedyada iyo dilalka aa nooyinka qabiilka ah, iyada oo Madaxda Ga lmudug ay ku fashilmeen inay waxka qab taan.

 

 

Dadkii loo qabtay dilka ganacsade Soomaali ah oo lagu dhaawacay xaafadda Islii oo maydadkooda la helay

Warbaahinta Kenya ayaa siyaabo kala du wan ugu warramaysa kiiska nin ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadan Cali Maxamed, kaas oo dhawaan dhaawac iyo dhacba loogu gaystay xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Saddex ka mida dadkii tuhmanayaasha kiiska ahaa ee looga shakiyey ku lug lahaa nshaha toogashada ganacsade Aadan Cali, ayey dhawaan ciidamada ammaanka ee Ke nya ka soo qabteen magaalada Mombasa, iyagoo markaas doonayey sida la sheegay inay iibsadaan gaari balse baxsad ah.

Labo ka mida tuhmanayaasha ayaa hadda warbaahinta NTV ee Kenya warisay in may dadkooda laga helay deegaano kala duwan oo ku yaal gudaha Kenya.

Mid ka mid ah tuhmanayaasha ayaa mayd kiisa laga helay ismaamulka Kiambu halka midka kale laga helay deegaanka Juja.

Booliska Kenya weli kama aysan hadlin geerida seddexda qof ee tuhmaneyaasha ah.

Aadan Cali Maxamed, oo ah ganacsade Soomaali ah ayaa dhawaan lagu toogtay, la guna dhaawacay xaafada Islii isagoo saa ran mooto laba lugooley ah, xilligaas oo ay rag hubaysan oo iyana mooto noocaas oo kala saarnaa ay toogteen, kuwaas oo sidoo kale ka dhacay lacag dhan $31,000 oo doo lar.

Aadan waxa uu damacsanaa in uu lacagta ku shubo mid ka mid ah bangiyada ku yaa lla xarunta laga dukaameysto ee BBS Mall oo ku yaal xaafadda Islii ee ay Soomaalidu degto, sida uu BBC da u sheegay Cumar Xuseen oo ah xoghaya guud ee gudiga ganacsatada Islii oo BBC da la hadlay.

Laamaha ammaanka ee Kenya wali si ras mi ah uguma hadlin dhacdadan iyo tuhma neyaasha loo qabtay kiiskii Aadan ee mayd adkooda la helay.

Waa sidee xaaladda Aadan oo wali la dabi ibayo

Dr. Khaliif CabdifitaaxMaxamed oo ka mid ahaa dhaqaatiirtii qaliinka ku samaysay ga nacsade Aadan ayaa BBCda u sheegay in xaalada dhaawaciisu uu soo kabasho ku jiro walow dhaawac daran ay gaarsiiyeen xabadihii ay ragga hubaysan ku dhufteen.

Wuxuu sheegay in rasaastu ka haleeshay qaybta midig ee garabkiisa ayna ka baxday qabta bixid ee isla garabka iyadoo waxyee lo gaarsiisay lafdhabarta.

"Waxay gaysatay dhaawac sababay in uu baralays noqdo, ayadoo xabbadu lafdhabar ta ay wax gaarsiisay, ka dibna qaybta hoo se ee lugaha jirkiisa uu dareenku ka tagay, laakiin qalliin dheer ka dib hadda waa soo kabanayaa walow wali lugiisu ay daciif yi hiin” ayuu BBCda u sheegay dhakhtar Khaliif.

Dhaqtar Khaliif, wuxuu sheegay in hadda uu ku jiro Aadan, xaalad uu soo raysanayo, muddo kooban ka dibna uu ka bixi doono is bitaalka uu ku jiro.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa sii kordhina ysa walaaca isa soo taraya ee dadweynuhu qabaan, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray dambiyada la xiriira mootooyinka.

Dhacdooyinka dhaca iyo rabshadaha ay ku lug leeyihiin wadayaasha mootooyinka ayaa ahaa mid ay muddaba ka cabanayeen dadka ku nool xaafadda.

Iyadoo weli ay socdaan baaritaano ku aa dan falka toogashada ah ayaa dadka deeg aanka loogu baaqay in ay feejignaan muuji yaan, isla markaana ay ku soo wargeliyaan maamulka wixii ay ka shakiyaan.

Xaafadda islii oo ay u soo dukaameysi ta gaan kumanaan dad ah ayaa hadda isu di yaarinaysa in ay marti geliso dadka u soo adeeg doonanaya munaasabadda ciidda.

Taas awgeed guddiga ganacsatada ayaa sheegay in ay laamaha amaanka ka codsa deen in xaafadda la keeno ciidammo dhee raad ah oo amniga suga inta lagu guda jiro maalmaha ciidda ee aadka loo adeeganayo.

Dhawaan ayaa xaafadda laga furay suuq dukaameed weyn, kaas oo ah midka uu ka soo baxay Aadan ka hor inta aan lacagta la ga dhicin oo aan xabbadda lagu dhufan.

Waxaa xusid mudan in goobta lagu toog tay Aadan ay qiyaastii laba boqol oo mitir oo kaliya u jirto saldhigga booliska ee xaa fadda oo saaran suuqa dukaameysiga BBS Mall, sida uu BBC da u sheegay Cumar.

Si kastaba ha ahaatee xaafadda Islii ayaa amnigeeda aad loo sugaa xilliyada munaa sabadaha gaarka ah iyo xilliyada dibadbax yada maadaama ay taallo hanti badan oo laga cabsi qabo in la dhaco ama la boobo.

Gabdhihii Chibok oo 10 sano kadib weli la la'yahay

Bishii April 2014, magaalada waqooyi-bari Nigeria ku taalla ee Chibok ayaa dunida ca an ka noqotay kadib markii la afudubtay 27 6 gabdho iskuulley ah isla markaana bara ha bulshada aad loogu ololeeyay in gabdha haas lasoo celiyo.

Toban sano kadib, khatarta kooxaha rabsh adda wada ayaa weli saameyn ku leh nolo sha dad badan oo magaalada ku nool.

Iyadoo ilmada iska tireysa, Esther Yakubu ayaa dib u goconeysa sida noloshu u adag tahay iyadoo aysan la joogin gabadheeda Dorcas.

' 'Waxaa laga joogaa 10 sano tan iyo inta gabadheyda ay afduubka u heystaan Boko Haram. Weligeed xaaladdu ma fududaan. Dadka waxay dhahaan iska illow, maadda ama aan heysto carruur kale, balse marka aan keli ahay, waan ka fekeraa.''

Aragtida alaabta Dorcas ee guriga ayaa si joogto ah usoo celisa xusuuso xanuun ba dan umana saamaxdo inay tiiraanyadu ka ba'do. Esther ayaa go'aansatay inay alaab taas iska tuurto, marka laga reebo sawirro dhowr ah.

''Dhammaan alaabteeda waxaan siiyay dad ku nool meel ka baxsan Chibok si ay san agteyda u oollin. Ma aan dooneyn uun inaan arko.''

Habeenkii 14 April 2014, kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ayaa 76 gabdho iskuu lley ah ka afduubtay iskuul xannaano oo ku yaallay magaaladan oo aan markaa sidaa loo aqoon.

Afduubka ayaa sababay olole caalami ah oo baraha bulshada laga bilaabay waxaana ololahan ka qeyb qaatay marwadii koowaad ee hore ee Mareykanka Michelle Obama, iyo gabadha abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobel heysata Malala Yusufzai, iyo dad kaloo caan ah.

Toban sano kadib, gabdho badan ayaa ama laoso badbaadiyay amaba ay u suurto gashay inay baxsadaan. Si kastaba, 87 ka mid ah 276-gabdho ayaa weli afdub loo hey staa. Dorcas waxay ka mid tahay kuwaas la la'yahay waxayna keliya jirtay 16 sano xilli gii la afduubanayay.

Hooyadeed Esther, hubanti la'aanta xaala dda gabadheeda ayaa u suurto gelin waa yay inay illowdo. ''Waxaan ka doonayaa dowladda inay gabdhaheenna xoreyso ay na gurigooda kusoo laabtaan. Waxaan doo neynaa inaan nolol ku aragno si aan ugu ya raan u faraxno. Kuwaan nooleynna, aan ogaanno si aan uga samirno.''

Esther wax war rasmi ah kama helin halka gabadheeda lagu hayo, balse waxay kasoo muuqatay muuqaal lagu caddeynayay inay nool yihiin oo ay kooxdu sii deysay sanadkii 2016. Muuqaalkaas, Dorcas ayaa isku ma gacowday Maida, oo ah mid cusub oo ay kooxdu u bixiyeen.

''Haddii ay Dorcas i maqli lahayd hadda, wa xaan u sheegi lahaa inaan noolahay magaa lada Chibok-na ay weli jirto, si ay u gasho xamaasadda inay usoo laabato aragtideen na.''

In sheekadan laga soo tebiyo meel miyi ah oo ka tirsan waqooyi-bari Nigeria qu dheeda waa safar dheer oo raf ah. Wadda da Chibok waxay ka bilaabaneysaa gobolka deriska la ah ee Adamawa. Waa safar dhe er oo la marayo dhul qallalan oo bannaan.

Waxaan sii marnay birta telecom oo jabtay. Qofkii na hagayay ayaa inoo sheegay in looga shakisan yahay in Boko Haram ay soo rideen si ay qalqal u geliyaan isgaa rsiinta.

Kooxda ayaa weli saameyn ku leh magaa lada.

Waxaan sii marnay dhowr bar-kontarool militari kahor inta aynaan gaarin halkaan u soconnay.

Chibok qudheeda waa magaalo ay milit ari badan joogaan. Ciidamada ayaa labo ba r-kontarool dheeraad ah ka sameeyay iyo sidoo kalena bandow adag oo habeenkii ah.

Nigeria

Dadaallo socda

Caasimadda Abuja waxaan kula kulannay Senator Muhammad Ali Ndume oo ah xildhi baan kaoso jeeda gobolka Borno, oo Chi bok ay ka tirsan tahay, wuxuuna xubin ka yahay xisbiga APC.

''Dowladda ayaa wax ka qabaneysa way na ka walaacsna tahay," ayuu yiri. "Waxaan ka codsan doonaa waaliddiinta inay dulqaa dka sii wadaan iyo ducada inay gabdhahoo da soo laaban doonaan.''

Wuxuu sheegay in bixinta madax-furasho uu dhiibay maamulkii hore, markii in ka ba dan 100 gabdho reer Chibok ah la sii daa yay kadib wada-hadal lala galay, ay xaalad da kasii dartay.

''Ilaah unbaa garanaya inta lacag la bixi yay. Waxaan u maleynayaa markaas bay dadku aamineen haddii aad qof kaxaysato, waxada heleysaa lacag badan.

''Taasi waxay ahayd khalad albaabka u furay sida ay xaaladda shalay tahay.''

 

Turkiga oo xannibaad dhanka badeecadaha ah kusoo rogay Israa’iil

Turkiga ayaa ku dhawaaqay xannibaado uu saaray tobannaan ka mid ah badeecoo yinkiisa oo loo dhoofin jiray Israa’iil, isaga oo kaga jawaabaya weerarada ay Israa’iil a y ku heyso Shacabka Muslimiinta ah ee Reer Falastiin.

Badeecadaha uu Turkiga xanibaada saa ray ayaa waxaa kamid , sibirka iyo shidaal ka diyaaradaha, taasoo keentay in Israa’iil ay ku hanjabto tillaabooyin ganacsi oo aar goosi ah.

Tallaabadaan ay qaaday dowladda Turki ga ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan dowla dda Iiran dhankeeda ay Israa’iil ugu hanjab tay inay weerari doonto hadii aysan joojin weerarada.

"Weerar weyn oo degdeg ah ayey Iran ku qaadeysaa Israel” saraakiil Mareykan ah ayaa laga soo xigtay

Telefishinka CBS ayaa ka soo xigtay labo sarkaal oo Mareykan ah in Iran degdeg u weerari doonto Israel.

CBS waxay sidoo kale sheegeen in ay ka soo xigteen saraakiisha in Iran qorsheyne yso weerar ay qaado sida ugu dhaqsiyaha badan.

Shiinaha ayaa ka dalbaday Mareykanka in ay door wax ku ool ah ka qaataan mushkila dda ka taagan bariga dhexe.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykan ka ayaa Khadka taleefoonka kula hadlay Wang Yi oo ah sarkaalka ugu sareeya si yaasadda dibadda Shiinaha isagoo ka dal baday inuu adeegsado saameynta Shiinaha si xiisadda loo qaboojihyo. Wang Yi waxa uu cambaareeyay weerarka qunsuliyadda Iran.

Reuters ayaa sheegtay khamiistii in Mr Blinken uu xiisadda kala hadlay wasiirada arrimaha dibadda Turkiga, Shiinaha iyo Su cudiga. Wuxuuna u sheegay in aysan cidi dan ugu jirin xiisadda oo sii kororta.

Tababbarayaal militeri oo Ruush ah ayaa yimid Niger si ay ciidamada u tababbaraan

Macalimiin militeri oo Ruush ah ayaa yimid Niger si ay u tababbaraan askarta dalkaas. Moscow ayaa xoojineysaa saameynta ay ku leedahay gobolka Saharaha ee galbeed ka Afrika.

Khubaro militeri oo yimid caasimadda Nige ria Niamey Arbacadii ayaa lagu arkay iya goo qalab kala dagaya diyaarad xamuul ah.

"Waxaan halkan u joognaa in aan tabab barno ciidamada Niger si aan u sameyno xiriir militeri oo u dhexeeya labada dal”, mid ka mid ah tababbarayaasha ayaa sidaa u sheegay telefishinka dowladda Niger ee RTN.

Tababbarayaasha militeriga ayaa sidoo kale keenaya dalka qalabka difaaca hawa da sida ay u sheegeen warbaahinta.

Imaatinkooda ayaa ka dambeeyay heshiis dhexmaray Niger iyo Ruushka oo kor loogu qaadayo xiriirka ammaanka.

Wadanka galbeedka Afrika ku yaal waxa uu aaday dhanka Ruushka ilaa iyo markii cii damada afgembi ku qabsadeen xukunka sa nadkii hore.

Waxay jareen xiriirkii militeri iyo kii siyaasa deed ee ay mudada dheer la lahaayeen Fa ransiiska sida dalalka dariska la ah ee Mali iyo Burkina Faso. Ruushka waxay ka doon teen taageero si ay uga adkaadaan kooxa ha jihaad doonka

Australia oo sheegtay in ay Falastiin dowlad u aqoonsaneyso

Wasiiradda Arrimaha Dibedda Australia Penny Wong ayaa tibaaxday in dalkeedu aqoonsanayo dowladnimada Falastiin, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda.

Waxayse meesha ka saartay in ururka Xa maas uu wax door ah ku yeelasho dowlad da Falastiin ee mustaqbalka.

Hadalka Penny Wong ayaa waxaa durba ka biyo diidey mucaaridka dalkaas iyo xiri irka Sahnuuniyiinta Astralia oo hadalkaas ku tilmamay mid laablakac ah.

Dowladda Australia ayaa in muddo ah ku adkeysaneysey in qaranimada Falastiin ay ku imaan karto xal labo geesood ah oo Isr a’il raalli ka tahay oo qura.

Laakiin faallada Ms Wong ayaa laga dha dhansan karey hadalk uu horraantii sanad kan jeediyey Wasiirk Arrimaha Dibedda UK David Cameron, kaas oo uu ku duurxulay in Britain ay aqoonsan karto dowladnimada Falastiin iyada oo aan lagala tashan Isra’il.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha Spain Ped ro Sanchez ayaa Arbacadii xaqiijiyey in xu kuumaddiisu ay mar horeba billowday qorsheheeda ku aadden aqoonsiga Falas tiin oo uu sheegay in ay ku jirto danta Yurub.

Dowladda Australia ayaa waayahan dambe walaac ka muujinesey dagaalka daba-dhe eraaday ee Qasa, halkaas oo dhawaan la gu diley samafaleyaal uu ku jiro muwaadin dalkaas u dhashay.

Shaqaalahan gargaarka oo u shaqey nayey urur samafal oo ka shaqeeya quudin ta dadka baahan, ayaa waxaa duqeyn ku di ley ciidamada Isra’il, taas oo aad uga carey siisay dalalkii ay u dhasheen oo ay ku jiraan kuwo si furcaddi ah u taageersanaa gulufka Isra’il ku hayso Qasa.

Israel oo saacadihii u dambeeyay Gaza ku dishay ugu yaraan 63 ruux

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 63 falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza,isla markaana la dhaawa cay 45 kale,kadib kolkii ciidamada Israel ay weerareen halkaasi.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ay aa sheegay in burburinta Khan Younis iyo dhaawaca soo gaaray waaxda caafimaadku ay tahay mid aan la qiyaasi karin,ka dib bi xitaanka ciidamada Israel.

Madaxa USAID Samantha Power ayaa no qotay mas’uulkii ugu horeeyay ee Marey kan ah oo si cad u sheegay in macluul ay ka jirto waqooyiga Gaza, kadib markii la sa meeyay qiimeyn ay fulisay Qaramada Mi doobay ee lagu eegayo gaajada daran ee deegaanadaasi.

Ugu yaraan 33,545 falastiiniyiin ah ayaa la gu dilay Gaza,76,094 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Britain oo soo celisey dahab askarteedu bililiqeysteen 150 sano ka hor

Dahab iyo alaabo kale oo horay looga dha cay boqortooyadii Asante oo mar ka talin jirtey halka shalay uu ku yaallo dalka Gha na, ka dib dagaal dhexmaray boqortoo yadaas iyo ciidamo ka socdey Britain mud do haatan laga joogo 150 sano ayaa dib loo gu soo celiyey Ghana.

Alaabtan oo ka kooban qalb ka sameysan dahab iyo qalin ayaa muddo badan taallay madxafyada ugu caansan Ingiriiska ayaa 32 shay oo ka mid ah hadda la soo celiyey, ku waas oo lagu wado in dhawaan lagu wa reejiyo boqorka shalay xukuma waxa ka soo haray boqortooyadii Asante.

Waxaa la soo wariyey in soo celinta alaab tan uu codsaday Boqorka hadda ka taliya saldanada Asante Otumfuo Osei Tutu II, intii lagu guda jirey caleemo saarkii Boqor Charles III ee Ingiriiska oo uu ka qaybgalay.

Alaabtan qaaliga ah ayaa la dhigi doonaa madxafka Manhyia ee magaalada Kumasi oo ah caasimadda gobolka Ashanti, waxaa na lagu soo bandhigi doonaa sannad guura da 25-aad ee ka soo wareegtay markii la boqray King Otumfuo Osei Tutu II.

Haweeneey musuqmaasuq lagu eedeeyay oo toogasho lagu xukumay

Haweney beeca dhismooyinka ka shaqey sa dalka Vietnam ayaa lahu xukumay dil toogasho ah iyada oo loo aaneeyay doorkii ay ku lahayd mid ka mid ah kiisaskii musuq maasuq ee ugu xumaa taariikhda.

Maxkamadda ku taalla magaalada Ho Chi Minh ayaa waxay sheegtay in Truong My Lan ay ahayd maskaxdii ka dambeysay in afartan bilan oo doolar laga qalin shubatee yo bangiga Saigon muddo toban sano ah.

Waxaa lagu eedeeyay in ay ay si dadban ula wareegtay milkiyadda in ka badan sa gaashan boqolkiiba saamiyada baniga ka hor inta aysan si sharci darro ah u qaadan cadad badan oo deyn ah. 85 ruux oo kale ayaa waxaa ku dhacay xukuno intaa ka qa fiifsan.


Xildhibaano dawladda waydiistay in xarunta baarlamaanka ay uga furto qol ay isku qurxiyaan

Xildhibaanada haweenka ee baarlamaan ka Uganda ayaa waxay codasadeen in loo furo qol ay isku qurxiyaan oo laga sameeyo gudaha xarunta baarlamaanka si ay bilicdo odu u dhisanto in ay ku jiraan golaha.

Dhawaan ayaa waxa laga furay xarunta baarlamaanka goob gym ah, balse xildhi baanada haweenka ah ayaa waxay shee geen in jimicsugu uu timaha isaga daro, si daa daraadeedna aysan isticmaali karin.

Wasiirka Biyaha iyo Deegaanka ayaa wa xay sheegtay Khamiistii in hadii meel is qur xib la furo ay xildhibaanada haweenka ah ay ka caawin doonto in ay hagaajiyaan kul amada ka hor.

Ms Anywar said: "My hair and nails and whatever are part of the woman".

Anywar ayaa tiri "Timaheyga iyo cidiyahayga waxay qayb ka yihiin haweenka".

Kenya oo joojisey sharoobbo caan ah ka dib markii la ogaadey khatar ku duugan

Boqollaal Kun oo carruur ah oo ku nool dal ka Kenya ayaa laga cabsi qabaa in ay ku maqan tahay waxyeello ka soo gaartey sha roobbo lagula tacaalo qufaca oo dalka caan ka ah, ka dib markii halisteeda la ogaadey.

Guddiga la socoshada daawooyinka iyo walxaha sunta ah ee Kenya ayaa Khamiistii diginin ka soo saaray qaybinta, iibinta iyo isticmaalka sharoobada qufaca Benylin Ped iatrics oo carruurta loo qoro, waxayse ka gaabiyeen in ay daawada dib ugu yeeraan.

Go’aanka Kenya ku hakisey daawadan ayaa yimid ka dib markii baaritaan uu sa meeyey shaybaar ku yaal Nayjeeriya lagu ogaadey in sharoobada Benylin Pediatr icsay ku badan tahay maaddada diethylene glycol oo sida la sheegay sabab u ahayd geerida carruur ugu sumoobay dalalka Ga mbia, Uzbekistan and Kameroon.

Sida uu qoray Wargreyska Nation, Sharoob ada Benylin Pediatricsee Kenya laga istic maalo iyo midda laga mamnuucay dalka Nayjeeriya waxa soo wada saarta shirkad da Johnsons & Johnsons ee fadhigeedu yahay Koonfur Afrika. Waxaana loo isticm aalaa samboorka iyo jirdiidka ku dhaca carruurta ka weyn Lixda sano.

Dr Fred Siyoi oo ah Agaasimaha Guddiga Daawooyinka iyo Walxaha sunta ah, ayaa dadweynaha kula taliyey in ciddii haysata sharoobada ku suntan lambar 329304 ay si deg-deg ah u geeyaan xarunta caafimaad ee ugu dhow.

Wakaaladda Nayjeeriya u qaabilsan Maa mulka Cuntada iyo Daawada (NAFDAC) ayaa Arbacadii shaacisay in baaritan algu sameeyey sharoobada Benylin Paediatric lagu helay kiimikada diethylene glycol heer keedu sarreeyo.

Sida ku cad diiwaanka daawooyinka Uru rka Caafimaadka Adduunka (WHO), Diethy lene glycol asal ahaan waa kiimiko maan dooriye sun ah, waxaana inta badan loo isti cmaaaa dhanka warshadaha, gaar ahaan sameynta rinjiga, khadda iyo saliidda baree gga baabuurta.

Kiimikadan oo dhadhanka birta leh, waxaa laga qaadaa madax xanuun, wareer, kelyo xa nuun, daal badan iyo jirka oo barara.


 


SOMALIA

OGAYSIISKA-CALAAMADA GANACSIGA

_______________________

MUMM

OGAYSIIS WAXAA HALKAN LAGU BIXIYAY in calaamadda ganacsi ee sare ay tahay astaanta ganacsiga:

 

G. H. Mumm & Cie - Société Vinicole de Champagne, Successeur,a French company of 29 Rue du Champ de Mars, 51100 Reims, France

waxaana loo adeegsaday:

 

Cabitaanada nooc walba leh.

 

OGAYSIISKA WAXAA KALE LA

SIINAYAA in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad kasta oo adeegsata calaamadda ganacsiga ee la sheegay ama wax kasta oo ku dayasho ah ama haddii kale ku xad gudubta xuquuqda shirkadda la sheegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip