Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah uga bilowday Nairobi

0
Friday April 12, 2024 - 13:56:15 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo kulan xasaasi ah uga bilowday Nairobi

    Sida ay ogaatay Caasimada Online shir wada-tashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la-dag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay ogaatay Caasimada Online shir wada-tashi ah ayaa magaalada Nairobi uga bilowday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Ujeedka shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa arrimaha dastuurka, xoojinta la-dagaalanka argagixisada iyo sidii is-faham looga gaari lahaa arrimaha masiiriga ah ee dalka. Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu la kulmo xubno kale oo ka tirsan mucaaradka, sida ra'iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre. Inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda qorshaha wax ka bedelka dastuurka ayaa jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya inuu Nairobi kula kulmo siyaasiyiinta diidan qorshihiisa dastuurka, waxaana ugu horeeya Sheekh Shariif oo xalay uu kulan gaar ah la yeeshay. Madaxweynaha ayaa shalay tegay Nairobi, wuxuuna halkaas kula kulmay madaxda ugu sareysa dalka Kenya, safarka Xasan Sheekh ayaa labo geesood ah, wuxuuna ku qotomaa xiisada kala dhaxeysa siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shirar gaar ah oo madaxda Kenya uu la yeelanayo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto. Labada Madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka. Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go'an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip