Xiisadda IRAN iyo ISRAEL oo kasii dareysa – Maxaa cusub?

0
Friday April 12, 2024 - 13:48:53 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda IRAN iyo ISRAEL oo kasii dareysa – Maxaa cusub?

    Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa ku booriyay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa'iil iyo Iran. Iran ayaa ku eedeysay Israa'iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka, Jarmalka iyo Britain ayaa ku booriyay dalalka Bariga Dhexe inay is xakameeyaan, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa Israa'iil iyo Iran. Iran ayaa ku eedeysay Israa'iil weerar cirka ah oo 1-di bishaan April lagu bartilmaameedsaday qunsuliyadda ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda dalka Suuriya. Weerarkaas ayaa lagu dilay Jeneral daraja sare ka hayay ciidanka qalabka sida ee Iran iyo lix kale oo dhammaantood ahaa saraakiil ka tirsan millatariga Iran. Israa'iil weli ma aysan sheegan mas'uuliyadda weerarka, laakin hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa khudbad uu Arbacadi jeediyay ku yiri: "Israel waa in la ciqaabaa waana ay noqon doontaa." Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa dhankiisa sheegay in ay waxyeeleyn doonaan cid kasta oo isku dayda in ay waxyeelleyso. Diyaaradda Lufthansa ee dalka Jarmalka, oo kamid ah laba diyaaradood oo laga leeyahay Galbeedka oo tagi jiray Tehran, ayaa kordhisay hakad ay gelisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda Iran. Ruushka ayaa isna uga digay muwaadiniintiisa in ay u safraan Israa'iil, Lubnaan iyo dhulka Falastiin. Wasiirrada arrimaha dibadda Jarmalka, Ruushka iyo Ingiriiska ayaa ugu baaqay dalalka Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan islamarkaana aysan gobolka u horseedin colaad hor leh. Mareykanka ayaa isna sheegay in qaboojinta xiisadda taagan uu kala hadlay dalalka Turkiga, Shiinaha iyo Sacuudiga.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip