Xogta heshiis dhanka badda oo Ruto uu hordhigay Xasan oo la xiriira xiisadda Itoobiya

0
Friday April 12, 2024 - 13:45:49 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 108
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogta heshiis dhanka badda oo Ruto uu hordhigay Xasan oo la xiriira xiisadda Itoobiya

    Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD. Ujeedka Kenya ee heshiiskan ayaa lagu sheegay si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa shaaciyay in Kenya ay soo jeedisay in heshiis dhinaca badda ah ay galaan dalalka IGAD. Ujeedka Kenya ee heshiiskan ayaa lagu sheegay si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhalatay heshiis u ogolaanaya Itoobiya inay saldhig ciidan ka sameysato badda, islamarkaana ay hesho deked ku taalla xeebaha Somaliland ee Soomaaliya. Itoobiya oo ah dal aan bad laheyn ayaa 1-dii January is-afgaradka la gaartay Somaliland, kaasi oo Somaliland ay ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi. Is-afgaradkan ayaa keenay in Soomaaliya ay si adag uga jawaabto. Korir Singwe oo ah xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in heshiiska ay soo jeedisay Kenya oo la tashanaya Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD uu go'aamin doono sidii dalalka aan badda lahayn ee gobolka ay ku heli karaan dekedo ganacsi. "IGAD waxay awood u leedahay inay diyaariso heshiis lagu wadaagayo kheyraadka badda," ayuu yiri, isaga oo tixraacaya ururka ay ku jiraan dalalka gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii kulan kula qaatay caasimadda Kenya dhiggiisa Kenya William Ruto, kaasoo qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu dhammeeyo khilaafkan. "Waxaan sii wadeynaa in aan la shaqeyno dhammaan dhinacyada anaga oo ujeedadeenu tahay inaan hubinno in gobolku uu ugu dambeyntii si buuxda u helo xasilloon," ayuu yiri Singwe. Wuxuu intaas ku daray in haddii xalka Nairobi la aqbalo, ay Itoobiya siin doonto "helitaanka kheyraadka badda oo xasilloon oo la saadaalin karo" si ay ganacsigeeda u wadato si aan caqabad lahayn, iyadoo sidoo kale ixtiraamaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay darsayaan hindisahaasi, islamarkaana madaxdooda laga codsaday inay ka wada-hadlaan kulanka, si loo sii amba qaado howlaha horyaalla. Sing'oei waxa uu sheegay in waqtigu uu muhiimad gaar ah u lahaa, maadaama Al-Shabaab ay u adeegsan jireen khilaafkan inay dowladda Soomaaliya ku tilmaamaan mid aan awood u lahayn ilaalinta madax-banaanida Soomaaliya.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip