Yuu u xayirnaa qaadka Kenya ee Soomaaliya taga maalmihii lasoo dhaafay?

0
Friday April 12, 2024 - 13:42:35 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuu u xayirnaa qaadka Kenya ee Soomaaliya taga maalmihii lasoo dhaafay?

    Qaadka Kenya ee Soomaaliya taga ee loo yaqaano Miirooga ayaa shalay ka degay garoonka Muqdisho kadib maalmo uu hakad ku jiray. Xayiraadda qaadka ee maalmihii lasoo dhaafay ayaa warar dheeraad ah kasoo baxayaan, ayada oo ganacsatada ka shaqeysata qaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaadka Kenya ee Soomaaliya taga ee loo yaqaano Miirooga ayaa shalay ka degay garoonka Muqdisho kadib maalmo uu hakad ku jiray. Xayiraadda qaadka ee maalmihii lasoo dhaafay ayaa warar dheeraad ah kasoo baxayaan, ayada oo ganacsatada ka shaqeysata qaadka Miirooga qaarkood ay sheegeen inay ka dambeysay lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay. Cabdiwaaxid Barre Macallin oo kamid ah dadka ka shaqeysta qaadka ayaa sheegay in qaadka ay lacago dheeraad ah ku soo rogteen koox uu ku sheegay "magafayaasha qaadka," kuwaasi oo macaash aan caadi aheyn ka sameeya qaadka loo dhoofiyo Soomaaliya. Kooxdan ayuu sheegay inay yihiin kudlad isku xiriirsan, islamarkaana lacagta ay ka qaatan qaadka Miirooga ay ugu dhacdo akoonno gaar ah, waana lacago dheeri ah oo ka baxsan canshuurta, sida uu sheegay Cabdiwaaxid Barre oo kamid ah dadka ka shaqeysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda illaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya. "Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh," ayuu yiri Cabdiwaaxid Barre oo la hadlay BBC. Lacagta ay ganacsatada ka cabanayaan ayaa dhan 4.5 dollar oo laga qaado kiilo kasta oo ah qaadka Miiroowga ee loo dhoofiyo Muqdisho. Isku soo wada duubo, qaadka Miirooga oo maalmo xayirnaa ayaa shalay markii uu ka degay magaalada Muqdisho waxaa lagu kala iibsanayay qiimo aad uga sarreeya midkii hore, taasi oo cabasho xooggan laga muujiyay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip