Madaxweynaha Soomaaliland oo Eedeeyn u Jeediyay Dawlada Soomaaliya .

0
Thursday April 11, 2024 - 19:06:36 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliland oo Eedeeyn u Jeediyay Dawlada Soomaaliya .

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay ka soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland. Madaxweynaha oo Hambalyada Ciidul Fidrtiga la wadaagayay shacabka Hargaysa, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shaba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay ka soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland. Madaxweynaha oo Hambalyada Ciidul Fidrtiga la wadaagayay shacabka Hargaysa, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab ka doorbido Somaliland iyo dowladnimadeeda. Waxa uu ku eedeeyay dowlada Soomaaliya in ay xiriirka u jarto waddankasta oo cilaaqaad fiican la yeeshaSomaliland , isaga oo sheegay in taasi anay ahayn wax u qurux badan dad walaalo ah. Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobeen iyaga oo laba dowladooda Soomaalidii kalena ay noqdeen qaar gaar isu taaga iyo qaar dowlado kale ku biira, ilaa imikana anay Soomaalida kale isku dayin in ay darsaan waxa ay isku hayaan labada dhinac. Ugu dambeeyntiina Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Somaliland anay colaad u haynin cidna, ee kaliya ay rabto shanta Soomaaliyeed oo walaalo ah, oo mid waliba ay dowlad gaar ah tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip