Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas oo duqeyn lagu dilay

0
Thursday April 11, 2024 - 19:03:45 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilal uu dhalay hogaamiyaha Xamaas oo duqeyn lagu dilay

    Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Gaza. Israel ayaa sheegtay in saddexda wiil ee ay bartilmaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Israa'iil ayaa sheegay Arbacadii inay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen marinka Gaza. Israel ayaa sheegtay in saddexda wiil ee ay bartilmaameedsadeen ay ka tirsanaayeen garabka hubaysan ee Xamaas. Weerarka Israa'iil ayaa sidoo kale lagu dilay illaa afar ilmo oo kale oo uu Ismaaciil Haniyah awoowe u yahay, kuwaas oo la socday saddexda wiil ee uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas. Ismaaciil Haniyah, oo ku nool dalka Qatar, ayaa warkani soo gaadhay xilli uu booqanayey, qaar ka mida dadka ku dhaawacmay dagaalka Qaza, kuwaas oo la keenay cusbitaalka Dooxa. Hoggaamiyaha sare ee Xamaas oo la hadlay telefiishanka Al Jazeera ayaa xaqiijiyey geerida ku timi ubadkiisa, isaga oo sheegay inay wiilashiisa shahiideen iyaga oo difaacaya magaalada Qudus iyo masjidka barakaysan ee al Aqsa. Wiilasha Ismaaciil Haniyah ayaa noqonaya, dadka ugu magaca sarreeyey ee ay Israa'iil la xidhiidhinayso Xamaas ee lagu dilay dagaalka socda muddada lixda bilooda. Israa'iil ayaa sheegtay in mid ka mid inamada uu dhalay hoggaamiyaha Xamaas inuu ahaa taliye, halka labada kale ay ahaayeen askar. Illaa haatan ma cadda sida weerarkani u saamaynayo dedaalada la doonayo in heshiis xabbad joojineed lagaga gaadho dagaalka Qaza, kaas oo ay ka odayaynayaan dhexdhexaadiyayaal caalami ahi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip