Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray saraakiisha haweenka ah ee ciidamada

0
Thursday April 11, 2024 - 18:56:23 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Xasan Sheekh oo isugu yeeray saraakiisha haweenka ah ee ciidamada

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la qaatay caawa qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida. Madaxweynah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la qaatay caawa qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay haweenka uu qaabilay ee saraakiisha ah sida nafhurnimada leh oo ay ugu taagan yihiin difaaca dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haweenka kula dardaarmay in fursadda ay heystaan ay ku ilaaliyaan gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa haweenka Soomaaliyeed ku tilmaamay halyeeyo laf-dhabar u ah dowladnimada Soomaaliya. Xasan Sheekh ayaa haweenka ku jira saraakiisha ciidamada qaranka ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka. Si gaar ah wuxuu uga codsaday inay badiyaan dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada, si loogu midoobo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Ciidamada Soomaaliya oo ku jira jihaad Khawaarij la dagaalan ah iyo xaalado adag oo isugu jira halista argagixisada iyo duruufaha dhaqaale ee heysta dowladooda, waxaa ku jira haween badan oo dhexda u xirtay inay naftooda u huraan gobanimada dalkooda. In madaxweyne Xasan Sheekh uu gaar qaabilo haweenka ku jira ciidamada qaranka waa tallaabo muhiim ah uu dhiirigelin u noqoneysa geesiyaashaan halgankii hooyonimo ku daray halgan nafhurnimo oo jihaad ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip