Maxay ciidamada cusub ee Soomaaliya ay dalbatay uga duwan yihiin kuwa ATMIS?

0
Thursday April 11, 2024 - 18:53:27 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 91
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ciidamada cusub ee Soomaaliya ay dalbatay uga duwan yihiin kuwa ATMIS?

    Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa aqbalay, soona dhoweeyey codsi ay gudbisatay dowladda Soomaaliya oo ahaa in la helo ciidamo caalami ah oo beddela kuwa howlgalka ATMIS. Dowladda Federaalka ayaa si gaar ah Midowga Afrikac uga dalbatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa aqbalay, soona dhoweeyey codsi ay gudbisatay dowladda Soomaaliya oo ahaa in la helo ciidamo caalami ah oo beddela kuwa howlgalka ATMIS. Dowladda Federaalka ayaa si gaar ah Midowga Afrikac uga dalbatay inuu hoggaamiyo ciidamo caalami ah oo shaqada kala wareegi doona howlgalka ATMIS marka lasoo gabagabeeyo bisha December ee sanadkan 2024-ka. Haddaba maxay ciidamadan uga duwan yihiin kuwa ATMIS? Aqoonyahan Axmed Kaboole oo ka falanqooda arrimaha amniga ee gobolka ayaa wareysi uu siiyay VOA uga hadlay arrimaha ciidamada, wuxuuna shaaciyay inay ka duwan tihiin kuwa howlgalka ATMIS. Axmed Kaboole ayaa sheegay ciidamadan la filayo in la keeno Soomaaliya ay ka tiro yar yihiin kuwa baxaya ee ATMIS, ayna ilaalin doonaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda. "Tiro ahaan marka la fiiriyo way ka yar yihiin ciidanka ATMIS, waxayna noqon doonaan ciidamo garab siiya ciidamada federaalka ee Soomaaliya ha noqoto inay tababar siiyaan ama xarumaha muhiimka ah ee dowladda in ay sii waardiyeyaan" ayuu wareysigan ku yiri Falanqeeye Axmed Kaboole. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidamadan ay caawin doonaan kuwa dowladda federaalka, isla markaana ay siin doonaan tababar iyo taageero joogta ah. "Howlgalkooda wuxuu noqonaaa caawinaad, ayada oo la dhisayo Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay taageero u siiyaan" ayuu sii raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dhowro xerooyin oo ay banneeyeen ciidamada howlgalka ATIMIS oo dhammaadka sanadkan ka bixin doona dalka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip