PUNTLAND oo war culus kasoo saartay xiisadda kala dhaxeysa DF Soomaaliya

0
Thursday April 11, 2024 - 18:43:53 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    PUNTLAND oo war culus kasoo saartay xiisadda kala dhaxeysa DF Soomaaliya

    Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe aya ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe. Ilyaas Lugatoor ayaa mar kale k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe aya ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda dhexe. Ilyaas Lugatoor ayaa mar kale ku celiyay in Puntland aysan aqbali doonin wax ka beddelka dastuurka dalka oo ay horay u ansixiyeen xildhibaannada labada Gole. "Haddii la beddelo wixii heshiis lagu ahaa waxa ay keeneysaa, Soomaali inay kala tegto, markii ay arrintaas soo baxday Puntland waxa ay qaadatay in aysan ictiraaf siin dastuurkaas la beddelay" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland. Sidoo kale wuxuu eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku dhaliilay inuu kala qaybinayo Ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan ka bixin Soomaaliya, balse ay la shaqeyn doonaan cid kasta oo daneysan dastuurkii lagu heshyay 2012-kii. "Waxaan shacabka u caddeyneynaa in Puntland ay kamid tahay Soomaaliya, aynan ka bixi doonin, waxaan la shaqeyn doonaa cid kasta oo aaminsan dastuurkii 2012" ayuu raaciyay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo horay ay Puntland u diiday wax ka beddelka dastuurka, isla markaana sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay dowladda dhexe. Kadib tallaabadaas ayaa waxaa kasii daray xiisadda labada dhinac oo gaartay meeshii ugu xumayd, waxayna dowladdu qaaday tallaabooyin ka dhan ah Puntland oo ay ugu dambeysay xiridda qunsuliyadda ay dowladda Itoobiya ku leedahay magaalada Garoowe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip