HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 11-4-2024

0
Thursday April 11, 2024 - 09:48:48 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 81
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 11-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CARUURTA SHUHADADA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee kh Maxamuud oo shalay farxadda Mun aasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid caruurta Halyeeyadii ku shahii day dagaalka dalka looga xoreynayo al shabaabta ayaa tilmaamay in dowladdu ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta Ciidamada Qalabka Si da.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gee siyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soo maaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, dowladdooduna aysan marnaba hil maami doonin ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, isaga oo Alle u wey diiyay dhammaan halyeeyadii nafta u hu ray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaa mka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta u badka Shuhadada, sida kartida iyo dha bar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruur tan.

Madaxweynaha JFS oo kumanaan shacab ah salaadda ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Masaaj idka Isbaheysiga Islaamka salaada ciida kula tukaday, mas’uuliyiin ka tirsan dow ladda iyo kumanaan shacab ah oo isa ga kala yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhammaan umma dda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fidriga, shacabka Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad, isagoo ku baaqay in dad ka tabarta yar la garab istaago.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, oo ku howlan xaqiijinta amniga da lka iyo ciribtirka argagixisada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoo be, wasiiro, Xildhibaano ayaa kamid ahaa madaxdii sidoo kale salaadda kula tukaday Isbaheysiga Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey munaasabada Ciidda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Shee kh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaa liyeed iyo guud ahaan ba Shucuubta Islaamka ugu hambalyeey munaasa bada Ciidka.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soo maaliyeed ugu duceeyey Nabad iyo ho rumar waara sidoo kale na kula dar daarmay in ay ilaashadaan Nabadda iyo Xasiloonida dalkooda.

Madaxweynaha ayaa Ugu dambayn u duceeyey Geesiyaasha Qaranka ee kala duwan kuwaas oo guluf dagaal oo miro dhalay la galay al shabaabta kana sifeeyey badi deegaamadii al shabaa btu ku dhuumanaysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dadka Soomaaliyeed balan ayaa ka qaadnay cid aan iyagu dooranin inaan xukumin,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya Mudane Xasan Shee kh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doora shooyinka, ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo dagaalka ka dhanka ah al sha baabta oo guulo wax ku ool ah laga gaa ray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa si gaar ah kaga hadlay muhii madda ay leedahay in talada dalka lagu celiyo shacabka, iyaguna ay doortaan cidda xukumeysa, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka balan qaaday in cid iyagu aan dooranin xukumin.

” Dalka Dimuqraadiyad ayuu aaday, afa rtii Jabter ee ugu horeysay Dastuurka waa la ansixiyay, wanaagii lagu ansix iyeyna dadka Soomaaliyeed waa arka yeen oo daawanayeen, tiradii, qaabka iyo nidaamka loo maray ee lagu ansixi yay, dadka Soomaaliyeed waxaan leeya hay afartaas Jabter ee la ansixiyay hal dabar ayey naga furtay, dadka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ha u diyaargarowbaan, kuwo xun xun haddaan nahay shalay talada jooga, beri loo socdaaye iska keyn dira,dadka Soomaaliyeed balan ayaa ka qaadnay in cid iyagu aan dooranin inaan xukumin, balankaas ayaa qaadnay, balankaas ayaana ku taagan nahay,” ayuu yiri madaxweynaha.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku ad keeyay shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan cidda ra’yiga wanaagsan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u daney neysa, wuxuuna dhanka kale, carabka ku adkeeyay in ay waajib tahay in la ilaa liyo madax bannaanida iyo gobonimada dalka.

Dawlada Soomaaliya oo Codsi u dirtay Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa codsi u gudbisay Midowga Afrika oo ku saabsan hawlgalka ciidamada caalamiga ah ee wixii ku dambeeya bi sha December ee sannadkan.

Codsigan ayaa la xiriira ciidamo caa lami ah oo howlgalka kala wareega cii damada ATMIS oo qorshuhu yahay in howlgalkooda lasoo geba-gebeeyo bis ha December ee 2024.

Dhamaadka sanadkan 2024 ayaa la qorsheeynayaa in Ciidamada ATMIS ee Hawlgalka U jooga Soomaaliya ay gabi’ aahaan dalka isaga baxaan waxaana dawladu ay raadineysaa Ciidankii bedeli lahaa Hawlha Midowga AFrika Soomaa liya ee ATMIS.

RW Xamse oo ku baaqay in dadku ay is caawiyaan Munaasabada Ciidul Fidriga Awgeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya Mu dane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu ham balyeeyey dadka Soomaaliyeed munaa sabadda barakaysan ee Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaa nteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaag san ee Alle ina faray.

Hase’ahaatee ‘ shalay ayaa ah maalin ta koowaad ee Ciidul Fidriga.

Wasiir Daa’uud Aweys "Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Wa xaan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis-Abbaba ku hayso qarannimada Soomaa liya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mu dane Daa’uud Aweys Jaamac sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay ja waab u tahay falalka ka baxsan shuruu cda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhu leed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashi yay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaalad da Wararka Carabta ee (AWP) ayaa in taas ku daray in go’aanka lagu xirayo la bada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudub yada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Fede raalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qun suliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeyna yeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaan shaha Dowladda Federaalka Soomaali ya, balse ay meesha ka baxday shar cigii ay ku shaqeynayeen, isla markaa na ay Dowladda Federaalka go’aansa tay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri "Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caal amiga ah iyo xeerarka diblomaasiya deed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo la gu maamulo, laguna xakameynayo han naanka diblomaasiyadeed ee waaf aqsan heshiisyada caalamiga ah”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaa booyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaa di karo Ethiopia, ayaa yiri "Waxaan di yaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeenna”

Wasiir Daa’uud Aweys waxa uu carra bka ku adkeeyay in xiisadda taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaan ka Addis-Abbaba uu joojiyo hab dhaqan ka mas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysan eyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraam ka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waasiirka ayaa yiri, "Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerar ka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabad da gobolka”. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gu daha ayaa waxay door bideen in ay qaa daan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna kee ni kara.

Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ka cafisay deymihii ay ku laheed

Dowladda UK oo kansashay dham maan deymihii ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Artinkan ayaa yimid kadib kulan mu hiim ah oo ay shalay wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradd a UK ee Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fede ral ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiir kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saa co qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay cafisay dhammaan daybihii ay ku lehe yd Dowladda Soomaaliya 100%.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maal iyadda XFS Mudane Biixi Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaa may tallaabo guul ah oo Soomaaliya u soo hoyatay taas oo daba socota go’aa nkii ay dhawaan gaareen Wadamada ku bohoobay ururka Naadiga Paris, go’aan kaas ayaa dhigayay in Dowladda Soo maaliya ay wadahadalo gaar gaar ah la qaadato dalalka Paris Club, si loo sii dhameystiro cafinta deymaha ay lee yi hiin dalalka qaarkood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xilka u kala Wareejiyay Agaasimaha Cusub Ee NISA iyo Ag-hore

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ay xilka kula kala wareega yeen Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalool she iyo Agaasimihii hore ee hay’adda Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamu ud ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay taliyahii hore ee Nabadsugida Mahad Maxamed Salaad dadaalka iyo horu marka uu ku bixiyay shaqada hay’adda NISA mudadii uu xafiiska joogay.

Wuxuu sidoo kale sheegay Madaxweyn aha dowladda Fedaraalka Soomaaliya in hay’adda NISA ay tahay mid muhii mad weyn u leh qorshaha dalka looga xureynayo kooxda Al-shabaab, islamar kaana ay horsed u aheyd deegaanadii laga xureeyay Al-shabaab.

"Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaq eysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa inaad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhowey sataan. Shaqada noo taala waa dagaalka al shabaabta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaag no” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa sidoo kale kula dardaarmay Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaali yeed inuu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaala.

Ugu dambeyntii madaxweynaha dowlad da Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka ja ray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo qaab casri ah loo dhisay.

Madaxweyne Biixi: Wasiirkii dorraad Gini xidhiidhka u jaray ayaa shalay leh Xamar waan ka go'ayMadaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay cadaawad ay kaga soo horj eedo madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweynaha oo la hadlay qaar kami d ah shacabka Hargaysa kadib salaadii ciida, ayaa dowlada Soomaaliya ku ee deeyay in ay Al Shabaab ka doorbido Somaliland iyo dowladnimadeeda.

"Xamar dadka jooga waxay ku leeyihiin, anaga Shabaabka na qarxihaya ayaa nooga dhow Somaliland oo la ictiraafo, hada waa walaalkay, waakii aan wax u geeyay, waakii aan sharfay, waana ka aan leeyahay walaal aynu kala garbax no" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedee yay in ay xidhiidhka u jarto waddanka sta oo cilaaqaad fiican la yeesha Harga nysa, isaga oo sheegay in taasi anay ah ayn wax u qurux badan dad walaalo ah.

"Wasiirkii dorraad Gini xidhiidhka u ja ray ee waliba sida wayn u faahfaahiyay, ayaa shalay ku leh Xamar waan ka go 'ay oo meesha waxa lagu hayaaba waa qalad, markhaatiga ka wayn waa ayo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobeen iyaga oo laba dowladooda Soomaalidii kalena ay noq deen qaar gaar isu taaga iyo qaar dowla do kale ku biira, ilaa imikana anay Soo maalida kale isku dayin in ay darsaan waxa ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland anay colaad u haynin cidna, ee kali ah ay rabto shanta Soomaa liyeed oo walaalo ah, oo mid waliba ay dowlad gaar ah tahay.

Ganacsatada Qaadka keena Soomaaliya oo shaqo Joojin ku dhawaaqay

Ganacsatada Qaadka ka keenta dalka Kenya ayaa shaqo joojin ku dhawaaqay ka dib markii lagu kordhoyay lacagaha canshuurta ah ee laga qaado.

Ganacsatada Qaadka ayaa tilmaamay in muddo ah toddobaad ah qaadka aa la keeni doonin Soomaaliya.

Arintan ayaa ka dambeysay kaddib go’aan ay ku gaareen inay joojinaayaan qaadka ay u dhoofin jireen Soomaaliya ee Kenya,waxana ay ka banaan baxa yaan lacago canshuur dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay.

Hase ‘ahaayee Madaxweyne Xasan Sheekh , ayaa la filayaa inuu booqdo Kenya lamana oga in wada-hadallo uu la yeelanayo dhiggiisa Kenya lagu soo dari doono Arinta lagu xallinayo can shuurta dheeraadka ah ee la saaray Qaadka oo ah maandooriyaha lacagta ugu badan ay ka sameyso Kenya.

Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya oo qeylo dhaan kasoo saaray weerarada lagu hayo muslimiinta Axmaarada

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujiyay weerarrada ba’an ee lagu beegsanayo dadka muslimiinta ah ee ku nool gobolka Axmaarada. Dhacdooyin naxdin leh oo isugu jira dil arxan darro ah, qaraxyo iyo afduub ayaa shacabka muslimiinta ah ku reebay cabsi sida ay baahiyeen qaar ka mid ah warbhainta gudaha ee Itoopiya

Wararkii ugu dambeeyay ayaa faah faahin ka bixiyay weerar argagax leh oo ka dhacay magaalada Bahir_Dar, halkaasoo salaadii maqrib kadib si naxariis darro ah loogu toogtay dad aan waxba galabsan. Intaa waxaa dheer, dhacdooyin rabshado ah oo ka dhacay magaalooyinka Mota iyo Gonder .

Golaha Sare ee Arimaha Islaamka ee Gobolka Axmaarada ayaa sidoo kale sheegay dhimashada naxdinta leh ee ay ku dhinteen in ka badan 80 qof, iyada oo ay jiraan dad badan oo barakacayaal ah oo loo gaystay dambiyo aad u fool xun.

Golaha Sare ee Arimaha Islaamka ee Gobolka Axmaarada ayaa bayaan kan la mid ah soo saaray maalin ka hor, waxayna sheegeen in ay ku naf waayeen in ka badan 80 qof oo muslimiin ah, tobanaan kun oo qofna ay barakiciyeen, waxaana la soo tabiyay kiisas badan oo afduub iyo dhac ah 8-dii bilood ee la soo dhaafay.

Burcad badeed Awood looga furtay Markab ay qafaasheen

Wakaalladda Boliska Qaranka Haiti’s National Police Agency ayaa sheegtay inay dagaal la galeen Dabley hubaysan, kana soo furteen Markab waday Shixnad Bariis ah.

Iska horimaadka oo socday muddo 5 saacadood ayaa waxaa lagu dilay Tiro ka mid ah Dableydii afduubatay Markabkaasi meel ka baxsan Xeebta Haiti ee Port-au-Prince.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Boliska Haiti ayaa lagu sheegay inay Markabkaasi qafaasheen dabley ka tirsan Kooxaha Burcadda Hubeysan ee lagu kala magacaabo 5 Seconds iyo The Taliban.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa la qafaaahay Markabkaasi oo lagu magacaabo MV MAGALIE, xilli uu ka shiraacday Dekedda Varreux Port.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Burcadda afduubatay markabkaasi ay bililiqeysteen 10,000 oo Loor oo Bariis ah oo ka mid ah 60,000 oo Loor oo saarnaa Markabka oo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Cap-Haitien ee Xeebaha Waqooyi ee Jesiiradda Haiti.

Gaza: Dad kusoo Noqday Goobihii Burburay Ee Khan Younis

kumanaan Falastiiniyiinta ah ee kusoo laabanayaan xaafada Khan Younis, ee Gaza, ayaa muuqaalada burburay ee magaaladooda ay u uqaadan l’ayihiin mid run ah.

Waddooyinka burburay, waxay ku yimadeen baaskiillo, gaari-dameer iyo iyaga oo lugeynaya, iyaga oo raadinaya guryahoodii iyo waxa ka haray .

"Waxa aan aadayaa gurigayga, inkasta oo aan ogahay in uu burburay, waxa aan doonayaa in aan burburka kasoo saaro xitaa hal shaati,” Mohammed Abou Diab ayaa sidaas yiri.

Israa’iil ayaa ciidamadieeda kala baxday koonfurta Qaza, halkaas oo ay kaga hareen hal guuto oo keliya.

Urta dadki dhintay ayaa weli hawada ku jirta, sida ay sheegeen dadka deegaanka, iyadoo meydadku ay weli yaallaan burburka hoostiisa. Baaxadda burburka halkaasi ka jira ayeey aad uga naxeen.

"Burburku aad buu u weyn yahay, dhammaan waxa ay u baahan yihiin in dib loo dhiso, kuma habboona in bini’aadamku ku noolaadaan – xitaa xayawaanka,” Abu Saif Abu Mustafa ayaa sidaasi u sheegay BBC.

"Waxay u egtahay sida in uu dhul gariir ku dhuftay magaalada,” ayu yiri Rashad Khamis al-Najjar oo kasoo jeeda gobolka Khan Younis.

Waa kuma siyaasiga Oromada ah ee la dilay ee meydkiisana laga helay…

Sarkaalka siyaasadda u qaabilsan jabhadda Oromada ee OLF, Bate Urgessa ayey wararku sheegayaan in la dilay, ka dibna meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Meki.

Saaxib ninkaas aad ugu dhawaa oo codsasday in aan magaciisa la sheegin sababo amni dartood ayaa sheegay in Urgessa lagu dilay gurigiisa magaalada Meki ee bariga aagga Shewa ee gobolka Oromia habeen barki 1dii bishan April.

Inkastoo aan la hayn xog la xiriirta dilka sarkaalkaas ka tirsanaa jabhadda xoraynta Oromada, misna sarkaalka u qaabilsan xiriirka dadweynaha, Lemi Gamechu, wuxuu bartiisa Facebook ku qoray "ma rumaysan karo waxa igu dhacay”.

Bate Urgessa waxaa la xiray bishii Febraayo, waxaana la si daayey ka dib markii uu laba usbuuc xirnaa, ayadoo lagu sii daayey damaanad 100,000 oo Birr ah.

Mid ka mid ah dadka aadka ugu dhawaa oo ay BBC la hadashay ayaa sheegay in Bate Urgessa la dilay ka dib marki si khasab looga soo saaray hotel uu ka deganaa magaalada Meki, ayadoo meydkiisana lagu tuuray waddada dhinaceeda.

Wuxuu intaa ku daray inuusan garanayn cidda ka dambaysay dilka siyaasigaas, ayna adag tahay in xog dheeraad ah la helo sababo la xiriira isgaarsiinta oo magaaladaas ka go’an.

Ismaamulka Oromia iyo xukuumadda Federaalka kama aysan hadlin dilka siyaasigaas, madaxa guddiga xuquuqda aadanaha ee Itoobiyana wuxuu ku baaqay baaritaan madax banaan in lagu sameeyo dilka siyaasigaas.

Qof kale oo saaxib la ahaa ayaa isna BBC u sheegay in uu siyaasigaas u safray beer uu ku lahaa Keki, wuxuuna intaa ku daray in ninkaas oo ahaa aabaha afar carruur ah qoyskiisa la wargeliyey, ka dibna xubno qoyska ka tirsan ay aadeen magaalada meydkiisa laga helay.

Kumuu ahaa Bate Urgessa

Bate Urgessa wuxuu ahaa siyaasi dhowr goor loo xiray sababo la xiriira aragtidiisa siyaasadeed. Dhowr todobaad ka hor ayaa isagoo la jooga suxufi Faransiis ah lagu xiray magaalada Caasimadda ee Addis Ababa.

Xilligaas ayuu suxufiga ugu warramayey hotel ku yaalla caasimadda, waxaase la sii daayey laba todobaad kadib.

Xukuumaddu waxay sheegtay in suxufiga oo wax ku qora majalladda "Africa Intelligence” iyo sarkaalkaas OLF ka tirsan labadaba la xiray "sababtoo ah waxay la shaqaynayeen Fano iyo OLF Shene si dagaallo loo huriyo”.

Hore ayaa Bate loo xiray sababo la xiriira xilka sare ee uu hayey iyo dhaqdhaqaaqyadiisa siyaasadeed ee OLF.

Waxaa la xusuustaa in sanooyin sii horreeyey lagu xiray magaalada gobolka Oromada ku taalla ee Burayu, halkaasoo uu muddo dheer ku xirnaa.

Markii la sii daayey Bate Urgessa waxaa ku dhacay xanuuno uu xarigga ka qaaday, ka dib markii uu cuntada ka soomay muddo maalmo ah, isagoo sheegay in xuquuqdiisa aadanaha aan la ixtiraamin oo si xun loola dhaqmay.

Dadaallo ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto booliska magaalada Meki, kuwaasoo la xiriira dilka siyaasigaas ayaan guulaysan sababo la xiriira isgaarsiinta telefoonka oo go’an.

Sidoo kale, isku day ay BBC ku doonaysay inay kula xiriirto xisbiga Oromo Freedom Front ayaan suurto gelin.

Isha: BBC

Antony Blinken: Kubadda waxay dhinac taallaa garsoorka Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Ururka Xamaas ku booriyay inay aqbalaan hindisihii ugu dambeeyay ee dadaalada lagu dhexdhexaadinayo iyaga iyo Israel.

Mareykanka ayaa soo jeediyay hindise ku baaqaya in wejigiisa 1aad la isla qaato xabad joojin muddo lix toddobaad ah lagu hakinayo colaadda Marinka Gaza, Xamaas-na ay sii deyso 40 ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, iyadoo ku bedelaneysa boqolaal ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyada Israel, oo ay ku jiraan kuwo ku xukuman dil iyo xabsi daa'in.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo xalay Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Washington ayaa Xamaas ku booriyay in ay aqbasho hindisaha heshiiska.

"Kubaddu waxay ag taallaa garsoorka Xamaas, adduunkuna wuu eegayaa waxa ay samayn doonto." Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay "Xamaas waa in ay aqbashaa heshiiska xabad joojinta ee lagu sii deynayo qaar ka mid ah la haysteyaasha. Xamaas waxay u baahan tahay inay aqbasho soo jeedinta cusub ee Mareykanka, si ay xabad joojin ugu hesho Gaza."

Wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo Israel iyo Xamaas oo ka socda Magaalada Qaahira, Mareykankuna uu gadaal ka riixayo ayaa looga gol leeyahay in dhinacyadu ay isla qaataan heshiis xabad joojin degdeg ah, isla-markaana ay is dhaafsadaan maxaabiis fara-badan.

Ururka Xamaas ayaa Talaadadii sheegay in Israel aysan buuxin mid ka mid ah shuruudihii ururka, ha yeeshee ay qiimeyn ku samayn doonaan soo jeedintan ay la soo wadaageen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Masar iyo Qatar, isla-markaana ay jabwaabtooda dib ugu celin doonaan Qaahira iyo Doha.

Tel Aviv waxay dhankeeda sheegtay inay daneynayso in la gaaro heshiis maxaabiista la isku weydaarsanayo, balse aanay diyaar u ahayn in ciidamadeeda ay ka baxaan Gaza, dagaalkana ay soo afjarto.

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan ayaa sheegaya in uu la hadlay Raysal Wasaaraha Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, kaasoo u sheegay inaysan weli wax jawaab ah ka helin dhanka Xamaas.

"Waxaan ku cadaadiyay inuu jawaab ka helo Xamaas, sida ugu dhakhsaha badan." Ayuu yiri Jake Sullivan oo Warbaahinta ka soo muuqday.

Si kastaba ha-ahaatee Xamaas ayaa dooneysa heshiis kasta oo lagu xaqiijinayo in si guud loo soo afjaro duqaymaha is daba jooga ah ee Israel, in ciidamadeeda ay ka wada baxaan Marinka Gaza iyo in dadkii la barakaciyay ay dib ugu laabtaan guryahoodii, guud ahaan dhulka sida adag loo go'doomiyay.

Hase yeeshee Washington ayaa qabta in xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay horseedi doonto in si buuxdo loo soo afjaro dagaalka Gaza, maadaama ay wada hadaladu sii socon doonaan.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa Gaza ku haysta ugu yaraan 130 qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku soo qafaasheen weerarkii October 7-deedii.

Itoobiya oo ku biireysa Beesha Bariga Afrika

Wasiirradda Bariga Afrika iyo Horumarin ta Dhulka Egenka ah ee Kenya, Penin ah MalonzaImage caption: Wasiirradda Bariga Afrika iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah ee Kenya, Peninah Malonza

Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay noqoto dalkii 9-aad ee Beesha Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC, taas oo ku soo beegmeysa dhowr bilood ka dib markii Soomaaliya ay si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedkan.

Wasiirka Kenya u qaabilsan Bariga Afri ka iyo Horumarinta Dhulka Egenka ah, Peninah Malonza ayaa warkan ka shee gtay munaasibad cunto gargaar ah lagu qaybinayey oo ka dhacday degmada Kitui ee gobolka Bari.

Ms. Malonza oo sii hadleysa ayaa shaa ca ka qaadday in wadahadallaa u dhex eeya Addis Ababa iyo madaxdaa ugu sarreya dallada EAC ay meel gebogebo ah marayaan, islamarkaana ay Itoobiya ay goor dhow ku soo biireyso Beesha Bartiga Afrika.

Peninah Malonza oo uu soo xigtey Tele fishinka Dowladda Kenya ee KBC intaa s ku dartay in dalalka ku midoobey Bee sha Bariga Afrika ay doonayaan in ay mideeyaan siyaasadahooda ku aadden hirgelinta hannaan maaliyadeed oo qura iyo hay’adihii yagleeli lahaa lacag qura oo dalalkaas yeeshaan.

Beesha Bariga Afrika waxaa ku bahoo bay 8 dal oo kala ah: Burundi, DR Con go, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaana xarun u ahmagaalada Caruusha ee dal ka Tanzaniya.

Inkastoo aan dhanka Itoobiya weli laga hayn wax xaqiijinya jiritaanka xogta ay bixisay wasiirddu, haddana waxaan qar sooneyn in EAC dooneyso in ay isku ballaariso Bariga Afrika, waxayna sidoo kale u gacan haatineysaa dalalka Jibuu ti, Eriteriya iyo Sudan.

Mareykanka iyo Israel oo mar kale qoorta isugu jira

Mareykanka ayaa si adag uga horyimid soo cusbooneysiinta Maamulka Israel ee ku aaddan in ciidamadu ay guluf buuxa ku qaadi doonaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in halis la geliyo nolosha in ka badan 1.4 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo horaan ku barakacay deegaanka Rafah ee dhaca xadka Gaza iyo Masar.

Dadkan oo intooda badan ka soo cararay duqaymaha baahsan ee Israel ka waddo koonfurta iyo bartamaha Gaza ayaa is dulsaar ku ah deegaanka ku yaala cirifka koonfureed ee Marinka Gaza.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa Israel uga digay inay guluf ballaaran ku qaaddo Rafah, oo ah goobtii ugu dambeysay oo shacabka Falastiiniyiinta ay gabaadsanayaan.

"Si cad ayaan ugu sheegnay Israel inaan rumeysanahay in duulaan militari oo buuxa oo lagu qaado Rafah uu saamayn weyn ku yeelan doono dadka rayidka ah iyo inuu ugu dambayntii dhaawici doono ammaanka Israel." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa Israel ku adkeeyay inay ka laabato hawlgalka la qorsheeyay ee ka dhanka ah dhulka ay haatan ku sugan yihiin inta badan dadka reer Gaza.

Hadalka Matthew Miller ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu ku celiyay in Ciidamada Israel ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabayaan deegaanka Rafah ee jiidda koonfureed ee Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in la muddeeyay waqtiga uu bilaabanayo hawlgalka dhinaca dhulka ah ee Xamaas lagaga saarayo sida uu yiri Rafah.

Waxa uu sheegay in hawlgalka dhulka isku raranka ah uu muhiim u yahay burburinta Xoogaga Ururka Xamaas.

"Si aynu Xamaas uga adkaano waxaan u baahanahay inaan weerarno Rafah iyo ciribtirka guutooyinka argagixisada ee ku sugan, wayna dhici doontaa. Waxaa jirta taariikh la muddeeyay oo hawlgalka la fulin doono." Ayuu yiri Netanyahu, inkastoo aanu kala caddayn waqtiga saxda ah ee uu hawlgalku bilaaban doono.

Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya xisbiyada isbahaysiga la ah xukuumaddiisa, kuwaa oo ka dalbanaya inaanan laga tanaasulin weerarka Rafah.

Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit ayaa ku hanjabay in ay taageerada kala laaban doonaan Netanyahu, haddii aanay ciidamadu guluf dhinaca dhulka ah ku qaadin Rafah.

Xukuumadda Netanyahu ayay muhiim u tahay taageerada xisbiyada shuraakada kula ah xukuumaddiisa, oo haddii ay taageerada kala laabtaan ay khasab noqon doonto in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, waana tan uu Netanyahu ka cararayo.

Mareykanka ayaa Israel iyo Xamaas ku cadaadinaya in ay diiradda saaraan wada hadalada dib uga bilowday Magaalada Qaahira, isla-markaana ay gaaraan heshiis xabad joojin degdeg ah, si colaadda Gaza loo soo afjaro.

Israel oo duulaankeeda ku ballaariso Rafah ayaa kordhin karta carrada dadka gobolka iyo kuwa kale ee dunida ee ku aaddan weeraradeeda Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 33 kun oo qof, ku dhawaad 76 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Hoggamiyeyaasha caalamka ayaa si weyn uga horyimid hawlgalka Rafah, si looga fogaado inay cirka isku sii shareerto xiisadda haatan ka jirta Bariga Dhexe, marka aad eegto in duulaankaasi uu soo dedejiyay weerarada Xuuthiyiinta Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xiisadda ka oogan xadka Lubnaan & Israel iyo beegsiga lagu hayo Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka.

38 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku dhintay dooni kula qalibantay meel kuu dhow xeebaha Jabuuti

Ugu yaraan 38 Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ay ku jiraan caruur ayaa ku dhintay kadib markii dooni ay la socdeen ay kula qalibantay meel u dhow xeebaha dalka Jabuuti. Lix qof oo kale ayaa la la’yahay oo loo malaynayo inay dhinteen. Itoobiya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay masiibadan.

Sida uu kusoo waramayo Weriyaha BBC Kalkidan Yibeltal.

Doonta ayaa siday in ka badan lixdan qof oo rakaab ah, waxayna kusii jeedday dalka Yemen, waxayna ku qalibantay meel ku dhow xeebta Godoria ee waqooyi bari dalka Jabuuti. Kaliya 22 ayaa ka badbaaday.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ilaa hadda la helay meydadka 38 qof. Sannad kasta kumannaan tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa isku daya inay gaadhaan dalalka saliidda qaniga ku ah ee bariga dhexe, iyagoo ka talaabaya gacanka cadmeed iyagoo rajo ka qaba inay helaan nolol wanaagsan.

Safaaradda Itoobiya ee Djibouti ayaa ku eedaysay kuwa sida sharcidarada ah wax u tahriibiya inay sabab u yihiin tirada badan ee dhalinyarada ka imanaya miyiga dalkaas ee doorta inay galaan safarro khatar ah.

Xogta laga helay Mashruuca Muhaajiriinta ee Qaramada Midoobay ayaa muujinaysa in ku dhawaad ​​kun qof ay dhinteen tobankii sano ee la soo dhaafay iyagoo isku dayayay wadadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip