Maraykanka oo ka digay Weeraro Qaraxyo ah oo ka dhaca Magaalada Muqdisho

0
Tuesday April 09, 2024 - 11:32:25 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo ka digay Weeraro Qaraxyo ah oo ka dhaca Magaalada Muqdisho

    Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inay heshay xog la xiriirta weerarro ka dhici kara goobo ka mid ah Muqdisho . Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa sheegtay inay heshay xog la xiriirta weerarro ka dhici kara goobo ka mid ah Muqdisho . Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda maanta oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda, waxaana looga digay saraakiisha Mareykanka inay maanta usoo safraan Muqdisho. Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa dhankeeda uga digtay muwaadiniinta Mareykanka inay u safraan Soomaaliya, sababo la xiriira dambiyada; argagixisanimada, kacdoonnada shacabka, arrimaha Maraykanka sheegtay in uu helay xog la xiriirta weerarro ka dhici kara Xarumo ku yaala Muqdisho , oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, dekedda Muqdisho , koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay in weerarrada loo adeegsan karo qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic. Dawladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka dhankooda ma jirto wax digniin ah oo ka soo baxday ee ku aadan digniin Maraykanka uu soo saaray.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip