Burcad badeed Awood looga furtay Markab ay qafaasheen

0
Tuesday April 09, 2024 - 11:29:40 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad badeed Awood looga furtay Markab ay qafaasheen

    Wakaalladda Boliska Qaranka Haiti's National Police Agency ayaa sheegtay inay dagaal la galeen Dabley hubaysan, kana soo furteen Markab waday Shixnad Bariis ah. Iska horimaadka oo socday muddo 5 saacadood ayaa waxaa lagu dilay Tiro ka mid ah Da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakaalladda Boliska Qaranka Haiti's National Police Agency ayaa sheegtay inay dagaal la galeen Dabley hubaysan, kana soo furteen Markab waday Shixnad Bariis ah. Iska horimaadka oo socday muddo 5 saacadood ayaa waxaa lagu dilay Tiro ka mid ah Dableydii afduubatay Markabkaasi meel ka baxsan Xeebta Haiti ee Port-au-Prince. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Boliska Haiti ayaa lagu sheegay inay Markabkaasi qafaasheen dabley ka tirsan Kooxaha Burcadda Hubeysan ee lagu kala magacaabo 5 Seconds iyo The Taliban. Khamiistii la soo dhaafay ayaa la qafaaahay Markabkaasi oo lagu magacaabo MV MAGALIE, xilli uu ka shiraacday Dekedda Varreux Port. Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in Burcadda afduubatay markabkaasi ay bililiqeysteen 10,000 oo Loor oo Bariis ah oo ka mid ah 60,000 oo Loor oo saarnaa Markabka oo ku sii jeeday Dekedda magaalladda Cap-Haitien ee Xeebaha Waqooyi ee Jesiiradda Haiti.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip