HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 9-4-2024

0
Tuesday April 09, 2024 - 07:44:14 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 9-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Mahad Salaad oo Xarunta NISA kusoo dhaweeyay Taliyaha Cusub ee Hay’adda

Taliyaha Xilka ka dagaya ee Hay’ad da Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaran ka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa shalay xarunta dhexe ee NISA ku soo dhoweeyay Taliyaha cusub Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalool she).

Labada Taliye ayaa kormeer ku Same eyay dhammaan xarumaha kala duwan ee NISA iyaga oo u kuurgalay shaqoo yinka ka socda sidoo kalana la kulmay saraakiisha iyo hawlwadeennada.

Maalinta berri ah ayaa la qorsheyna yaa in ay dhacdo munaasabad uu xilka kula wareegayo Taliyaha cusub ee NI SA Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira daadad iyo fatahaado ka dhalan kara Roobka Guga

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale shalay ku celisay in Roobka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha shee geyso uu wato daadad iyo fatahaado, dhankeeda ay wado dedaallo arintaas looga gaashaamanayo, iyada oo xustay in daadadkan iyo fatahaadahan laga cabsi qabo in ay sameen ku yeshaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.

Mareeyaha xarunta Qaran ee SoDMA Xasan cabdulqaadir ciise ayaa sheegay in ay diyariyeen ka hay’add ahaan 51 Domood oo hadii ay dhacaan fatahaa daha iyo daadadka dadka loogu badbaa diyo, sidoo kale waxa uu sheegay in geeyeen jawaano farabadan magaaloo yin ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirsha beelle iyo jubbaland si Wabbiga iyo goo baha biyo mareenada ah meelaha ay ka jilicsan yihiin loogu adkeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Md Maxamuud Macallim Cabd ulle ayaa dhankiisa shacabka ugu baa qay in ay baneeyaan goobaha biyo ma reenada ah,hareeraha wabbiyada, sha cabkaan looga bahanyahay in ay taxa daran oo fariimaha hay’adda ay si dhaw ula socdaan.

DFS oo maamulka SSC-Khaatumo ku wareejisay Gaari qalabeysan oo naaca gargaarka degdega ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Fe deraalka Soomaaliya H.E Dr. Cali Xaaji Haji Aden ayaa Gaari qalabeysan oo naaca gargaarka deg dega ah (ambu lance) ku wareejiyey Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar Faahiye oo ka wakiil ah Isbitaalka Casuura ee deegaanka Ya goori ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa shee gey in Gaarigan qalabaysan uu wax wa yn ka tari doono qeybta Caafimaadka deegaanka Yagoori ee maamulka SSC-Khaatuma, isagoona sidoo kale tilmaa mey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankeeda Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar ayaa ka mahadcelisey Gaadiid ka lagu wareejiyey waxa ayna tilmaam tey in loogu adeegi doona dadka dee gaanka yagoori iyo deegaanada ku xee ran si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada ku nool deegaanadaasi.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryee lka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qa bashada baahiyaha Caafimaad ee ka ji ra Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaran ka.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo gabagabeeyay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa shalay si rasmi ah u soo gaba gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 32 degmo oo ka kala tir san gobollada dalka.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay xiritaa nkii tartankaasi ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaari nta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warb aahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaash aday taabagelinta tartanka.

sidoo kale waxa uu Agaasimuhu hamb alyo u diray tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tarta maayey”ayuu yiri C/Laahi Xayir Ducaa;e.

Dhinaca kale Degmada Laascaanod ayaa shalay ku guuleysatay tartan cilmiy eedka bisha Ramadaan ee ay qaban-qaabiyeen Warbaahinta Qaranka,kadib kolkii kulan adag ay la yeesheen Degm ada Xamarweyne.

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qara nka waxaa mudadii uu socday maalgali yay ama qaban-qaabadiisa lahaa Maa mulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Tirada dadka u dhintay cudurka daacuunka gudaha Soomaaliya oo gaartay 60 qof

Ugu yaraan 60 qof ayaa gudaha Soo maaliya ugu geeriyooday cudurka daa cuun caloolaha saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay haya’d da Qaramada Midoobay ee UNICEF.

Wadar ahaan 4,956 kiis oo cudurka daacuunka ah ayaa la diiwaan galiyay muddadaas, iyadoo 60 kamid ah ay u dhinteen cudurka sida ay hay’adda Uni cef ku sheegtay warbixinteedii ugu dam beysay ee ay magaalada Muqdisho ka soo saartay.

Kiisaska la diiwaan galiyay ayaa 2,50 3 kamid ah waxay ahaayeen dumar, taa soo hoosta ka xariiqaysa sida ay dumar ku ugu nugul yihiin daacuunka.

Sida laga soo xigtay WHO, tirada kiis aska la soo sheegay sanadkan ayaa sa ddex jeer ka badan tirada saddexdii sa no ee la soo dhaafay.

Hay'adda caafimaadka adduunka wa xay kaloo sheegtay in 2,940 xaaladood ay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay shan sano jir.

Daacuunka ayaa la aaminsan yahay in uu ka dhashay daadadkii El Nino dha maadkii sanadkii 2023, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 118 qof, halka 1.2 milyan qofna ay ku barakaceen.

Ciidanka Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo weerar culus ka fuliyay deegaan Al-shabaab ka taliso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxa ya howlgal qorsheysnaa oo shalay saqdii dhexe ciidanka Macawiisleeyda beesha Xawaadle ka fuliyeen deeganada Jici boow Galbeed oo ka mid ah deegaa nada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ciidamada Macwiisleyda ay ka fuliyeen deegaanka Jiciboow Gal beed oo ay fariisimo ku lahayeen koox da Al-shabaab ayaa yimid kadib markii ciidanka Macwiisleeyda weerar uga gud been wabiga Shabeelle ee kala qeybiya Bariga iyo Galbeedka.

Dagaal fool ka fool ah oo saacado qaa tay ayaana ku dhexmaray deegaanka Ji cibow Galbeed ciidanka Macawiisleey da iyo kuwa kooxda Al-shabaab, waxaa na dagaalkaas guulo waa weyn ka shee gtay ciidanka Macawiisleeyda Xawaadle.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleey da oo la hadalay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay iney cagta mariyeen sal dhiggii ay deegaankaas ku laheyd koox da, islamarkaana weerarka ay ku dileen 11 xubnood oo ka mid ah Al-shabaab

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka weerarka ku qaaday kooxda Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay weerarka ay qeyb ka ahayeen diyaaradaha dagaalka oo duqeymo culus kula eegtay deegaa nka Helobanaan xubno gurmad u ahaa kooxda Shabaab.

Weerarkaan ciidanka Macawiisleeyda ay ku qaadeen shalay kooxda Al-sha baab ayaa ah mid noociisa horay u gey san jireen maleeshiyada Al-shabaab, ha yeeshee waxa uu muujinayaa weerar kaan dhiiranaanta ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-shabaab.

Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

Beeraleyda qaadka ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in muddo 7 maal mood ah ay hakiyeen dhoofinta Qaad ka ee Soomaaliya.

Go'aankan ayaa waxay ku sheegeen inay uga jawaabayaan caqabadaha soo wajaha beeralayda qaadka ee dalka Ke nya, kuwaas oo tilmaamay inay walaac ka muujinayaan qiimaha lagu canshuu ro qaadka ay u iibgeeyaan Soomaaliya.

Beeralayda Qaadka ayaa dalbaday in wax laga qabto walaaca ay muujinaya an, iyagoo ugu baaqay masuuliyiinta Kenya in ay wax ka qabtaan cabasha dooda.

Waxay sheegeen lacag dhan 80,000 oo ah lacagta shilinka Kenya ah in loo ga qaado garoomada diyaaradaha.

Bishii July 2022, Soomaaliya ayaa ogo laatay in dib loo bilaabo dhoofinta Miiro wga ee Kenya. Go’aankan ayaa lagu gaaray kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheikh iyo dhiggiisa madaxweyni hii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Al-shabaab isku aruursanaayay Koonfurta gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya magaalada Xa rardheere ee gobolka Mudug ayaa shee gaya in duqeymo culus ka fuliyeen diya aradaha dagaalka deegaanka Baraag Garguurte oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Xarardheere.

Deegaanka diyaaradahu ka fuliyeen duqeynta ee Baraag Garguurte ayaa qi yaastii ahaan 20 KM u jira degmada Xar ardheere ee dhacda Koonfurta Gobolka Mudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlad da Fedaraalka ayaa sheegay in duqeyn ta lala eegtay goobo ay isku aruursana yeen maalmahii lasoo dhaafay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku taala deegaan kaas, islamarkaana duqeynta jab xoo gan lagu gaarsiiyay kooxda loogana gu bay ilaa sadax gaari.

"Alshabaabta ayaa maalmahan degaa nkaasi kusoo gurayay gaadiid dagaal, iyo maleeshiyaad fara badan waxaana xiliga duqeeymaaha la la beegsaday halkaa ku sugnaa gadiid dagaal iyo xub no ka tirsan Argagixisada gadiidka khaw aarijta laga gubay ayaa gaaraya sadax gaari"ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fed araalka laguma faahfaahin khasaare in taas ka badan oo ka dhashay duqeynta, hayeshee waxaa lagu sheegay in jabka khasaaraha gaaray kooxda Al-shabaab in dib laga soo faahfaahin doonto.

Duqeyntaan ka dhacday Baraag Gar guurte ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo deegaanada ku yaala Koonfurta gobol ka Mudug intooda badan ay gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo halkaas ka abaabula weerarada ay ka geystaan deegaanada kale ee gobolka Mudug.

Saddex qof oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay koonfurta Sudan

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhin tay shan kalena waa ay ku dhaawac meen kaddib markii kolonyo ay la soc deen ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamada Koonfurta Suudaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

Nyinkwany Aguer Bol, oo ah sii hayaha xilka wasiirka warfaafinta ee aagga gaa rka ah ee Abyei, ayaa ku tilmaamay weerarka, oo Axadii ka dhacay Agok, "is ku day dil” oo lala beegsaday saraakiil muhiim ah oo ka tirsan xukuumadda Abyei.

Waxaa kolonyada la socday Wasiirka Dowladda Hoose iyo Hay’adaha Sharci-fulinta, iyo Guddoomiyaha Gobolka Rum-Ameer.

Ciidanka Koonfurta Suudaan kama ay san jawaabin codsigii BBC-da ee ahaa in ay faallo ka bixiyaan.

Koox fanaaniin ah oo loo xiray inay 'aflagaado' Museveni

Siddeed xubnood oo ka tirsan koox fa needka Uganda ayaa xabsiga loo taxaa bay ka dib markii ay ka cawdeen khudb addii madaxweynaha ee usbuuca dha maadkii in ay ahayd mid aad u dheer, si da ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

Cabashada ka soo yeertay mid ka mid ah kooxda fanka ayaa loo arkayay mid lagu bahdilayo Madaxweyne Yoweri Mu seveni, oo ka hadlayay xafladdii 50-aad ee arooska ee Ra’iisul Wasaarihii hore Amama Mbabazi iyo xaaskiisa Jacqueli ne Mbabazi habeenkii Sabtida.

Xubnaha kooxda fannaanka Crane-ka ay aa ku hadlayay luuqada maxaliga ah ee Runyankole, sida laga soo xigtay ilo amni, shabakada wararka ee Raadiya ha Uganda ee sida gaarka ah loo lee yahay ayaa sheegtay.

Xubnaha kooxda ayaa lagu eedeeyay in ay yiraahdeen "Rutabandana Watur usya Rugahamuzindaro", oo si dabac san u tarjumeysa "In ka badan afhayee nka, waan daalanahay, ka tag makara foonka", warbixintu waxay raacisay.

Jarmalka oo maxkamadda ICJ loo soo taagey taageerada Israa'iil

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaal adda ayaa shalay u fariisaneysa dhege ysiga dacwad ka dhan ah Jarmalka, taa s oo la xiriirta taageerada u la garab-ist aagey Israa’iil.



Dacwaddan oo uu soo gudbiyey dalka Nicaragua ee ku yaal Bartamaha Amee rika, ayaa Jarmalka u haysata in uu meel uga dhacay Axdiga Xasuuqa, ka dib markii dalkaasi hub u diray Isra’il, is lamarkaana uu taageeradii dhaqaale ka jaray hay’adda QM ee u xilsaaran kaal mada Falastiiniyiinta ee UNRWA. Jarma lka wuu dafiray eedaha loo jeediyey.

Gal dacweedka ka furan maxkamadda ICJ ee fahigeedu yahay Hague, ayaa kaabeysa mid kale oo ay Koonfur Afrika soo oogtey, taas oo Isra’il u ku eedee yey in ay xasuuq ka geysatay Qasa, bal se eeddaas Israa’iil ay si kulul u beeni sey.

Cameron oo ka hadlay la haystayaasha ay Xamaas haysato

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK a yaa soo dhigay muuqaal uu ku muujina yo 6-da bilood ee dagaalka Israel iyo Gaza, wuxuuna ku celceliyay in Xama as ay sii deyso "mid kasta” oo ka mid ah dadka ay gacanta ku hayso.

Lord David Cameron ayaa dib u xasuu stay la kulanka xubnaha qoyska ee la haystayaal badan, wuxuuna yiri, "Wa xay muujinayaan geesinimo aan la ru maysan karin iyagoo ku jiro duruufaha ugu adag ee aan la qiyaasi karin".

"Waa wax ka baxsan bini'aadantini mada in la sii dheereeyo xanuunka," ay uu raaciyay.

Goor sii horreysay, Cameron waxa uu ku adkaystay in taageerada UK ay siiso Israa’iil "aan ahayn shuruud la’aan”, maalmo ka dib markii duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku dishay 7 ka mid ah sha qaalaha gargaarka ee Gaza.

Koonfur Afrika:Iskuullada Western Cape oo albaabada loo xiray

Iskuullada ayaa albaabada loo laabay qeybo ka mid ah gobolka Western Cape ee dalka Koonfur Afrika oo ay ku jirto magaalada Cape Town, kadib markii ay dabeylo xooggan ka geysteen gobolkaa si dhamaadkii todobaadka.

Xiritaanku wuxuu saameeyaa iskuula da Cape Winelands iyo degmooyinka waxbarashada Overberg, iyo sidoo kale aagga dooxada Helderberg, sida ay sheegeen maamulka waxbarashadu wa xay Axadii.

"Ma aanan qaadan go'aanka ah in aan si fudud u xirno dugsiyadan: waxaan taa s u sameynay taxadar badan si aan u ilaalino ardaydayada iyo shaqaalaha dugsiga. ayuu yiri Wasiirka waxbarasha da

Benjamin Netanyahu oo cadaadis lagu saarayo in uu weeraro Rafah

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya xukuumaddiisa isbaheysiga ah si uusan uga tagin qorshaha weerarka Rafah ee koonfurta Gaza.

Wasiirka amniga qaranka midigta fog ee Israa'iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa uga di gay Mr Netanyahu in uu ka la laaban doono taageerada haddii aanu weerar ku dhicin. Hadalkiisa ayaa daba socda ka bixitaanka ciidamada Israa’iil qaar kood ee koonfurta Gaza, taasoo wasiir ka gaashaandhigga Israa’iil uu sheegay inay u ogolaanayso inay dib isu abaabu laan.

In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah ayaa gabaad ka dhigtay magaalada Rafah, xulafada Israel oo uu ku jiro Ma reykanka ayaa muujiyay sida ay uga soo horjeedaan weerarka lagu qaaday magaalada, iyagoo ka digaya masiibo bi ni’aadantinimo.

Dad ku indho-beelay kaadi ay ku fool dhaqdeen

Dad kaadi ku waji dhaqday oo indho beelayImage caption: Dad kaadi ku waji dhaqday oo indho beelay

Dhowr iyo toban qof ayaa indho-beelay ka dib markii ay isku dayeen in ay iska daaweeyaan cudurka daafka oo ka dil laacay dalka Mozambique.

Sida laga soo xigtey Dr. Sândia Sum bane ka tirsan qaybta indhaha Isbitaal ka Dhexe ee magaalada Nampula oo ku taal waqooyiga Mozambique, dadkaan ayaa eersaday kaadi iyo gaas ay ku fool dhaqdeen si ayula tacaalaan daaf faro-kulul ku hayayey.

Dr. Sumbane oo uu soo xigtey Telefi shin madaxbannaan oo la yiraado STV, dadka daafka qabay ayaa indhahoodi ku waayey talooyin aan cilmi ku dhisne yn oo ay ka qaateen dd caamo ah, hal kii ay raadsan lahaayeen dhakhaatiir daaweynta indha aqoon u leh.

Sândia Sumbane oo ka hawlgasha Hospital Central de Nampula (HCN), ay aa sheegtay in magaalada Nampula oo qura 11 qof lagu sameeyey qalliin indha looga saaray, ugu yaraan labo kalena ay sugayaan.

Dhakhtaradda ayaa ugu dambeyn dad weynaha uga digtey khatarta ka dhalan karta haddii dadku daawo ka raadiyaan meel aysan jirin, taas oo ay ku waayi karaan xubnaha nugul ee jirka, sida in dhaha.

Cudurka daafka ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay si safmareen ah ugu fidayey qaark ka mid ah dalalka dhaca bariga iyo koonfurta bari ee qaaradda Af rika.

Dal Muslimiintii uu cinqaabi jirey hadda miciin biday

Do wladda Myanmar oo askareyneysa Muslimiinta Rohingya

BBC-da ayaa waxay ogaatey in boqoll aal ka tirsan bulshada Muslimiinta Myan mar ee Rohingya askareynayo si ay ugu biiraan ciidamada dowladda oo khasaa re ka soo gaarey dagaalka ay kula ji raan kooxo fallaago ah.

Muslimiinta Rohingya ayaa horay loo gu diidey dhalashada dalkaas, waxaana 2017 loo geystey wax Qaramada Mi doobey ku micneysay isir-sifeyn iyo ta caddiyo kale oo uu maleegay taliska mil itari ee dalkaas haysta.

Laakiin taliska Myanmar ayaa ka dib markii uu jab kala kulmay dagaalka uu kula jiro kooxo fallaago ah, wuxuu miciin biday dadkii dhowr sano ka hor loo quu ri waayey xaquuqda muwaadinimo, isla markaana dhulkoodi khasab looga bara kiciyey.

Qaar ka mid ah bulshada Rohingya oo BBC-da la hadlay ayaa u sheegay welwelka ay ka qabaan in dowladdu u a deegsato xaabo lagu shido dagaal ay san shaqo ku lahayn.

Dhakhaatiirta Kenya oo ku gacan seyray codsigii madaxweynaha ee ahaa in la joojiyo shaqo joojinta

Dhakhaatiirta Kenya ee ka howlgala cisbitaalada guud ayaa wacad ku maray in aysan dib ugu laaban doonin shaqa da inkastoo madaxweyne William Ruto uu ka codsaday in la joojiyo shaqo joojin todobaadyo qaadatay oo caqabad ku noqotay adeegyada caafimaadka ee dal ka.

Ururka Dhakhaatiirta, Farmashiyeyaa sha iyo Ururka Dhakhaatiirta Ilkaha ee Kenya (KMPDU) ayaa 14-kii bishii Maar so ku dhaqaaqay shaqo joojin ay ku sheegeen in aan la bixin mushaaraadkii ka haray, dowladda oo dib u dhigtay in la geeyo tababarayaal caafimaad iyo ca bashooyin kale.

Warka farxadda leh ee ay heshay shirk adda Samsung iyo is bedelka lama filaa nka ah ee kuyimid

Shirkadda Samsung ayaa ku dhawaa qday inay rajaynayso faa'iidadeeda sad dexdii bilood ee ugu horreeysay sanad kan 2024-ka inay kor u kacdo in ka ba dan 10 jeer, marka la barbar dhigo san nadkii hore.

Tani waxay imaanaysaa iyadoo iyadoo shirkaddu ay kasoo kabsaneyso hoos u dhacii ka dhashay masiibada, iyo baahi da qalabka la xiriira sirdoonka macmal ah oo kor u kacday.

Shirkadda Samsung oo fadhigeedu yahay dalka Kuuriyada Koonfureed ay aa ah shirkadda ugu weyn ee samaysa qalabka kaydka xusuusta, telefoonnada casriga ah iyo telefishinnada adduunka laga isticmaalo.

Shirkadda ayaa loo qorsheeyay inay soo saarto warbixin maaliyadeed oo faa hfaahsan 30-ka Abriil.

Shirkadda weyn ee tignoolajiyadeed ayaa ku qiyaastay in faa'iidada shaqad eeda ay kor u kacday 6.6 trillion oo ay ku guuleystay ($ 4.9 bilyan) 2023-kii. Ta ni waxay dhaaftay filashooyinka falan qeeyayaasha qiyaastii 5.7 boqolkiiba. Hal tirilyan ayaa ah dheeraad marka loo eego intii la filayay.

Faa'iidadeeda ayaa la filayaa in lagu kordhiyo soo kabashada qiimaha alaa baha qaar ee suuqyada caalamiga ah, kadib hoos u dhac weyn oo ku yimid sannadkii hore.

Waxa lagu qiyaasaa in qiimaha kaydiy eyaasha xasuusaha ee adduunka uu kor u kacay ilaa shan meelood meel san nadkii hore.

Qaybta soo saarka kaydiyeyaasha ee Samsung inta badan waa isha dakhliga ugu weyn ee shirkadda.

Maxay tahay sirta ay saynisyahannadu ka dhex goobayaan qorrax-madoobaa dka la sheegay inuu berri dhici doono?

Baahida qalabkan ayaa sidoo kale la fil ayaa inay sii ahaato mid xooggan sanad kan, taas oo ay ugu wacan tahay kobcin ta tignoolajiyada sirdoonka macmalka ah.

Dhulgariirkii ku dhuftay Taiwan 3-dii Ab riil ayaa yarayn kara qalabka qaar ee ad duunka, taasoo u oggolaan karta Sam sung inay sare u qaaddo qiimaha.

Taiwan waxay hoy u tahay dhowr shirk adood oo waaweyn oo soo saara qaybo kamid ah qalabka kaydinta, oo ay ku jir aan TSMC alaab-qeybiyaha Apple iyo NVIDIA.

Halka TSMC ay sheegtay in dhulgarii rku uusan saameyn weyn ku yeelan wa x soo-saarkeeda, haddana waxaa jirta in howleheeda ay ku yimaadeen carqa lado aan badneyn oo uu sababay dhul gariirka.

Samsung ayaa sidoo kale la filayaa in ay faa’iido badan ka hesho iibka taleefa nnadeeda casriga ah ee cusub ee Gala xy S24, kaas oo la soo bandhigay bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Qalabka ay shirkaddu ka hesho dakh liga ugu badan

Dalka Taiwan ayaa Arbacadii waxaa ka dhacay dhul gariir cabbirkiisu dhan yahay 7.4, waana dhulgariirkii ugu xoog ganaa muddo 25 sano ah.

Dhismayaasha ku yaalla caasimadda Taipei iyo nawaaxigeeda ayaa si xoog gan u ruxmay, waxaana laga cabsi qa baa in tirada waxyeelladu ay badan tahay, gaar ahaan magaalada Hualien, oo u dhow xuddunta.

Qalabka kaydinta ee horumarsan waxa loo adeegsadaa in lagu xoojiyo kombu yuutarrada waaweyn, qalabka sirdoon ka macmalka ah iyo qalabka milatariga.

Mareykanka ayaa doonaya in uu xad dido awoodda Shiinaha uu ku heli karo qalabkan elektaroonigga ah, kuwaas oo loo arko in ay yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah dhammaan aaladaha elegta rooniga ah, laga bilaabo taleefannada casriga ah ilaa hubka iyo qalabka milita riga.

Bishii Oktoobar 2022-kii, Washington waxay ku dhawaaqday qaar ka mid ah xayiraadaha dhoofinta ee ugu ballaaran, taasoo ka dhigaysa shirkadaha doona ya inay u dhoofiyaan Shiinaha in looga baahan yahay inay helaan shatiga dhoo finta.

Xayiraadaha waxaa ka mid ahaa qalab kan muhiimka ah, iyadoo la isticmaala yo qalabka kombuyuutarka Mareykanka ama software oo aan loo eegin ama la ogaan Karin meesha adduunka looga isticmaalay.

Xayiraadaha ayaa sidoo kale ka hortag aya muwaadiniinta Mareykanka iyo dad ka haysta kaarka cagaaran inay u sha qeeyaan qaar ka mid ah shirkadaha Shiinaha. Dadka haysta kaarka cagaa ran waa deganeyaal rasmi ah oo Maray kan ah waxayna xaq u leeyihiin inay ka shaqeeyaan dalka.

Maxaad kala socotaa Qorrax-madoobaadka shalay socda?

Malaayiin qof oo ku kala nool dalalka Maksiko, Maraykanka iyo Kanada ayaa heegan ugu jira daawashada qorrax-ma doobaad guud oo hareynaya Waqooyi ga Ameerika talaadota shalay ah.

Dayax-madoobaadka nuucaan ah oo ah mid dhif iyo naadir ah ayaa jeexaya dhabbe dhuuban oo mugdi ah, kaas oo ku dherersan bad-ka-bad (Atlantic-Paci fc).

 

Dadka ku nool marinka qorraxdu ku so coto inta ay qarsoon tahay ayaa waxay haystaan fursad ay ku arkaan qorraxdii oo isku beddeshey goobaabin madow oo cirifyada un ka ifeysa.

Hooska qorrax-madoobaadka ayaa ka biillaabanaya badda Pacific ka hor inta uusan dhulka ka cga dhigan ee dalka Meksiko.

Maadama qorraxdu ku ordeyso xawaa re dheereeya, hooska cadceedda ma dow waxay saacaddiiba jareysaa misaa fo dhan 15 kun oo kiilo mitir.

Muddada mugdiga lagu jirayana waxay ku xirannaan doontaa hadba sida aad ugu beegan tahay bartamaha diillinta qo ran ee ay qorraxdu ku goosheyso inta ay madowdahay.

Dadka muddada ugu dheer qorraxdu ka maqnaan doontaa waa kuwa qorrax madoobaadku dhakadooda ku aaden yahay oo mugdi ku jiraya 4 daqiiqo iyo 28 ilbiriqsi.

Qorrax-madoobaadku waa kala duwan yahay, waxaase ugu xiiso badan kan aan ka hadleyno oo Total Solar eclipse, kaas oo dhaca marka dayaxu si buuxda ugu beegmo marinka qorraxdu ku soco to.

Wakhtigaas ay bisha iyo cadceeddu is ku aadden yihiin ee ayaana qorrax-ma doobaad dhacaa.


'Tukaankeyga oo aan si fiican u camiray ayaan habeenkii ka tagay, subixiina waxa aan u imid dambas kaliya' - Bakaaraha

Khasaare kala duwan ayaa ka dha shay dab ka kacay suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabkan oo ka billowday qaybta bagaa shka lagu iibiyo ee u dhexeysa qaybta loo yaqaano Dahablaha iyo Khaliifa a yaa si dakhso leh ugu faafay dhul baa xad leh, halkaas oo ay ku hanti beeleen dad u badan ganacsatada dharka iyo ka baha iibiya.

Illa hadda lama shaacin sababta ka da mbeysey dabkan oo ah kii labaad oo ka kaca suuqa ugu weyn dalka muddo bil gudaheed ah, hase yeeshee ganacsata da qaar ayaa sheegay in dabku ay koro nto dhalisay.

Tobanaan ganacsato ah ayaa ku hanti belay dabka iyadoo ay ahayd xilli uu suuqu aad u mashquul badanyahay loo na diyaar garoobayay munaasabadda ciidul fidriga oo maalmo qura ay ka dhi manaayeen.

Mid kamid ah ganacsatada oo lagu magacaabo Cali Aaryo ayaa ku waayay carwo uu lahaa oo uu ku iibinayay dhar ka dumarka laguna magacaabi jiray ‘Ca rwo Cali Aariyo’, iyadoo ay tahay markii labaad ee ay sidan oo kale carwo uga gubato.

Hadal uu Cali kusoo qoray baraha bul shada ayaa noqday mid saameyn ba dan yeeshay kaas oo la isla wadaaga. Waxa uu yiri, "Maalin kaleba yeelkeede, maanata kursiga aan ku fadhiyo shaqo kumahayo, micnha meeshu waa faaruq alxamdulih Alxamdulih Alxamdulih Alle ayaa igaqatay wana kuqancsanahay”.

Intaa kadib, Cali oo BBC-da la hadlay ayaa yiri, "Aniga waa markii labaad ee ay dhibaatadan igu dhacdo waliba aan ku waayo hanti badan, laakiin ma niyad jebi doono oo shaqadeydi waxan rajey nayaa in aan meesheedii kasii bilaabo” ayuu yiri Cali Aaryo.

"Waxa habeenkii siddeed saac iyo bar habeennimo (2:30-am) kasoo tagay car wada, shaqadu waxa ay u socotay si qu rux badan, suuqa oo dhan waa uu wada iftiimayay, hase yeeshee subixii waxa aan u imid dambas iyo dukaamadii oo aan lakala garaneyn”, ayuu sii raaciyay Cali.

Warka farxadda leh ee ay heshay shir kadda Samsung iyo is bedelka lama fil aanka ah ee kuyimid

Cali waxaa kale oo uu murugo ku tilma amay in gubashadan ay kusoo beegan tahay xilli loo diyaar garoobayo munaasi badda ciidda isla markaana ay tahay wa khtiga ugu badan ee ay ganacsatu ku xisaabtamaan ganacsiga ugu xooggan.

"Qadarta waan ku qanacsanahay, laa kiin waxa saameynta ugu badan igu ree bay ayaa waxa ay tahay in xilli aan duk aankii soo buuxiyay isla markaana ay cii dda soo dhawdahay uu dhibku dhacay, waa xilli lacagteennii oo dhan aan car wada gelinnay, haddana qadar ilaahay ayaa dhacay Alxamulillaah”, ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in dabka uu ku waa yay in kabadan lixdan kun oo dollar (60 $), walibana saameynta dabka ka dha ca suuqa bakaaraha ay soo daba soco tay ilaa 2017-kii oo ay carwadiisii hore ka gubatay.

Cali waxa uu sheegay in xilliga uu dab ku kacayay uu suuqa ka maqnaa, markii uu yimidna uu maqlay in dabku ay koro nto dhalisay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuu suf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo boo qasho ku tagay suuqa bakaaraha dhowr habeen kahor dabka ayaa ammaany si da ay wax u socdaan hase yeeshee ma shaqada kadib ayaa lagu dhaliilay in dadkii dhibku ku dhacay uusan wax xiriir ah lasameyn.

"Guddoomiye Madaale habeen hore su uqa Bakaaraha ayuu yimid, waxa uu daawanayay quruxda iyo sida ganac sigu u kala socdo, habeenkii ayuu suu qa wakhti ku qaatay suuqa, laakiin had da marka uu dhibku dhacay wax iridda nagasoo istaago ma arkin”, ayuu yiri ga nacsade Cali Aariyo.

"Awaamiirtii iyo amarradii ay dowladdu bixin lahayd ayaa gaabis ah, xilligan oo kale oo ciidda loo diyaar garoobayo waa in amar ay dowladdu bixiso oo laga fa karo waxa iman kara ee khatarta ah, waayo iyaga ayey mas’uuliyad ka saar antahay,” ayuu isna qabaa Xoogsade oo ah gudoomiyaha ganacstaada ee Suuqa.

Dabka ka kacay suuqa weyn Bakaara ha ayaa ku soo aaday xilli suuqa uu ka jiro mashquul ka dhashay dadweyne ba dan oo munaasibadda Ciidda darteed illaa habeenkii saqdhexe halkaas ka du kaameysanaya.

Dabka ka kaca suuqyada ugu mash quulka badan magaalada Muqdisho ay aa in badan soo laalaabtay, wallow ba dankood aan la garaneyn waxa saba bay.

Waxaa cad in ganacsato badan ay ku hanti beelaan, iyagoo markiiba halkaa kasii wada jihaadka nolosha iyo raacista wadada soo kabashada.

Nabadoon ka mid ahaa raggii dagaalka ku bilaabay Al-Shabaab oo caawa la dilay

Nabadoon Gaabow Buule Xasan oo ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Awdheegle ayaa caawa lagu dilay ma gaalada Muqdisho, waxaana la aamin san yahay inay dishay kooxda Al-Sha baab.

Isaga oo sooman maalintiisii 29-aad, daqiiqado ka hor inta aan la afun ayaa galu dilay xaafadda Siligga Americkaan ka ee degmada Wadajir, waxaana goob ta ka baxsaday raggii dilay marxuumka.

Gaabow Buule wuxuu ahaa nin oday ah oo markii lasoo tago masuuliyadda uu ka haayey Awdheegle nabadoon u a haa beeshiisa, da’da 70 sano jir ayuu caawa ku geeriyooday.

Ninkaan ayaa ka mid ahaa odayaashii gobolka Shabeellada Hoose ka bilaa bay dagaalka Alshabaab, wuxuu ahaa nin ay aad u necebyihiin, Awdheegle wa xay ka mid tahay degmooyinkii ugu ho reeyey ee dagaalka culus ay kala kul meen Al-Shabaab.

Hoggaanka bulshada Shabaab-ka ne ceb ee ku nool degmada Awdheegle ay uu ahaa ninkaan caawa lagu dilay Muq disho, waana nabadoonkii labaad oo Muqdisho lagu dilay habeenkii labaad oo xiriir ah, nabadoon kale ayaa shalay la gu dilay xaafadda CC ee degmada Dey niile.

Sidoo kale Nabadoon Gaabow Buule wuxuu ka mid ahaa odayaashii soo xu lay ergooyinkii soo doortay xildhibaa nada baarlamaanka federaalka Soomaa liya.

Awdheegle waxay ka mid tahay deg mooyinka ay dadka ku nool ugu neceb yihiin kooxda Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, marar badan ayey isku dayeen inay dib u qabsadaan, bal se uma noqon, wuxuuna nabadoonka caawa la dilay laf-dhuun gashay ku ah aa kooxdaas.

Labo nin oo Bastoolado ku hubeysan a yaa dishay Nabadoon Gaabow, xili uu ku sii jeeday xaafad uu ka afuri lahaa, laakiin waxay toogteen isagoo Sooman maalintii 29-aad, halkaas ayuu ku geeri yooday, iyaguna waa baxsadeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip