Ruushka oo daad-gureeyey in ka badan 4,400 oo qof kadib markii uu qarxay…

0
Sunday April 07, 2024 - 18:25:54 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka oo daad-gureeyey in ka badan 4,400 oo qof kadib markii uu qarxay…

    Ruushka ayaa Sabtidii wuxuu daadgureeyey illaa 4,500 oo qof oo ku nool gobolka Orenburg ee ku yaalla xuduudda Koonfureed ee Ruushka, ka dib markii uu derbiyada jabsaday biyo xidheen halkaas ku yaallay. Kooxaha gurmadka degdgegga ah ayaa habeenkii oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka ayaa Sabtidii wuxuu daadgureeyey illaa 4,500 oo qof oo ku nool gobolka Orenburg ee ku yaalla xuduudda Koonfureed ee Ruushka, ka dib markii uu derbiyada jabsaday biyo xidheen halkaas ku yaallay. Kooxaha gurmadka degdgegga ah ayaa habeenkii oo dhan ka shaqaynayey sidii u samatabixin lahaayeen dadweynaha ku nool agagaarka biyo xidheenka fatahay, kaas oo ku yaalla meel u dhow magaalada Orsk oo u dhow xuduudda Ruushka iyo Kazakhstan. Xafiiska warbaahinta ee guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in illaa haatan la samatabixiyey illaa 4,402 qof oo ay ku jiraan 1100 caruur ah. Sidoo kale waxaa jira khasaare soo gaadhay illaa 6,000 oo guri. Arrintan ayaa timi ka dib roobab xooggan oo halkaas ka da'ayey maalmahan. Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray wasiirka xaaladaha degdegga ah inuu wax ka qabto xaaladda gobolka, sida uu sheegay afhayeenka aqalka Kremlin xilli dambe oo Sabtidii ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip