Somaliland oo si yaab leh uga xeeladeysatay xariga fanaan reer Jigjiga ah

0
Sunday April 07, 2024 - 18:21:06 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo si yaab leh uga xeeladeysatay xariga fanaan reer Jigjiga ah

    Somaliland ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay askar maalintii shalay aheyd soo xirtay fanaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare). Xariga fanaanka oo gadood xooggan uu ka dhashay ayay ciidamada amaanka Somaliland a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland ayaa shaacisay inay xabsiga dhigtay askar maalintii shalay aheyd soo xirtay fanaan reer Jigjiga ah oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen Habane (Maxamed Yare). Xariga fanaanka oo gadood xooggan uu ka dhashay ayay ciidamada amaanka Somaliland ay sheegeen in lasii daayey, ayaga oo shaaciyay inay xabsiga dhigeen 4 askari oo qeyb ka ahaa soo xirista fanaanka. Askarta la xiray ayaa la sheegay in loo haysto dambi sharci jabin ah, ayada oo qaar kamid ah hobolada Hargaysa oo shalay ka qayliyay xariga Maxamed Yare ay maanta sheegeen in raali-gelin laga siiyay wixii dhacay. Waxay sheegeen in askarta xirtay fanaanka aysan ku socon amar ka sareeya ama waaran maxkamadeed, taasi oo u muuqata in laamaha amaanka Somaliland uu ka xeeladeystay xariga fanaanka oo gadood xooggan ka abuuray Hargeysa. "Waxaanu sheeganaynaa in nala xaal mariyay oo waliba raggiina noo xidhan yihiin, sharciga ayaana naloo marinayaa, sharci kumay socon, madaxdoodana amar kamay haysan, way soo dhamaatay Maxamedna wakaa bannaanka jooga, nimankii kalena sharci ayay noogu xidhan yihiin," ayuu yiri Fanaan Maxamed Bakaal Cirro. Sidoo kale fanaanka la xiray oo isna warbaahinta la hadlay kadib markii sii deyntiisa ayaa wuxuu u mahad-celiyay fanaaniinta reer Hargaysa ee garab istaaga u muujiyay iyo taliyaha sirdoonka oo uu sheegay in uu ka hawl-galay sii dayntiisa. "Nidaamka dhacay wuxuu ahaa nidaam uu khalad yari ku jiro, ciidankana qaar qaldan iyo qaar kaleba way ku jiraan, wixii khaldanaana waa la saxay, wax wayn oo la sii buun buuniyaana meeshaba ma yaalo," ayuu yiri Maxamed Yare. Si kastaba, xariga fanaanka ayaa waxaa ka dhashay gadood xooggan kadib markii fanaaniinta reer Hargeysa ay qeylo dhaan kasoo saareen, waxaana xarigiisa lala xiriirinayay sirdoonka Somaliland oo sida muuqata ka xeeladeystay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip