Xasan Sheekh oo Maxamed Bin Salmaan ka helay ballan-qaad la xiriira xiisadda Itoobiya

0
Sunday April 07, 2024 - 18:00:22 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo Maxamed Bin Salmaan ka helay ballan-qaad la xiriira xiisadda Itoobiya

    Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku suga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Dhaxal-sugaha dalkaasi, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis. Labada mas'uul ayaa ka wada-hadlay a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku suga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Dhaxal-sugaha dalkaasi, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis. Labada mas'uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga. Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen heshiiska sharci darrada ah ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, arrimaha dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga, difaaca iyo amniga madax bannaanida Soomaaliya. Intaas kadib Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dhankeeda soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madax bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay haatan is hayaan Itoobiya oo kusoo xadgdubtay baddeenna. Sacuudiga ayaa tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka. Madaxweynaha Soomaaliya oo waddanka Sacuudiga u tegay Cimro ayaa isaga oo ku sugan Masaajidka Xaramka ugu soo duceeyay shacabka Soomaaliyeed amni, nabad iyo horumar. Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkan ku whelinaya Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka ganacsiga iyo masuuliyiin kale. Boqortooyada Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee sida wayn u taageero Soomaaliya, waxayna dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo waa wayn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip