HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 6-4-2024

0
Saturday April 06, 2024 - 05:20:46 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ARISO WARARKA WARGEYSKA MOGTMES 6-4-2024

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xaramka uga soo duceynaya Soomaalida

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federa alka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa shalay Cimrada Bayta Alle ku gut ay Masaajidka Xaramka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sha cabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu doceeyay amni, nabad iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa fadliga Cimrada awgeed Alle ka baryey in dalkeenna uu ka dulqaado argagixisada dhiig-miiratada ah ee ku been abuuranaya magaca diinte enna suubban ee Islaamka.

Madaxweynaha oo safar shaqo ku te gay dalka Sacuudiga ayaa horay u booq day Masjidka Nebiga (CSW) ee magaala da Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaali yeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

Boqorka Sacuudiga ayaa casuumay madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ka wadahadlayaan xiriirka labada, Sacuud iga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Sooma aliya oo ay ka mid yihiin wasiirka maaliyad da, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka ga nacsiga iyo masuuliyiin kale ayaa safarka Sacuudiga ku wehliya madaxweynaha.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo lagu amray in uu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iska ashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya, ayaa soo saartay ta llaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo faragalin qaaran ku haysa dowladda Soomaaliya. waxay ku dhawaaqday billowga dhowr tallaabo oo diblomaasiyadeed.

Go’aankan ka soo baxay Wasaarad da Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’a ankii Golaha Wasiirada ee looga jawaa bayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Di muqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo ku xad-gudbaya madax-ban naanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaal iya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyinkaan:-

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaa liya.

2- In muddo toddoba maalmood guda hood ah lagu xidho Qunsuliyadaha Itoobi ya ee Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka Dowladda Federaalka Soo maaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sa meeyo.

Tallaabooyinkan ayey Wasaaradda Arri maha Dibadda ee Soomaaliya ku sheeg tay in loo qaaday si loo ilaaliyo madaxban naanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimihii NISA oo xilka qaaday & mid cusub oo la Magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamh uuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shalay yeeshay kulankoodii toddaabad laha ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasi maha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sir doonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdu llaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo naba d-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu no qonayo markii saddexaad.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasi mihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka ha yey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Dukaammo dhowr ah oo ku burburay dab qabsaday suuqa Bakaaraha

Dab geystay khasaarooyin kala duwan ayaa shalay qabsaday dukaammo dhowr ah oo ku yiillay Suuqa Bakaara ee Magaa lada Muqdisho.

Dabkaan oo shalay la sheegay in uu ka kacay ama ka dhashay fiilooyinka koron tada ayaa sababay burburka hanti u bad fan dhar iyo qalab.

Kooxda dabdamiska ee gobolka Banaa dir ayaa barqadii shalay xakameeyay da bkaasi qabsaday dhowr dukaan eek u yiil lay suuqaasi.

Illaa sadex dab-damis iyo laba booya dood ayaa ka qeybgalay daminta dab kaan oo burburiyay dukaammo dhowr ah oo ku yiillay qeybta carwiiynka dharka ee suuqaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa ba kaaraha ayaa dowladda ka codsaday in la furo waddooyinka gala suuqaasi ,kadib markii gawaarida dab-damiska ay shalayy dhibaatooyin kala kuleen xirnaanshaha waddooyinkaasi .

Ra’iisal Wasaare Xamse oo dhiirageliyay Hormarka ganacsi ee ka jira Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganac satada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa she egay in kobaca ganacsiga caasim adda Muqdisho uu aas-aas u yahay xa silloo nida amni ee ka hirgashay caasim adda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-ge linaysa ganacsatada Soomaali yeed in ay aaminaan maalgashiga dal kooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ammaanay ga nacsatada ganacsiyada Kaalinta ay ka qaadayaan Hormarka oyo kobaca dha qaalaha dalka .

Guddoomiya Madaale oo kormeeray goobo badan oo ay ka socdaan dhaqdhaqaaq ganacsi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuu suf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xa lay kormeer shaqo ku tagay Suuqa Deg mada Xamarweyne oo uu ka socdo dhaq dhaqaaq ganacsi oo baaxad leh.

Kormeerkaan waxaa guddoomiyaha ku wehlinaayey Maamulka Degmada Xamar weyne, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale,iyagoo shacabka iyo ganac satada ka xog wareystay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa Xa marweyne.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale socod ku tagay xeebta Liido ee Deg mada Cabdicasiis, halkaasi oo uu kula kulmay dad shacab ah,wuxuuna ugu baa qay in ay la shaqeeyaan Laamaha Amni ga si loo xoojiyo guulaha laga gaaray sooo celinta xasiloonida caasimadda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay dil loo geystay muwaadiniin Turki ah

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Alper Aktaş uga tacsiyeeyay dilka muwaa diniin Turki ah oo si gaadmo ah loogu weeraray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tir san xukuumadda ayaa manta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay hawl-wadeenno sidday dhaa waca iyo meydka dadkaasi Turkiga ah ee dorraad kooxaga khawaarijta ay ku fuliyeen weerar gaadmo ah,xilli ay wadeen howlo bini’aadanimo oo gurmad ah.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Da stuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa u rajeeyay kuwa dhintay in uu Alle ka waraabiyo janatul Fardowsaisagoo kuwa dhaawaca ahna ugu duceeyay caafimaadqab.

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay gacan ku dhiiglayaashii ugu badnaa

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo ba xay Taliska, Ciidanka Boliiska Soomaal iyeed oo kaashanaya Hay’addaha Amaan ka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysa nayaal tiradoodu gaareyso 5 qof, kuwaas oo loo heysto inay dil u geysteen 4 mu waadin.

Dilalkaas ayaa ka kala dhacay degmooy inka kala duwan ee ka tirsan Gobolka Banaadir.

Afarta eedeysane ee gacanta lagu dhi gay dembiyada dilka ahna loo heysto aya a kala ah:

1: Eedeysane D/le XDS Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Sa ciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley.

2: Eedeysane A/le XDS Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyoEedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, laba daan eedeysane ayaa loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Aweys Xuseen Jey lani, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Xamarjajab.

3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxa med waxaa loo heystaa dilka Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf, wuxuuna dilkaasi ka dhacay Dagmada Deyniile.

4: Eedeysane D/le Yuusuf Cali Macoow waxaa loo heystaa dilka Marxuum Maxa med Axmed Nuur, dilkaaas ayaa ka dha cay Dagmada Hiliwaa.

Booliska ayaa sheegay in dhammaan ee deysanayaasha dilalkaan geystay oo ga canta lagu hayo sida ugu dhaqsiyaha ba dan loo geyn doono maxkamada awooda u leh inay qaado kiiskooda.

"Waxaa laga codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Mu qdisho iyo hareeraheeda in ay lasoo wad aagaan Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Bo liiska Soomaaliyeed, hadii ay la kulmaan falal ammaanka lidi ku ah, waxaadna kala xiriiri kartaan 991,” ayaa lagu yiri qoraa lkaan ka soo baxay taliska booliska Soo maaliyeed.

Booliiska magaalada Laascaanood oo gacanta kusoo dhigay 2 eedaysane oo dil toogasho ah u gaystay will

Taliyaha booliiska SSC Khaatimo, ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen 2 nin oo dil toogasho ah u gaystay Cabdi qaadir Haaruun Cabdixaafid, oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo reer Laascaanood ah.

"shalay 9:40 ayaa dil ka dhacay magaa lada Laascaanood, dilka waxa loo gaystay marxuum Cabdiqaadir Haaruun Cabdixaafid oo 26 jir ah kuna dhashay ma gaalada Laascaanood, dilka waxa gays tay 2 gacan ku dhiigle" ayuu yidhi taliyuhu.

Waxa uu sheegay taliyuhu in eedaysa neyaashu ay marxuumka xabada wadna ha kaga dhufteen, kadibna ay ka baxsa deen magaalada, intaa kadibna dadaal ay sameeyeen ciidamada booliisku lagu guu laystay in gacanta lagu soo dhigo.

Waxa uu sheegay in eedaysanayaashu ay ku baxsadeen baabuur Probox ah, isla markaana, baabuurkii uu ka jabay markii ay muddo socdeen, isla markaana goobo kala duwan laga soo qabtay goob magaa lada ka fog.

Duqeyn dhanka cirka ah oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday xadka Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soo maaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo ga rab ka helaya Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal dhinaca cirka ah ka fuliyay dee gaano ku yaala xadka gobolada Galgadu ud iyo Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa la gu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaayay dhul howd ah oo ku yaala deegaanada ka la ah Jir jir farey iyo Burka Fiiqey oo dhan ka Waqooyi kaga beegan deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhe xe.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowlad da Fedaraalka ayaa lagu sheegay in wee rarka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, islamarkaana sidoo kale lagu gubay gaadiid nooca dagaalka ah oo ay wateen kooxda.

"Diyaaradaha dagaalka ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay laba goobood oo ah dhul hood, waxaana Howlgalkaan uu ka dhacay halka loo yaqaano Jir jir farey & Burka fiiqey oo dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Ruunirgood. Maleeshiy ada Argagixisada ah ayaana jab weyn la gu gaarsiiyay Howlgalkaan waxaana lagu dilay maleeshiyaad badan, iyadoona gaa diid looga gubay" ayaa lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Ciidamada dowladda oo garab ka hela ya diyaaradaha dagaalka saaxiibada Caa lamka ayaa marar badan duqeymo dhina ca cirka ka fuliyay deegaano iyo goobo ay joogaan kooxda Al-shabaab, waxaana duqeymahaasi qaarkood lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.


Golaha Wasiirada oo ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay sharci muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaa raha XJFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyad da.

Inta uu socday Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada ku yeesheen ma gaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay aa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka daadajinta iyo furfuridda ast ateynta awoodaha heerarka Dowladda.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga dalka, waxa ay ka dhageys teen Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guul ihii amniga ee la gaaray iyo falalkii argag ixiso ee la fashiliyey.

Shirka golaha Wasiiradda Soomaaliya shalay yeesheen ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka gacantooda ka baxday deeg aanno horey Al Shabaab uga saareen, sidoo kale hakadeen howlgaladii socday.

RW hore ee Suudaan iyo Siyaasiyiin kale oo la Amray in la soo xiro

Xafiiska Dacwad-Oogaha Guud ee da lkaasi Suudaan ayaa waxa uu dorraad oo Arbaco ahayd soo saaray Amar lagu soo xirayo Ra’isul-wasaare hore Cabdalla Xa mduuk Al-Kinani iyo Tobaneeyo qof oo ka tirsan Isbahaysiga Takhadum ee Xooga ga Dimuqraadiyada Rayidka ee uu RW Xamduuk hoggaamiyo.

Bayaan xalay laga baahiyey Telefishin ka Qaranka ee Sudan ayaa lagu shaaci yey in Cabdalla Xamduuk iyo 17 kale oo ay ku jiraan Siyaasiyiin iyo Suxufiyiin dib edda ku nool, kuwaasi oo lagu eedeynayo Carqaladeynta Dastuurka Sudan (Violat ing the Constitution) iyo Hurinta Dagaal ka dhan ah Dowladda Sudan (inciting war against the state).

Eedeymaha lagu soo oogay waxay ku muteysan karaan ilaa Xukun Dil ah, sida uu baahiyey Telefishinka Qaranka Sudan.

RW hore ee dalkaasi, Cabdalla Xamd uuk oo 68 jir ah waxa uu soo noqday Ra’ isul-wasaarihii 15-aad ee Sudan muddadii u dhexeysay sanadkii 2019-kii ilaa Octo ber ee sanadkii 2021-kii.

Waxaana mar kale Xilkaasi loo soo door tay bishii November ee sanadkii 2022-kii ilaa bishii January 2-dii ee sanadkii 2022-kii, waxa iska casilay xilkaasi isla bishii Ja nuary ee 2022-kii, wuxuuna u baxsaday Caasimada dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Ninkii ka dambeeyay toogashada iyo dhaca xaafadda Islii loogu geystay nin Soomaali ah oo gacanta lagu dhigay?

Eedeysane lala xiriirinayo toogashadii iyo dhacii loo geystay Aadan Cali Maxa med ayaa lagu qabtay magaalada Mom basa sida ay sheegeen booliska oo ku raad-joogay tan iyo markii ay dhacada dhacday.

Soomaaligan 26-jiraka ah ayaa Sabtidii la soo dhaafay laga dhacay qiyaastii $31,000 oo doolar Xilli uu saarnaa mooto laba lugaaleey ah ka hor inta aan la too gan.

Shaqsigan gacanta lagu dhigay oo lagu raad-joogay ayaa lagu qabtay magaalada xeebta ku taalla, waxaana la qabtay xilli uu sugayay inuu soo iibsado gaari uu u is ticmaalo si shaqsi ah, sida ay sheegeen booliiska.

Dambi baarayaasha hor kacaya baarit aanka ayaa sheegay in ay raadinayaan tuhmaneyaal kale oo ku lug lahaa weerar kii 30-kii Maarso lagu beegsaday Aadan oo hadda la jiifo dhaawacii ka soo gaaray.

Nin Somali-Swedish oo wajahaya maxkamadayn ku saabsan dil uu u geystay haweeney saaxiibtiis ahayd

Haweeney 20 jir ahayd oo uur leh, oo la u magacaabo Saga Forsgren Elneborg, ayaa laga helay maydkeeda gurigeeda oo ku yaal magaalada Örebro ee dalka Swe den, waxaana uu Booliisku sheegay in qoorta laga ceejiyay.

Maxamed Aamin Cabdirisaaq Ibraahim, oo ah 22 jir ah, Soomaali-Swedish ah, oo xiriir saaxiibtinimo uu kala dhaxeeyay ha weeneydan, ayuu booliisku usoo qabtay inuu ka dambeeyay dilka haweeneydan.

Ninkaan ayaa maxkamad lasoo taagi doo naa 10-ka Abriil.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegaya in sababta dilka loo geystay ay salka ku hay so cadaadis dhanka qoyskiisa ah.

Eedeysanaha waxaa la sheegay in uu ka baqay falcelinta qoyskiisa ee ku aad dan xiriirka guurka ka hor ee uu la lahaa Forsgren Elneborg, oo ahayd haweeney caddaan ah.

Lammaanaha ayaa si qarsoodi ah u ilaalinayay xiriirkooda labada sano ah, iya doo Ibrahim la sheegay inuu qorsheyna yay inuu xaaladdooda u sheego qoyskiisa habeenka ay dhimanaysay Forsgren Elne borg.

"Eedaysanuhu waxa uu si ula kac ah u fuliyay rabshad ka dhan ah Ms. Forsgren Elneborg, taas oo keentay dhimasha deeda iyo dhimashada ilmahooda uurka ku jira. Falka waxaa loo fuliyay in lagu xalliyo sharaf-darrada ka dhalatay xiriirka dhibbanaha iyo Ibraahim,” sidaasi waxaa sheegay dacwad oogayaasha kiiskaan.

Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoo naya in kiiskan loo hayo caddeymo ay ka mid yihiin fariimo qoraal ah oo ay is dhaaf sadeen lamaanaha taasi oo muujineysa walaaca Ibraahim iyo cabsida uu ka qabo in xiriirkooda iyo uurkooda uu u sheego qoyskiisa.

Goobta uu dilku ka dhacay, ayaa laga helay xarig la sheegay in loo adeegsaday dilka.

Mareykanka oo Israel ku cadaadiyay in la furo waddooyin cusub oo la mariyo gargaarka Gaza

Israa’iil ayaa sheegtay in ay oggolaatay in la furo laba waddo oo dhanka Gaza ah si loo oggolaado gargaar dheeraad ah oo la geeyo deeaanada ay joogaan dadka ra yidka ah,gaar ahaan kuwa barakacayaa sha.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegantay saacado ka dib markii Joe Biden uu khad ka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaara ha Israa’iil,taas oo ah markii ugu horrey say tan iyo markii la dilay toddobo shaqaa le oo kuwa gargaarka ah.

Albaabka Erez ee waqooyiga Gaza ayaa si ku meel gaar ah dib loo furi doo naa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday, iyadoo sidoo kale la furi doonaa dekedda Ashdod si loo helo gargaarka bini’aadanimo.

Dhanka kale,gargaar dheeraad ah oo ka yimaada Jordan ayaa loo oggolaan do onaa in laga soo galiyo Isgoyska Kerem Shalom.

Mr Biden ayaa sidoo kale Netenyaahu ku adkeeyay in kooxdiisa wada-xaajood ka arrimaha Gaza ay soo gunaanadaan ama soo gabagabeeyaan heshiiska lala galayo Falastiiniyiinta,gaar ahaan koxxda Xamaas.


Somaliland oo si xun uga hadashay go’aanka lagu xirayo qunsuliyadda Itoobiya

Xukuumadda Somaliland oo markii u horreysay ka hadashay qaraarka dowlad da federaalka ee ka dhanka ah Itoobiya ayaa si jees-jees ah uga jawaabtay xirista qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan awood u laheyn inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.

Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Is kaashiga Caalamiga ee Somaliland ayaa sheegtay in go’aamadda dorraad kasoo ba xay Golaha Wasiirrada Soomaaliya aanay marnaba saameyn ku yeelan doonin Somaliland, oo ayadu ku doodda inay ta hay dal ka madax-banaan Soomaaliya, in kasta oo taasi uu caalamka u aqoonsa neyn.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrima ha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Ja amac Cilmi ayaa sidoo kale sheegtay wa xay sheegtay in qunsuliyadda Itoobiya ee Hargeysa uusan markii hore ku iman go’ aan ka yimid dowladda federaalka, hadd ana aan lagu xiri doonin go’aan kasoo baxa.

"Go’aankaasi (qaraarka Golaha Wasiir rada Soomaaliya) go’aan na khuseeya anaga maaha, hadaanu nahay dowladda Somaliland, wax anaga meel noo yaala oo saameyn nagu leh marnaba maaha, la ba dal oo kala madax-bannaan ayaanu nahay markaa taasi anaga nooma taalo,” ayay tiri Marwo Rooda oo la hadashay VOA.

Waxay intaasi kusii dartay "Markii la fu rayay xafiiska Itoobiya ee Hargeysa laga ma talo-gelin dowladda Soomaaliya, imika na go’aankaasi ma soo dhaafi doono qolkii ay ku shireen Golaha Wasiirrada.”

Sidoo kale waxay sheegtay in go’aanna da kale ee xataa kasoo bixi doona Golaha Wasiiradda ee la xiriira is-afgaradka ay Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa aysan saameyn ku yeelan doonin gudaha Somaliland.

"Go’aamada kale ee soo socdaana wax saamayn ah nagu yeelan mayaan, waxa hubaal ah in ay riyoodeen, golaha was iirada ee xalane ku dhexjira iyo Xasan Sheekh ba, maalin cad ayay riyoodeel,” ayey hadalkeeda sii raacisay Marwo Roo da.

Dowladda Soomaaliya ayaa dorraad qaa day tallaabadii ugu cusleyd ee ka dhanka ah xad-gudubka Itoobiya ay ku hayso ma dax-banaanida Soomaaliya, ayada oo dal ka ka cayrisay diblomaasiyiinta Itoobiya, islamarkaana amartay in la xiro laba qun suliyad oo Itoobiya ay ku laheyd Hargey sa iyo Garoowe.

"Laga billaabo shalay oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaal ka Soomaaliya waxa ay xirtey isla mar kaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dal ka uga furnaayeen kala noqotay qunsuli yadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood,” ayaa lagu yiri qaraarka dowladda ee ka dhanka ah Itoobiya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri "Diblomaasi yiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.”

Bukaan lagu beeray kelli doofaar oo bogsaday

Bukaankii ugu horreeyey ee lagu xiray kelli doofaar.Image caption: Bukaankii ug u horreeyey ee lagu xiray kelli doofaar.

Bukaankii ugu horreeyey ee lagu xiray kelli doofaar oo hidde rogan ayaa isbitaal ka laga saaray, ka dib markii uu qalliinka ka soo kabtay.

Ninkan oo 62 sano jir ah ayaa Arbacadii gurigiisa loo diray, ka dib markii uu labo todobaad ku jirey isbitaalka Massachuse tts General Hospital (MGH) oo ku yaal magaalada Boston ee dalka Mareykanka, halkaas lugula sameeyey qalliin taariikhda galay.

Waa markii ugu horreysey ee xubin doofaar oo hiddaheeda la dooriyey ay ku shaqeyso jir bini’aadam, taas oo ay sayni syahannadu si weyn ugu riyaaqeen.

Isbitaalka qalliinka sameeyey ee MGH oo hoos taga dugsiga caafimaadka ee jaa macadda Havard, ayaa warkan daboolka kaa qaaday Arbacadii.

Bukaankan oo la yiraahdo Richard "Ric k" Slayman ayaa sannadkii 2018 waxaa lagu tallaalay kelli uu ku deeqay qof dhin tey, laakiin muddo gaaban ka dib wey istaagtey, markaas oo dhakhaatiirtu u soo jeediyeen in kelli doofar lagu dayo.

Kellida cusub ee doofaarka ee Mr. Slay man ku jirta ayaa waxaa maduuftikeeyey shirkad ka shaqeysa daawada oo la yiraa eGenesis, taas oo isku sidigtay hidde-sideyaasha dadka iyo doofaarka, iyadoo meesha ka saartay kuwii aan is qaadan karin.

Waxaa xusid mudan in isla isbitaalka Mas sachusetts General Hospital (MGH) uu ahaa kii ugu horreeyey dunida ee sameey a qalliin guuleysta oo qof xubin uusan la hayn lagula rakibo, taas oo ay bukaan ku xireen kelli qof kale.

 

McDonald's oo dib ula soo wareegeysa maqaayadihii ay ku lahayd Isra’il ka dib markii ay musallifeen.

Maqaaydaha McDonald's ee Isra'il oo musallifeyImage caption: Maqaaydaha McDonald's ee Isra'il oo musallifey

Shirkadda ku caanbaxday cuntada fudud ee McDonald's ayaa soo xireysa dham maan maqaayadihii ay ku lahayd Isra’il ka dib markii macaamiishii ay qaaddaceen macmiishii wax ka cuni jirey.

Shirkadda Mconald's ayaa heshiis la gaartey shirkad la yiraahdo Alonyal oo ma gaceeda uga shaqeysata Isra’il balse ku qasaartay, ka dib markii lagu cambaar eeyey in ay cunto lacag la’aan ah u qaybi say ciidanka Isra’il ee dagaalka ka wada marinka Qasa.

Alonyal oo maamuleysey225 maqaaya dood oo ku kala yaallay Isra’il, islamar kaana shaqaaleysiin jirtey 5,000 oo qof ayaa waxaa saameyn dhaqaale ku yee shay cunaqabateyn ay ku soo rogeen ma caamiisheedi oo ku eedeeyey in ay qayb ka tahay duullaanka Isra’il ee Qasa, taa sina waxay keentay in ay McDonald's u celiso magaceedi.

Shirkadda McDonald's oo laga leeya hay dalka Mareykanka waxay magaceed a ku shaqeysta ganacsato kale oo kiro is ka bixiya sidaasna uga faa’ideysta maga ceeda maadaama ay caan tahay.

Haddaba maqaayaaha McDonald's ee Isra’il ku yaalla waxaa 30-kii sano ee la soo dhaafay ku shaqeysan jirey ganacsa de la yiraahdo Omri Padan iyo shirkadddi isa Alonyal. Laakiin waxaa xeero fadhaal ka kala dheceen markiiuu billaabay in uu kumannaan askeri oo ka tirsan ciidanka keydka ah ee Isra’il uu qado bilaash ah u qaybiyo, tillabadaas oo macaamiil badan ka careysiisay.

Xayiraadda lagu soo rogey maqaay adaha kuma eka kuwa Isra’il oo qura, laa kiin waxaa sidoo kale la qaaddacay farac yada ay ku leedahay dalal badan oo Mus lim ah, sida Pakistan, Malaysia iyo Kuwait, ka dib markii lagu xagliyey in ay Isra’il la jirto.

Milatariga Israa’iil oo shaqada ka eryay saraakiil sare-sare

Milatariga Israa’iil oo shaqada ka eryay saraakiil sare kadib markii shaqaale hay’a deed lagu dilay Gaza.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheeg ay inay shaqada ka eryeen laba saraakiil oo sarsare oo hoggaaminayay guutadii ku lugta lahayd dilka shaqaale ka tirsanaa Hay’adda World Central Kitchen (WCK).

Dhacdadan oo dhacday Isniintii ayaa waxaa laga helay cadeeymo muujinaya in ciidamada Israa’iil ay ku lug lahaayeen weerarka.


Wax ka ogow dhowr qodob oo lagu xasuusto Sanbaloolshe xilliyadii uu ka soo shaqeeyay NISA

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe waa xildhibaanka kursiga tirsigiisu yahay HOP#058. Haddaba maxaan ka garaney naa ama ugu waaweyn ee lagu xusuustaa ninkan oo horay u soo noqday agaasimaha hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qa ranka ee Soomaaliya, isagoo hadda markii saddexaad loo magacaabay?

Cabdullaahi Maxamed Cali, oo loo garan og yahay naaneystiisa "Sanbaloolshe" wu xuu 1968kii ku dhashay degmada Buulabur de ee gobolka Hiiraan.

Horay waxa uu u soo noqday wasiirka Am niga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, xilligaas oo dhibaatooyin badan oo dhanka amniga ah ay waddanka ka taag naayeen.

Waxaa kale oo uu Sanbaloolshe mar soo ahaa Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay UK.

9-kii bishii July ee sanadkii 2014-kii ayaa markii ugu horreysay loo magacaabay agaa simaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sir doonka Qaranka, waxaana magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo xileedkiisii hore.

Muddo kooban ayuu sidoo kale xilkaas hayey xilligii xukuumaddii Xasan Cali Khey re.

Markii saddexaad ayaa shalay loo ma gacaabay hay'adda NISA, oo ka mid ah laa maha ugu awoodda badan hay'adaha dow ladda Soomaaliya.

Haddaba maxaa lagu xusuustaa Sanbalo olshe muddooyinkii uu ka soo shaqeeyay NISA?

Awood baaxad leh oo ku dhex yeeshay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee muddo xileedkii hore, inta uu xilka taliyaha NISA hayay waxaa weerar lagu qaaday farii simo ay lahaayeen ciidamo taabacsan Ax med Daaci oo ahaa guddoomiye degmo iyo Cabdiwali Qanyare oo ahaa xildhibaan, waxaana ka dhashay rabshado khasaare sababay.

Hase yeeshee, dhowr bilood ka dib, Go laha Wasiirrada ayaa xilka Agaasimaha NI SA ka qaaday Sanbaloolshe, waxaana lagu baddalay Cabdiraxmaan Maxamuud Tuur yare.

Dhiibistii Qalbi Dhagax

Xilligii dowladda Itoobiya loo gacan geli yay Qalbi Dhagax

Bishii Agoosto ee sanadkii 2017-kii wax aa gacanta lagu dhigay Cabdikariin Sheekh Muuse ‘Qalbi Dhagax’ oo xilligaas ku sug naa gudaha Soomaaliya, xilligaas oo Cabdi kariim uu ka duulay magaalada Muqdisho, kana degay Gaalkacyo.

Sida uu BBC-da u xaqiijiyey Maxamed Daahir oo ka tirsan mas'uuliyiinta jabhadda ONLF oo ku sugan magaalada Johannes burg, Qalbi Dhagax waxa uu Galkacyo ta gay galinkii dambe ee maalintaas, isla ha beenkiina waxaa qabtay ciidammada Gal mudug, iyadoo markii dambana loo gacan geliyay hay’adda nabad sugidda ee NISA.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo bax day in Qalbi Dhagax loo gacan geliyay dow ladda Itoobiya oo doon-dooneysay iyadoo falkaasi ay dad badan ka caroodeen.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka qaranka ayaa si weyn loogu dhaliilay u gacan gelinta Qalbi Dhagax ee dowladda Itoobiya.

Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay xilligaasi ka gaabsatay ka hadalka arrintan marka laga reebo taliyaha NISA Cabdul laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Ra' isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo mar meel fagaaro ah lagu weeydiiyey sheegay in ay ka gaabsanayaan arrinka.

"Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid had da ka hadli karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon" ayuu yiri Sanbaloo lshe.

Qaraxii isgoyska Soobe

Magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoys ka mashquulka badan ee Soobe, 14-kii Okt oobar sanadkii 2017-kii waxaa ka dhacay qarax ay ku hoobteen boqollaal qof dad aad u bandanna ay ku waxyeelloobeen.

Saameynta qaraxa waxa ay waddanka kajirtay muddo badan.

Xilligaasi waxaa taliyaha hay’adda nabad sugidda ahaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, iyadoo muddo yar kadib xilka laga qaaday.

Markii bishii April madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Sanbaloolshe in uu noq do taliyaha NISA ayaa sida uu sharciga qa bo waxa laga codsaday in uu iska dhigo xil ka dhildhibaannimada, taas oo uu samee yay xilli dambe oo ku dhow marka xilka NI SA laga qaadi doono.

Waxaase dhacay qaraxii Soobe ee saam eynta dhaliyay, iyadoo isla bishaas Oktooba rna shaqada laga eryey Sanbaloolshe.

Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed ayaa qoray qormo dheer oo uu kaga faal looday xaaladda ciidamada sirdoonka ee dalka arrimo la xiriira sirdoonka reer gal beedka.

Qormada ayaa lagu daabacay wargeys ka New York Times ee dalka Mareykanka ka soo baxa.

Waxa uu ka warbixiyay xaaladda ay ku shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, siiba kuwa sirdoonka iyo denbi baarista, wuxu una caddeeyay in ka sokow iyagoo aan qaadan mushaar aanay heysan qalabkii ay wax ku baari lahaayeen.

Taliyaha NISA ayaa qormadiisa ku shee gay awoodda sirdoonka Soomaaliya sida ay u kooban tahay iyo inaysan heysan qal abkii u saamixi lahaa inay baaritaan sax ah ku sameeyeen qaraxyada dhaca iyo daba gal, wuxuuna eedeyn u jeediyay Khubradda qaraxyada dalalka reer Galbeedka oo uu sheegay inay baaritaanka iskood ugu sam eeyeen qaraxyada Muqdisho iyagoo aan wax warbixin ah la wadaagin dowladda Soo maaliyana.

Salbaloolshe, waxa uu sidoo kale qormad a ku sheegay xiriir uu la sameeyay hay’add a Dembi baarista Mareykanka ee FBI-da oo uu ka codsaday inay ka taageeraan ka hortagga qaraxyada Baabuurta miineysan balse aan wax jawaab ah loo soo celin.

Hadda, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey ma gacaabista Agaasimaha cusub oo ay yee latay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoon ka Qaran ee NISA.

Xog ku saabsan sarkaalka Turkish-ka ee lagu dilay Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xog cusub ka bixiyey sarkaal Turki ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho, xilli uu ku sugnaa duleedka caasimadda, kuna how lanaa caawinta qoysas Soomaalliyeed oo danyar ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qarax ku dish ay samafalahaas gabaldhicii dorraad oo Kha miis aheyd, isagoo caawinaya qoysas dan yar ah oo ku nool deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ninka Turki ga ah ee la dilay uu lahaa hey’ad samafalka ka shaqeysa oo afurineysay dadka sooman ee aan awoodin inay cunno ku filan helaan, si gaar ah lacag nus Milyan doollar ah ayuu sheegay inuu u qorsheeyey dadka lagu dhex dilay dorraad.

"Allaha u naxariisto muwaadinkii Turkiga ahaa ee isaga oo sooman, sadaqo qaybi naya ay argagexisadu dileen. Waxaa la ii sheegay in qorshaha hay’adiisu ahaa in ay labo boqol oo kun oo dadkeena danyarta ah u qaybiyaan min $20, taasoo ah lacag ku dhow nus malyuun doolar,” ayuu yiri CC Shakuur.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray "Alle aan u barino in uu muwaadin kaas naxariistiisa huwiyo, nagana qabto ca dowga argagexisada ah ee dilay qof muslim ah, sooman, sadaqo dadkeena dhibaatay san u qaybinaya.”

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Das tuurka Soomaaliya Xasan Macallin Maxa muud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Alper Aktaş uga tacsiyeeyay muwaadiniin Turki ah oo wee rar gaadmo ah Khawaarijtu ku dileen iyaga oo ku jira hawlo bani’aantinnimo.

Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa madaarka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan ku sagootiyay hawlwadeennadeeda dhaawaca iyo meyd ka u qaadayay dalka Turki.

Wasiirka ayaa Ilaahay uga barayay naxa riistiisa janno shuhadada ku nafwaayay wee rarka, caafimaad degdeg ahna ugu ducee yay dhaawaca.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip