Sawirro: Muxuu MADAALE kusoo arkay xalay Xamarweyne iyo Liido?

0
Friday April 05, 2024 - 10:36:01 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Muxuu MADAALE kusoo arkay xalay Xamarweyne iyo Liido?

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne. Kormeerka guddoomiyaha ayaa u daarna u kuur-galka dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira xilliyada habeenkii, maa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne. Kormeerka guddoomiyaha ayaa u daarna u kuur-galka dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee ka jira xilliyada habeenkii, maadaama lagu jiro tobonkii ugu danbeesay ee bisha Ramadaan, islamarkaana ay bulshada isku diyaarinayaan Ciidul Fidriga. Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen maamulka degmada Xamarweyne, saraakiisha laamaha amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu Duqa Muqdisho kasoo dukaameystay mid ka mid ah goobaha ganacsiga ee suuqa Xamarweyne. Guddoomiyaha ayaa xog wareystay shacabka usoo dukaameysi tagay suuqa iyo qaar kamid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka amni iyo kobaca ganacsi ee ka jira suuqa Xamarweyne. Madaale ayaa sidoo kale socod ku tagay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, halkaasi, waxa uuna bulshada ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xoojiyo guulaha laga gaaray amniga caasimadda. Amaanka caasimadda ayaa bilihii u dambeeyay wanaagsana, ayada oo shacabka bilaabeen inay laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya la shaqeeyaan, taasi oo ugub ah balse la arkay inay wax badan goyso. Dowladda Xasan Sheekh ayaa horey u ballan-qaaday inay xoog badan galinayso amaanka magaalada Muqdisho, waxayna markaas shacabka weydiisatay inay dulqaad muujiyaan iyo inay qeyb ka noqdaan qorshaha amaanka caasimadda lagu xaqiijinayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip