DEG DEG: Dab xooggan ooo ka kacay suuqa Bakaaraha

0
Friday April 05, 2024 - 10:29:34 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 97
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Dab xooggan ooo ka kacay suuqa Bakaaraha

    Dab xooggan ayaa saaka ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabkan ayaa waxa uu si gaar ah uga kacay qeybta loo yaqaano Dahablaha, waxaana la sheegayaa in dabka uu xawli ku socdo, uuna kusii fidi karo qeybo kale oo suuqa. Lama og

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Dabkan ayaa waxa uu si gaar ah uga kacay qeybta loo yaqaano Dahablaha, waxaana la sheegayaa in dabka uu xawli ku socdo, uuna kusii fidi karo qeybo kale oo suuqa. Lama ogga waxa sababay, waxaana ganacsatada aysan weli helin wax gurmad ah, xilli uu dabka si xawli ah ku socdo. Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shirkada Hormuud ayaa laga dalbaday gurmad deg deg ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ganacsatada suuqa. Dhaq-dhaqaaqa suuqa qeybo kamid ah ayaa sidoo kale hakad galay, waxaana saameyn guud ku yeeshay dabka saaka ka kacay halkaasi, wuxuuna kusoo aadaya xilli loo diyaar-garoobayo munaasabadda Ciidul Fidriga ee fooda nagu soo haysa. Si kastaba, Gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa marar badan soo laab-laabatay, dowladduna ma baarto sababta rasmiga ee keenta dabka sanad kasta ka kaca suuqa Bakaaraha. Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha waxa idinkula wadaagi doona wararkayaga dambe Insha Allah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip