Burcad-baddeed Soomaali ah oo la soo bandhigay laguna wareejiyey Booliska Hindiya

0
Thursday April 04, 2024 - 11:22:28 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad-baddeed Soomaali ah oo la soo bandhigay laguna wareejiyey Booliska Hindiya

    9 Muwaadiniin Soomaali ah oo ku eedeysan Afduubka Dooni Kalluumeysi oo Iran laga leeyahay ayaa waxaa laga dejiyey Dekedda magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya. Eedeysanayaasha ayaa lagu wareejiyey Booliska magaalladda Mumbai, wuxuuna qorshuhu yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

9 Muwaadiniin Soomaali ah oo ku eedeysan Afduubka Dooni Kalluumeysi oo Iran laga leeyahay ayaa waxaa laga dejiyey Dekedda magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya. Eedeysanayaasha ayaa lagu wareejiyey Booliska magaalladda Mumbai, wuxuuna qorshuhu yahay in maanta oo Khamiis ah loo gudbiyo Maxkamadda. Ciiddanka Badda ee Hindiya waxay bishii hore ee March 29-diii Hawlgal ku soo qabteen Burcad-baddeeda Soomaalida oo iyagu afduub u haystay Dooni Kalluumeysi oo lagu magacaabo The Al-Kambar 786, xilli ay maraysay qiyaastii meel 90 nautical miles dhanka K/G kaga toosan Jesiirada Socotra ee u dhexeysa Somalia iyo Yemen. 23 Badmaaxiin u dhashay dalka Pakistan oo la socday Doonidaasi ayey Ciiddanka Badda Hindiya sheegeen inay soo badbaadiyeen. Dhanka kale, 9-ka Burcad-baddeed ee Soomaalida ee lagu wareejiyey Booliska magaalladda Mumbai ee dalka Hindiya waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:- 1- Geelle Jaamac Faarax oo 50 jir ah, 2- Aadan Xasan Warsame oo 44 jir ah, 3- Axmed Bashiir Cumar oo 42 jir ah, 4- C/Kariim Maxamed Shire oo 34 jir ah, 5- Maxamed Cabdi Shire oo 34 jir ah, 6- C/qaadir Maxamed Cali oo 28 jir ah, 7- Caydiid Maxamuud Jimcaale oo 30 jir ah, 8- Saciid Yaasiin Aadan oo 25 jir ah, 9- Jaamac Saciid Cilmi oo 18 jir ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip