Xog: Isbeddel lagu sameynayo maanta hoggaanka NISA

0
Thursday April 04, 2024 - 10:38:47 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog: Isbeddel lagu sameynayo maanta hoggaanka NISA

    Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay isbeddel ku sameeyaan hoggaanka sare ee hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), kadib markii la sheegay inuu is casilaad gudbiyay Mahad Salaad. Wararka ayaa sheegaya kulank

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay isbeddel ku sameeyaan hoggaanka sare ee hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), kadib markii la sheegay inuu is casilaad gudbiyay Mahad Salaad. Wararka ayaa sheegaya kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada maanta lagu magacaabayo agaasime cusub oo halkeeda kasii wadi doono shaqada hay'adda. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mahad Salaad ayaa doonaya inuu isku sharraxo xilka madaxweynaha Galmudug, si uu uga qayb-galo doorashada soo socota ee hoggaankaasi. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in laga yaabo in booska Mahad Salaad loo magacaabo Xildhibaan Sanbaloolshe oo horay usoo qabtay hoggaanka NISA. Sidoo kale baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay warka ku saabsan is casilaadda Mahad Salaad iyo in uu maanta dhacayo isbeddelka lagu sameynayo hay'adda NISA. Mahad Salaad ayaa xilkan loo magacaabay 26-kii May ee 2022-kii, kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna kahor ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka. Ra'iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale la filayaa inuu soo buuxiyo kuraasta ka maqan golaha wasiirada, gaar ahaan wasaaradaha amniga iyo dibadda oo muddo bannaan. Wasaaradda amniga waxaa horay u hayay Maxamed Cali Doodishe oo loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar, halka wasaaradda arrimaha dibadda uu iska casilay Abshir Cumar Jaamac (Huruuse'0 oo isku sharraxay hoggaanka sare ee Puntland. Tallaabadan ayaa haddii laga dhabeeyo waxa ay kusoo aadayaan, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka KMG ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip