Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan

0
Wednesday April 03, 2024 - 19:21:51 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan

    Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan, kaasi oo burburiyey tobaneeyo dhisme, islamarkaana horseeday in lasoo saaro diginin tsunami oo la gaarsiiyey Japan iyo Phi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay in ka badan 800 oo kalena waa ay ku dhaawacmeen dhul-gariir xooggan oo ku dhuftay Taiwan, kaasi oo burburiyey tobaneeyo dhisme, islamarkaana horseeday in lasoo saaro diginin tsunami oo la gaarsiiyey Japan iyo Philippines kahor inta aan la qaadin. Saraakiisha ayaa sheegay in dhulgariirka uu ahaa kii ugu xoogganaa ee gilgila jasiiradan muddo tobanaan sano ah, waxayna ka digeen dhul gariiro kale oo dhici kara maalmaha soo socda. "Dhulgariirku wuxuu ku dhowaa dhulka, wuuna qoto dheeraa, waxaa laga dareemay Taiwan oo dhan iyo jasiiradaha badda," ayuu yiri Wu Chien-fu, oo ah maamulaha Xarunta Dhexe ee Dhulgariirada iyo Maamulka Cimilada ee Taipei. Wu waxa uu sheegay in dhulgariirku uu ahaa kii ugu xooganaa tan iyo markii uu dhacay dhulgariir cabirkiisu ahaa 7.6 bishii September 1999, kaas oo dilay ku dhawaad 2,400 oo qof, taasi oo aheyd masiibadii dabiiciga ahayd ee ugu dhimashada badnayd taariikhda jasiiradda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip