Sawirro: Puntland oo heshiis la gaartay Ethiopia xilli ay taagan tahay xiisada badda

0
Wednesday April 03, 2024 - 19:00:53 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 100
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Puntland oo heshiis la gaartay Ethiopia xilli ay taagan tahay xiisada badda

    Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi. Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland iyo Ethiopia ayaa maanta heshiis horudhac ah oo dhinacyo badan taabanaya ku gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddankaasi. Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa kulan xasaasi ah Addis Ababa kula qaatay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Kulankaan ayaa lagu gaaray heshiis dhowr qodob ah, oo ugu weyn yahay iskaashiga kaabayaasha dhaqaale ee labada dhinac, kaasi oo ku qotoma dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga tamarta. "Puntland iyo Ethiopia ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia. Xukuumadda Addis Ababa ayaa xilligaan u muuqata mid maqaam midkii hore ka sarreeya siineysa xiriirka maamulka Puntland. Tallaabadan cusub ee ay qaadeen Puntland iyo Ethiopia ayaa imaaneysa xilli ay weli taagan tahay xiisadda badda ee Soomaaliya kala dhaxeysa xukuumadda Addis Ababa. Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xilli uu sii xumaaday xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, uuna maamulka ku dhawaaqay inuu aqoonsigii iyo kalsoonidii wada-shaqeyneyd kala laabtay hay'addaha dowladda federaalka. Hoggaanka Puntland oo markaas meel adag iska taagay ansixinta dastuurka ayaa tan iyo markaas ku doodaya inay awood u leedahay inay u dhaqanto sidii dowlad madax-banaan illaa inta laga helayo dastuur federaal ah oo heshiis lagu yahay. "Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay."


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip