Sababta uu weli u fuli la'yahay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya

0
Wednesday April 03, 2024 - 18:58:56 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 82
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta uu weli u fuli la'yahay heshiiska Soomaaliya iyo Kenya

    Sagaal bilood kadib illaa hadda weli ma fulin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee furista xuduudka labada dal, xilli ay Kenya soo saartay amar sii dheereynaya inuu waqti dhow dhaqan-gal noqdo. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sagaal bilood kadib illaa hadda weli ma fulin heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee furista xuduudka labada dal, xilli ay Kenya soo saartay amar sii dheereynaya inuu waqti dhow dhaqan-gal noqdo. Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan qorshaha ugu jirin in mardhow dib u furto xuduudka ay la wadaagto Soomaaliya, ayadoo walaac ka muujisay saameynta amni ee ka dhalan karta howl-galka Midowga Afrika ee gudaha Soomaaliya. Raymond Omollo oo ah Xoghayaha arrimaha gudaha Kenya oo la hadlay Nation Africa ayaa shaaciyay in go'aankan uu yimid kadib markii "ay qiimeeyeen baahida loo qabo in la sugo ammaanka dalka ee dhamaan goobaha laga soo galo iyo kuwa laga baxo." Go'aankan sii dheereynaya furista xuduudka labada dal ayaaa kusoo beegmaya sagaal bilood kadib markii ay Soomaaliya iyo Kenya ay ku dhawaaqeen in dib loo furayo xuduudka kadib wada-tashiyo heer sare ah oo ka dhacay magaalada Nairobi. Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa uu xiran yahay muddo ku siman 12 sano. Soomaaliya ayaa hadda waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka geysata gudaha Kenya, oo ayadu feejignaan dheeraad ah ku jirtay tan iyo markii ay howl-gallada tooska ka bilowdeen Soomaaliya. Kenya ayaa ka cabsi qabta in dagaalamayaasha kooxda qaarkood ay usoo gudbaan dhankeeda, ayaga firxad ka ah howl-gallada lagu beegsanayo ee ay iska kaashanayaan ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka hubeysan ee Macawiisleyda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip