Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo muhiim u ah dagaalka kooxda Al-Shabab

0
Monday April 01, 2024 - 17:55:29 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmo muhiim u ah dagaalka kooxda Al-Shabab

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay waj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Degmadan uu maanta gaaray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wajaheysay culeys xooggan, oo uga imaanayay kooxda Al-Shabaab, xilli bilihii lasoo dhaafay uu hoos u dhacay gulufka kooxda ka dhanka ahaa. Madaxweynaha Soomaaliya sidoo kale waxaa socdaalkan ku wehlinayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor, waxaana qeyb ka ah mas'uuliyiin heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Ujeedka socdaalka madaxweynaha ayaa u daaran dardar-gelinta dagaalka Al-Shabaab iyo dhiiri-gelinta ciidanka geesiyaasha ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, si dhiig cusub loogu shubo gulufka uu gaabiska ku yimid. Xasan Sheekh iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin saraakiil sar-sare ayaa sidoo kale indhaha soo saari doona saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka laga abaabulayo dagaalka, si mar kale la'isugu daba rido, una qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah kooxda. Xarardheere ayaa astaan u ah adkeysi iyo fara-adeyg ay sameeyeen dadkeeda in magaalada noqoto meel ka caagan argagixisada, maadaama ay noqotay deegaan si rasmi ah loo xasiliyay oo noloshii ay dib ugu soo laabatay, sida waxbarashadii iyo adeeggii kale ee bulshada. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey Dhuusamareeb u joogay muddo aad u dheer, isaga oo ka hagayay wajiga koowaad ee dagaalka oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran, lagana gaaray guullo wax ku ool ah. Galmudug iyo HirShabelle ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, islamarkaana lagu xorreeyay deegaanada ugu badan ee soo galay gacanta dowladda. Si kastaba, booqashada haatan madaxweynaha ku tegay furimaha hore ee dagaalka ayaa imaneysa, xilli dhowaan ay ciidamada dib uga soo baxeen magaalooyin ay horay ugala wareegeen kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira cabasho ay qabaan ciidamada dowladda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip