Dood yaab leh oo laga keenay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

0
Monday April 01, 2024 - 17:49:34 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dood yaab leh oo laga keenay tallaabadii uu xalay qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay nuqulka wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii ay meel-mariyeen labada aqal ee baarlamaanka, kaasi oo ay ka dhalatay dood xooggan. Munaasabadda saxiixa nuqulka rasmiga ah ee wax ka bed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay saxiixay nuqulka wax ka beddelka dastuurka ee Sabtidii ay meel-mariyeen labada aqal ee baarlamaanka, kaasi oo ay ka dhalatay dood xooggan. Munaasabadda saxiixa nuqulka rasmiga ah ee wax ka beddelka cutubyada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee Dastuurka JFS ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaki galiyay nuqulka wax ka beddel ee madaxweynaha uu saxiixay, xilli uu sheegay in baarlamaanka laga qariyay wax ka beddelka saxda ee loo coddeeyay, sida uu ku yiri qoraal uu soo saaray. "Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in illaa iyo haatan cid aragtay aysan jirin nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, islamarkaana aan la garanayn waxa uu madaxweynaha xalay sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay, sida uu hadalka u dhigay. Hoos ka aqriso qoraalka Nuqulkee ayuu Madaxweynuhu saxiixay. Khamiistii 28/03/2024 ayaa la soo diray dokumiinti 600 bog ah oo ay ku jiraan doodihii Xildhibaannada ee afarta cutub. Waxaa la dhowrayey in doodaha iyo wadatashiyadii jihooyinka 9-ka ah lagu soo daro nuqulka kama danabysta ah, lama yeelin ee maalin ka dib ayaa cod loo qaaday nuqul aan la arag. Qaar ka mid ah Xildhibaannadii shalay codeeyey ayaan waydiiyey waxa ay u codeeyeen? Waxay iigu jawaabeen ma naqaan waxaan u codeynay? Madaxweynayaasha dalwad goboleedyada ayaan waydiiyey, maadaama inta badan qodobbadii ay Madasha uga soo heshiiseen la beddelay, in lala wadaagay iyo in kale nuqulkii kama danbaysta ahaa? Waxay iigu jawaabeen, maya ma aanan arag. Ilaa iyo haatan cid aragtay ma laha nuqulka kama danbeysta ah ee afarta cutub, lamana garanayo waxa uu Madaxweynuhu caawa sidii hindise sharciyeedka oo kale u saxiixay. Waa markii saddexaad ee uu Baarlamaanka dukumiinti uusan arag ansixiyo. Bal aan aragno halka uu ku danbeeyo dastuur anaa dubtay, aniga ayaana daangaystay ka ah?. xigasho caasimada .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip