NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badna ee mar qura isa soo dhiiba

0
Monday April 01, 2024 - 17:38:12 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badna ee mar qura isa soo dhiiba

    Ciidanka NISA ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda. Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 xubn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka NISA ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay dagaal-yahaano badan oo ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda. Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood, kana soo goostay kooxda arxanka daran ee Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey'adda Nabad-sugidda magaalada Baydhabo. Sida ay sheegtay hay'adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha. Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda. Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi. Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip