Xildhibaanada BJFS oo loo gudbiyay nuqulka kama danbeysta ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ah

0
Thursday March 28, 2024 - 13:46:45 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada BJFS oo loo gudbiyay nuqulka kama danbeysta ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ah

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyay guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu weheliyay guddoonka Aqalka sare ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 30aad ee wadajirka ah ee Labada Aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada labada gole. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad, qeybinta nuqulka kama dambeysta ah ee soojeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka (Cutubka 1-aad ilaa iyo 4-aad) iyo warbxinta Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa aqal Xil. Xuseen Iidoow,oo Xildhibaannada hortooda ka aqriyay warbxinta 1-aad ilaa iyo 4-aad,isagoona sheegay in Xildhibaannada loo qeeybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Guddoomiyaha Guddiga Madaxbanaan ee La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka, Mudane Burhaan Aadan Cumar, ayaa soo bandhigay hadal qoraallada ay diiwaan geliyeen kuwaas oo ahaa soo jeedimaha Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in nuqulada maanta loo qeybiyay Xildhibaannada iyo Sanatarrada in ay soo akhriyaan, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in Xildhibaanada soo xaadiraan kulamada ka dhiman kalfadhigaan. Halkaan Hoose ka daawo hadal jeedinta guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka,Xuseen Iidow.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip