Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

0
Thursday March 28, 2024 - 12:43:56 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir looga hadlayay Amniga oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

    Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Dawlad goboleedka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Hiiraan oo ay ka qayb galeen Saraakiiil ciidamada oo ka kala tirsan Xoogga dalka , Nabad sugidda iyo Boo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Dawlad goboleedka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Hiiraan oo ay ka qayb galeen Saraakiiil ciidamada oo ka kala tirsan Xoogga dalka , Nabad sugidda iyo Booliska kaas oo ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan . Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye ayaa ugu horreeyn warbixin ku saabsan amniga Magaalada Baladweyne iyo Hawlgallada ka dhan ah Alshabaab ka dhageestay saraakiisha amniga ee gobolkaasi. Sidoo kale , Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay dadaalada saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ugu jiraan Xaqiijinta Amniga ,waxa uuna faray saraakiisha in la xoojiyo qorshaha Sugida Amniga Magaalada Baladweyne, wuxuuna ballan qaaday in maamulka gobolka Hiiraan kaalintiisa uu qaadan doono, isla markaana uu bilaaban doono isla xisaabtan dhab ah si xaaladda jirta wax looga badalo. Dhawaan ayaa Magaalada Bladweyne Waxaa ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaas ee u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Dawlad Goboleedka Hirshabeelle iyo ciidamo taabacsan maamul la magac baxay Hiiraan State.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip