Wasiirka qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga horumarinta Afrika

0
Wednesday March 27, 2024 - 12:48:23 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga horumarinta Afrika

    Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika oo booqasho ku yimid magaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa inta badan diiradda lagu saarayay Dhamaystirka Warbixinta Istaraatiijiyadda Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya 2022-2024. Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday gogol-dhigga Qorshaha Cusub ee Istaraatiijiyadda Dalka 2025-2029, kaas oo la jaan-qaadaya mudnaanta qaranka Soomaaliya iyo Qorshaha Casriyaynta Dowladnimada ee Xukuumadda Dan-Qaran si loo helo horumar waara iyo barwaaqo. Istiraatijiyadda dalka ayaa taabanaysa dhinacyo kala duwan sida horumarinta dhaqaalaha, xasilloonida, iyo horumar joogta ah. Wasiir Beenebeene ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida hagar la'aanta ah ee uu Bangigu ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale qiray dadaalka bankiga uu ugu jiro horumarinta kobaca dhaqaalaha dalka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hiigsiga fog ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid isfaham iyo miro dhal kusoo dhamaaday, waxaana labada dhinac ay isku aragti ka ahaayeen mustaqbalka Soomaaliya. Wafdiga ayaa ugu danbayntii kulan heer farsamo ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda QMHDH, Mudane Maxamed Shire iyo qaar ka mida Agaasimayaasha Waaaxaha waxa ayna si mug leh u eegeen natiijooyinkii warbixinta oo ay ku jireen falanqayn lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha iyo casharrada laga bartay hirgelinta istiraatijiyadda.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip