Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

0
Wednesday March 27, 2024 - 13:44:21 in Wararka by Rahma Mohamed
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Qodobada ugu muhiimsan heshii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga. Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa'iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa'iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta. Kulanka oo uu guddoominayey Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada iyo Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip