Amar la dul dhigay dadka ku ictikaafaya Masaajidka Ugu Weyn Muqdisho

0
Tuesday March 26, 2024 - 14:15:58 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amar la dul dhigay dadka ku ictikaafaya Masaajidka Ugu Weyn Muqdisho

    Masaajidka ugu weyn Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Cali Jimcaale, ayaa dhawaan waxaa Maamulka Masaajidkaas kasoo baxay awaamiir lagu kala saarayo dadka ku ictikaafaya masaajidka maadama ay badan yihiin . Magaalada Muqdisho oo ay ku noolyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masaajidka ugu weyn Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Cali Jimcaale, ayaa dhawaan waxaa Maamulka Masaajidkaas kasoo baxay awaamiir lagu kala saarayo dadka ku ictikaafaya masaajidka maadama ay badan yihiin . Magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin dad badan ayaa durba waxa ay qaarkood iska xaadiriyeen masaajidka si ay usoo hubiyaan qaabka ay boos uga heli karaan, iyadoo tirade durba ay buux dhaafisay. Maamulka sare ee masaajidka Cali Jimcaale ayaa shuruudo kasoo saaray sida ay dadka u kala saayaan iyada oo tobanka dambe ee Ramadaan ay foodda nagusoo heyso. Sheekh Cabdikariin Ciise Cali oo ah Imaamka kana mid ah mas'uuliyiinta masaajidka ayaa BBC-da u sheegay, "Maadaama dadka masaajidka soo xaadiraya hadana raba in ay ictikaafaan ay badanyihiin, maamulka masaajidku waxa ay soo saareen shuruudo lagu kala saarayo dadka". Ilaa afar shuruuudood oo waaweyn ayuu ka dhawaajiyay Sheekh Cabdikariin, taas oo cidda kasoo bixi weyda aysan awoodi doonin in ay kamid noqoto dadka ku ictikaafacaya masaajidka. "shuruudda 1-aad waa in qofka ictiraafaya uu yahay qof rag ah, taas micneheedu ma ahan in dumarka laga mamnuucay laakiin masaajidka nooma saamixin in ay ku ictiraafaan Masjidka. Qodobka 2-aad, waa in qofka ictikaafaya uu yahay qof kaweyn da'da 20-ka sano, taas waxa aan uga dhignay in qofku uu noqdo qof mas'uul ah maadama ay dhallinyarada qaar taleefannada ku mashquulaan ama qaarkood ay maanta dhan wax duubaan taas oo ay dhibsanayaan dadka waaweyn ee ictikaafaya", ayuu yiri Sheekh Cabdikariin. waxa uu sheegay in shuruudda 3-aad ay tahay in qofka ictikaafaya ugu horreyn looga baahanayahay in uu is diiwan geliyo, waxa uu sheegay in barnaamij lasoo dhigi doono dhinaca barta Facebook-gga ee Masaajidka iyada qof waliba looga baahanyahay in uu soo buuxiyo foom xagga ku qoran. Waxaa xusid mudan in qofka loo oggolaaday in uu kamid noqdo dadka ictikaafaya uu heli doono farriinta gaaban ee ugu dhacaysa taleefankiisa. "Shuruudda kale ee 4-aad waxa ay tahay in qofka laga helo damiin iyo aqoonsi, taas waxa ay ku timid in meelaha qaar ay ka dheceen in dadka ictikaafaya mararka qaar la dhaco oo taleefannada iyo alaabaha laga aruursado, waxaana loo baahanayahay damiin ah siyaasi ama oday dhaqameed ama ganacsade ama qof mas'uul ah oo la garan karo", ayuu yiri sheekh Cabdikariin. Aqoonsiga labada qof ee damiintaha iyo la damiintaha ayaa muhiim ah oo labadaba laga doonayaa sida uu sheegay Sheekha. Waxaa kale oo jirta in qofka laga doonayo caddeyn ah in uu caafimaad qabo isla markaana uu keeno warqad muujineysa caafimaadkiisa in uu wanaagsanyahay. Sheekh Cabdikariin ayaa sheegay in Meesha la'isugu imaanayo ay tahay masaajid isla markaana waqti badan la joogayo taasina ay keeneyso in qofkasta la hubiyo caafimaadkiisa si badqabka qofka loo ilaaliyo. Culimada masaajidka Sheekh Cali Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in qofka Kujira masaajidka ee loo oggolaaday in uu ictikaafo afurkiisa iyo suxuurtiisaba ay kafaala qaadeen isla markaana aysan jirin wax looga baahanyahaay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip