Xubno ka tirsan Alshabaab oo Weerary Saldhig ay leeyihiin Ciidanka ATMIS

0
Monday March 25, 2024 - 20:25:55 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno ka tirsan Alshabaab oo Weerary Saldhig ay leeyihiin Ciidanka ATMIS

    Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Weerar Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamo ka tirsan Hawllgalka ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Weerar uu xigay dagaal toos ah o

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya Weerar Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamo ka tirsan Hawllgalka ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose. Wararka ayaa sheegaya in Weerar uu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Alshabaab iyo ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan Saldhiga ay shabaabka weerareen. Ciidamada ATMIS ayaa la sheegayaa in iska caabiyeen weerarka lagu qaaday, waxaana degan xaalada Saldhiga ay Weerareen Al-Shabaabiyadoo welli Saldhigaas ay ka gacabta ku haayan Ciidanka ATMIS. Alshabaab ayaa guulo ka sheegatay Weerarkaas iyaga oo sheegay in khasaare ay ku gaarsiiyeen Ciidanka Uganda Weerarkii ay ku qaadeen Saldhigooda oo ku yaala Magaalada Bararaawe ee gobolka shabeelada Hoose. Sidoo kale ciidamada ATMIS oo ay wehliyaan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ka dhan ah Alshabaab ka sameeyay Nawaaxtiga Saldhiga uu weerarka ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka shabeelada Hoose. Lama oga illaa hadda Khasaaraha ka dhashay Weerarka Alshabaab ay ku qaadeen Saldhiga ATMIS ay ku leeyihiin Magaalada Baraawe ee gobolka shabeelada Hoose .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip