Maxkamadda amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga

0
Monday March 25, 2024 - 20:16:06 in Wararka by Hamdi Omar
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda amartay in Burcad-baddeed Soomaali ah lagu sii hayo Xabsiga

    Maxkamadda magaalladda Mumbai ee Caasimada Gobalka Maharashtra ee K/Galbeed ee dalka Hindiya waxaa maanta la soo taagay 35 Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo shalay lagu wareejiyey Ciiddanka Boliska ee dalkaasi. Eedeysanayaasha waxa maanta la hor g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda magaalladda Mumbai ee Caasimada Gobalka Maharashtra ee K/Galbeed ee dalka Hindiya waxaa maanta la soo taagay 35 Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaasi oo shalay lagu wareejiyey Ciiddanka Boliska ee dalkaasi. Eedeysanayaasha waxa maanta la hor geeyey Maxkamadda magaalladda Mumbai oo horey loo oran jirey Bombay. Garsoorka Maxkamadda Mumbai waxay oggolaatay in ay Ciiddanka Boliska gacanta ku sii hayaan Eedeysanayaasha muddo 10 maalmood, ilaa laga soo dhamaystirayo Gal-dacwadeedka Kiiska loo haysto. Eedeysanayaasha Soomaalida waxaa lagu soo qabtay Iska-horimaad qaatay 40 saacadood la galeen Markab Dagaal oo ay Ciiddanka Badda Hindiya leeyihiin bishan March 15-dii. Qabashada Burcad-baddeedaasi waa tiradii ugu badnayd ee lagu maxkamadeeyo dalka Hindiya muddo haatan laga joogo ku-dhawaad 6 sano. Sanadkii 2011-kii, 120 Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu soo qabtay hawlgalo ka dhacay badda Somalia ayaa lagu maxkamadeeyey dalka Hindiya, iyadoo lagu xukumay Xabsi 7 sano ah oo ay ku qaateen Xabsiyo ku yaalla magaallada Mumbai ee dalka Hindiya. Labo ka mid ah Burcad-baddeedaasi ayaa ku dhintay Xabsiga, halka 118-kii kale dib loogu soo celiyey dalka Hooyo, kadib, markii ay dhamaysteen Xukunadii lagu riday.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip